Madaxweynah Ruushka oo xaqiijiyey in uu hubka nukleerka gaarsiiyey dal aan loo ogoleyn
Ruushku wuxuu Belarus u daabulay qaybtii u horreysay ee hubka xeeladda ee nukleerka, ayuu yiri Putin.
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa madal ka sheegay in hubkan la isticmaali doono oo kaliya haddii dhulka ama gobol ka mid ah dhul weynaha Ruushka la handado.
“Ma aragno wax calaamado ah oo muujinaya in Ruushka uu isku diyaarinayo inuu isticmaalo hubka nukliyeerka,” Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa yiri ka dib hadalka Mr Putin.
Belarus waa xulafada muhiimka ah ee Ruushka waxayna garab muhiim ah u ahayd duullaanka buuxa ee Ruushku uu ku qaaday Ukraine bishii February ee sanadkii hore.
Mr Putin ayaa sheegay in daabulista madaxyada taatikada ee hubka Nukliyeerka la dhameyn doono dhamaadka xagaaga.
Madaxweynaha Ruushka oo ka jawaabayay su’aalo ka dib khudbad uu ka jeediyay madasha dhaqaalaha caalamiga ah ee St Petersburg, ayaa sheegay in tallaabadani ay ku saabsan tahay “xakamaynta” iyo in la xasuusiyo cid kasta oo “ku fikiraysa inay nagu hayso guul-darro istiraatiiji ah”.
Mar uu weydiiyay dhexdhexaadiyaha madasha su’aal ku saabsan suurtagalnimada isticmaalka hubkaas, wuxuu ku jawaabay: “Maxaynu ugu hanjabaynaa adduunka oo dhan? Waxaan horay u sheegay in isticmaalka tallaabooyin xad-dhaaf ah ay suurtagal tahay haddii ay jirto khatar ku wajahan qaranimada Ruushka.”
Hubka taatikada ah waa madaxyada nukliyeerka yar iyo hababka gaarsiinta loogu talagalay in lagu isticmaalo goobta dagaalka, ama weerar xaddidan. Waxaa loo qorsheeyay in ay burburiyaan bartilmaameedyada cadowga ee aag gaar ah iyaga oo aan keeeyn shucaac baahsan oo.
Hubka ugu yar ee nukliyeerka ah wuxuu noqon karaa hal kiilooton ama wax ka yar soo saarista u dhiganta kun tan oo ah TNT-ga qarxa. Kuwa ugu waaweyn waxay gaari karaan ilaa 100 kilotons. Marka la barbardhigo, bamka atomiga ah ee Maraykanku ku tuuray Hiroshima sannadkii 1945 wuxuu ahaa 15 kiloton.
Madaxweynaha Ruushka wuxuu u ballansan yahay la kulanka madaxda Afrik kadib markii ay booqdeen Kyiv jumcadii shalay, talaabadan oo ah dedaalo nabadeed oo ay hor dhigayaan labada dhinacba. Hase ahaatee xilli ay madaxdani ku sugnayd magaalada, ayaa duqeymo lala beegsaday.
Qoraalka sawirka,Magaalada Kyiv ayaa duqeymo lala beegsaday xilli ay ku sugnaayeen madaxda Afrika.
Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa ku baaqay in la qaboojiyo xiisadda labada dhinac iyo wada xaajood nabadeed oo la isugu yimaad.
“Waxaan halkan u nimid inaan dhageysanno oo aan aqoonsanno wixii ay soo mareen dadka Ukraine,” ayuu yiri.
Laakiin madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in ay haboon tahay in Ruushka cadaadis siyaasadeed si loo diro fariin ah in beesha caalamku ay cambaaraysay duulaanka Ruushka.
Kyiv ayaan wax wada xaajood ah la geli doonin Moscow inta ay weli qabsanayso dhulka Ukraine, ayuu yiri Mr Zelensky.
Mr Putin ayaa sidoo kale ku celiyay sheegashadiisa ah in Ukraine aysan haysan wax fursad ah oo ay ugu guuleysan karto weerarada ka hortagga ah ee socda.
Milateriga Ukraine ayuu sidoo kale gabaabsi ku yahay qalabkoodii milateri, waxaana dhowaan la isticmaali doonaa oo keliya qalabka ay reer galbeedku ku deeqaan, ayuu yiri.
“Muddo dheer sidan oo kale umasii dagaalami kartid” ayuu yiri, isagoo ka digay in diyaarad kasta oo nooca Maraykanka eee F16 ah oo la siiyo Ukraine “uusan shaki ku jirin in la gubi doono”.
Ukraine ayaa horay u diidday hadal kan la mid ah, waxayna sheegtay inay horumar ka samaynayso dib u qabsashada dhulka bariga iyo koonfurta Ukraine.
Jimcihii, wasiir ku xigeenka difaaca ee Ukraine Hanna Malyar ayaa sheegtay in koonfurta dalka cutubyo ay ruqaansadeen 2km oo dhan walba ah.
BBC si madaxbanaan uma xaqiijin karto sheegashada goobta dagaalka.
Hogaamiyaha Ruushka ayaa sidoo kale ka hadlay mowduucyo dhaqaale, isagoo ku andacoonaya in cunaqabateynta reer galbeedka ee Ruushka ay ku guuldareysteen inay go’doomiyaan, taas bedelkeedana ay horseeday ballaarinta ganacsigiisa ee “suuqyada mustaqbalka”.
Waxa uu ammaanay heshiisyada cusub ee lala galay dalalka Aasiya, Bariga Dhexe iyo Laatiin Ameerika – isaga oo ku tilmaamay inay yihiin “la-hawlgalayaal la isku halleyn karo oo mas’uul ah”.
Mintidiin xiriir la leh kooxda Daacish ayaa 37 arday oo u dhashay Uganda ku gubay galbeedka dalkaasi, waana weerarkii ugu xumaa ee muddo ka badan toban sano ka dhacay Uganda, sida ay Sabtida maanta ah sheegeen saraakiisha militariga iyo kuwa booliiska ee dalkaasi.
Militariga ayaa sheegay in ay ku raadjoogaan mintidiin ka tirsan kooxda Allied Democratic Forces (ADF) ka dib markii ay gelinkii danbe ee Jimcihii ka soo gudbeen xuduudda, ayna weerareen dugsi hoose oo ku yaalla Mpondwe oo ka tirsan degmada Kasese ee u dhow xadka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo.
Baarayaasha ayaa sheegay in qolalkii ay ardaydu jiifeen dab la qabadsiiyay, weerar bahalnimo ah oo ay ku eedeeyeen in ay ka danbeysay ADF, oo ah mid ka mid ah kooxaha gaysta dilalka ugu badan kana dagaalanta gudaha bariga Koongo.
“Nasiib darro, 37 meyd ah ayaa la helay waxaana la geeyey qolka meydka ee isbitaalka Bwera,” ayuu afhayeenka ciidamada Uganda Felix Kulayigye ku sheegay qoraal uu soo saaray, isagoo ka hadlayay magaalo ku dhow halka uu weerarku ka dhacay.
Waxa uu sheegay in siddeed qof ay ku dhaawacmeen weerarkan halka lix kalena ay kooxdii weerarka qaaday u afduubatay dhanka Beerta Qaranka ee Virunga, taasi oo ku taalla soohdinta Jmahuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo.
“Ciidamada UPDF ayaa bilaabay inay baacsadaan dambiilayaasha si ay u soo badbaadiyaan ardayda ay afduubteen” ayuu yiri.
Guddoomiyaha deegaanka ee Kasese, Joe Walusimbi, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in ugu yaraan 25 ka mid ah dadka dhintay “la xaqiijiyay in ay arday ka ahaayeen iskuulka”.
Weerarkan ayaa ah kii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca Uganda tan iyo 2010-kii oo laba qarax oo ka dhacay Kampala ay ku dhinteen 76 qof, weerarkaasi oo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab.
Gabadhii ugu horaysay ee Muslin ah oo loo magcaabay garsoore heer Federaal ah oo Maraykan ah
Golaha Senateka ee Maraykanka ayaa cod aad u yar ku ansixiyey garsoorihii ugu horreeyey ee Muslin ah ee xubin ka noqda maxkamadaha heer federaal ee dawladda Maraykanka. Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa xilkan u magcaabay Nusrat Choudhury oo ka soo jeeda dalka Bangladeshi.
Nuarat ayaa xilal sare uga soo qabatay isbahaysiga u dooda xorriyadda madaniga ah ee Maraykanka ee fadhigiisu yahay gobolka Illinois. Iyada oo wakhti dheer caan ku ahayd inay u dhaqdhaqaado sinnaanta dadka kala jinsiyadaha ah, caddaaladda iyo amniga bulshada.
Golaha Senateka ayaa ku ansixiyey 50 cod oo ka mida 100 mudane ee golaha, halka ay diideen 49 mudane.
Nusrat ayaa fadhiisan doonta Maxkamad Degmo oo Federaal ah oo ku taalla New York.
Guddoomiyaha aqlabiyadda ee golaha Senateka Chuck Schumer ayaa Nusrat ku tilmaamay inay leedahay waayo aragnimo sare, karti iyo daacadnimo. Wuxuu sheegay inay khibrad u leedahay xuquuqda madaniga ah, taasina ay keeni doonto inay xirfadeeda ugu adeegto kursiga loo magcaabay ee heer Federaa
Siyaasiyiinta Ciise Maxamuud oo magacii Hagbadda ula baxay magac kale oo reer ahaan u gaar ah , sheegayna in lagu khasban yahay inay qabtaan xilka madaxweynah Puntland a loona baahnayn Doorasho.
Reer Puntland intooda badan waxay u yaqaaniin ” HAGBAD” , hogaanka Puntland ee sadexda reer ee beesha Majeerteen midba mar qabto, inkastoo beeshani ayna arintan ka wada tashan ama ayna raali ka wada ahayn, hadana waxa jira siyaasiyiin ka soo jeeda beeshaas oo dhimasho ka xiga in wax laga bedelo nidaamkan qaabka daran oo nin aan awoowihiis waxaraha lagu aamini jirin iska dhaadhiciyo inuu reero soo talin jiray uu xig iyo caasimadda Puntland ayaan degnaa ugu taliyo.
Beesha Ciise Maxamuud ee Majeerteen, oo siyaasiyiintoodu khal khal siyaasadeed iyo mid amni ka wadaan degaanada Puntland ayaa nidaabkii qaabka ka rnaa oo dad badani horay uga caraysnaayeen ee Hagbaddii ul baxy magac ay reer ahaan u gaar ah , hase ahatea aan Puntland inteeda kala la aqoon. Magacaas ayaa dhowaan waxa warbaahinta ka sheegay Xildhibaan Beeshan ku metela Baarlamaanka Puntland oo lagu magcaabo Xildhibaan Jaabir, wuxuuna yidhi ” “Taruhu waa lamataabtaan, Deni waxa aan ugu codeeyey anoo ilaalinaya taraha, haatana waa kalkii Nugaal, Sool waxa ay leedahay ku-xigeenka, Sanaagna Guddoomiyaha Baarlamanka yaan laysku xad-gudbin dalkana khalkhal la gelin.”
Xildhibaan Jaabir oo ka mid ah Xildhibaanadan xooga ku raadinaya hogaanka Puntland, waxa awood u ah oo ku gabanayaan, iyagoo wax badan kaga dayana siyaasiyiinta Muqdisho waa Caasimadda Puntland ee Garowe ee reer ahaan ah ay degaan,
Ugu danbayntii, xitaa haddii lagu laabto 66kii Xildhibaan ee madaxweynaha Puntland lagu dooran jiray, marna lagama yaabo nimanka maanta ka soo cararay Furintii Sool oo qoryihii loogu talo galay xoraynta Galgala iyo Laascaanood la horfadhiya xaiisyada Madaxweyne ku xigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka in lagu abaal mariyo hogaanka Puntland. Waxa taa ka fudud kun jieer in Caasimadda la raro oo meel ku haboon la geeyo
Gobolka Hayland ayaa gebi ahaanba laga joojiyey imtixaankii Isaaqland
waxaa gebi ahaan laga joojiyey Gobolka Haylaan imtaxaanka Shahaadiga ah ee maanulka Isaaqland oo hore si dhuumasho ah loogu keeni jirey qaybo kamid ah gobolka.
Bulshada gobolka Haylaan ayaa is hortaagey in deegaankooda la keeno Imtaxaan ka ka socda maamulka Isaaqland, xili maamulka SNM xasuuq shacab iyo duqayn aan kala sooc lahayn kawado gobolka Sool.
Maamulka Isaaqland ayaa la sheegay inuu qorshaynayo in qaybo kamid ah gobolka Sanaag la geeyo Imtaxaanka laga diidey gobolka Haylaan, bulshada gobolka Sanaag ayaa dhankooda wada abaabul looga hortegayo Imtaxaanka maamulka Isaaqland si lamid ah bulshada Haylaan.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay wakiillada beesha caalamka u jooga Soomaaliya, isaga oo kala hadlay, sidii ay uga taageeri lahayeen Soomaaliya, xaqiijinta go’aamadii Golaha Wadatashiga Qaran, si loo hirgeliyo hannaan doorasho oo ku dhisan metelaadda dadweynaha.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta madaxtooyada ee Soomaaliya, madaxweynaha ayaa u sheegay wakiillada iyo danjirayaasha uu la kulmay, “inay arrintaasi saamayn wanaagsan ku yeelan doonto geeddi-socodka siyaasadda dalka iyo soo kabashada dawladnimada Soomaaliya.”
“Madaxweynaha ayaa dul istaagay dadaalka ay dawladdu ku bixineyso xasilinta deegaanada laga xoreeyay argagixisada iyo gaarsiinta adeegyo bulsho oo dhameystiran, waxaana uu tilmaamay in loo baahan yahay taageero caalami ah si loo daboolo baahida baaxadda leh.” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada
Qoraalka ka soo baxay madaxtooyada ayaa sidoo kale lagu sheegay in madaxweynuhu kala hadlay wakiillada beesha caalamka ee uu la kulmay, “ahmiyadda ay Shacabka iyo dowladdaba u leedahay xaqiijinta qorshaha sannadka 2024 ee ku aaddan meelmarinta go’aamada masiirka ahaa, kuwaas oo ku saleysan in awoodda dib loogu celiyo shacabka, hirgelinta qorsha Ciidamanka Xooga Dalka ay kula wareegayaa amniga dalka iyo ciribtirka argagixisada Al shabaab.”
Kulankan waxaa ka qaybgalay diblomaasiyiin kala metelayey Maraykanka, Ingiriiska, Jarmalka, Sweden, Norway, Finland, Denmark, Qaramada Midoobay, Midawga Afrika iyo Midawga Yurub.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in danjirayaasha ka kala socotay dalalkani inay dawladda Soomaaliya ku bogaadiyeen “guulaha wax ku oolka ah ee ay ka gaartay dagaallada ka dhanka khawaarijta Al Shabaab, iyagoo Sidoo kale sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ku garab taaganyahiin qorsheyaasha mudnaanta u leh Xukuumadda ee amniga, nabadda, xasilloonida iyo meelmarinta go’aamadii Golaha Watashiga Qaran.” ayaa lagu soo gebagebeeyey warsaxaafadeedka.
Maxay tahay sababta aabbahan Soomaaliyeed ee 10-ka sano ku noolaa Canada loo soo tarxiilayo?
Dowladda Canada ayaa shaacisay inay dalkeeda ka musaafurineyso Yussuf Madey Maxamed oo dalkaas ku noolaa muddo ka badan 10 sano, kaddib markii waaxda qaabilsan arrimaha xuduudaha dalkaas ay sheegtay inuu ka been sheegay imaanshiyahiisa Canada.
Waxaa ay sheegtay inay dib ugu celinayso dalka Kenya oo uu hore qaxooti ahaan u degennaa muddo dheer, baasaboorkeedana uu ku soo galay dalka, balse Yussuf waxaa uu ku doodayaa in dhalashadiisu tahay Soomaaliya isla markaana uu xaalad adag ku wajahi doono Kenya hadii halkaa loo musaafuriyo.
Dowladda Canada ayaa sheegtay in 19-ka bishaan dalkeeda ka masaafurinayso Yussuf Madey Mohamed oo ah aabbe Somaaliyeed oo haysta 5 caruur ah, kuna noolaa magaalada Edmonton 10-kii sano ee lasoo dhaafay. Yussuf Madeey oo la hadlay BBC-da ayaa go,aanka dowladda ku tilmaamay cadaalad darro, uuna ka xunyahay in isaga iyo ilmihiisa la kala wado.
“Waxaan u arkaa diris caddaalad darro ah, nin reerkiisa iyo ilmihiisa laga diraya uma arko wax saxan, waa arrin xanuun igu reebeysa waadna garan kartaa dhibaatada aabbe xaaskiisa iyo ilmihiisii uu jeclaa laga qaadayo. Waxaa codsan in cidwalba oo wax ka qaban kartaa arrintan iga caawiso iyadoo la ilaalinayo qalbiyada ciyaalkeeyga xaaskayga iyo keygaba oo ay noo daayaan inaan wada noolaanno,”
Sidoo kale Xaliimo Ibrahim Cali oo ah xaaskiisa ayaa tallaabada dowladda cadaalad darro ku tilmaantay iyadoo codsi u dirtay dowladda Canada.
“Waxaan u arkaa arrin aan caddaalad ahayn sababtoo anigoo risboonsaray ninkayga in la’iga celiyo. Dadna wey soo qaadayaan dadna waa ay celinayaan, wasiirka maalin hore waxa uu ka hadlayay in dadka lammaanaha isku keeni doono oo 30 maalmood loogu soo jawaabayo wax markuu xareysto. Wasiirada Kanada waxa aan ka codsanayaa inay qoyskayga ii daayaan sababtoo ah makala maaranno qoys baanu nahay mana ku noolaan karo waddanka keligay,” ayay tiri Xaliimo Ibrahim Cali.
Hay’adda Xudduudaha ee Canada Boarder Service Agency ayaa sheegtay in Maadey uu ka been sheegay imaanshihiisii Canada, uuna haysto passport-ka Kenya, balse Yussuf Madeey ayaa isagu ku doodaya inuu dhalasho ahaan kasoo jeedo Somaliya haddii loo qaado Kenyana ay naftiisu khatar ku jirto. Sidoo kale wuxuu sheegay inuu dhamman cadaymihii loo baahnaa la wadaagay laamaha socdaalka ee dalka Canada, balse arrintaas aysan waxba iska badalin.
Somali badan oo kasoo horjeeda dib u celinta ninkaan ayaa isugu soo baxay magaalada Edmonton, waxaana dadkaas ka mid ahaan Guuleed Qaasim oo dowladddii hore ee Hassan Sheikh ahaa wasiirka boostada iyo isgaarsiinta. Guuleed ayaa sheegay in arrintaan aysan gaar ku ahayn Maddeey oo kaliya, balse ay dhibaato ku tahay dhamman Soomalida dalkaas.
“Waa arrin aad iyo aad no dhaaweysa haddii aanu nahay Soomaalida ku nool Canada dabcan Soomaalida deggan intooda badan isboonsar qaxootinimo ayay ku yimaadeen marka haddii qoyskan lakala diro waxay tusaale u noqoneysa dhammaan Soomaalida, Afrikaanka iyo guud ahaan Muslimiinta annaga ma aragno sabab sharciyan iyo sabab kale oo ninka waddanka 10 sano joogay oo ilmihiisa korsanayay waddanka looga tarxiilo,” ayuu yiri Guuleed.
Dhanka kale Maxamed Doolli oo ah garyaqaan ka hawl galayay in k abadan 20 sano magaalada Toronto ee gobalka Ontario ayaa BBC-da u sheegay inuu jiro qodob tix galin gaar ah siinaya dadka wajahaya caqabadaha noocaan oo kale ah ee socdaalka.
“Run ahaantii kiiskan si gaar ah ugama hadli karo sababto ah waxyaabo badan ayaa quseeya laakiin guud ahaan qofka haddii uu caruur Canada ku dhalay, 10 sano uu waddanka joogay dambi uusan ka gelin, canshuur bixinayay, bulshada ka mid noqday inta badan ma dhacdo qof noocaas ah in waddanka laga saaro. Waxaa kiis la yirahdo Beka oo of sidaan oo kale ah caruur waddanka ku dhalay laga saarayay oo ay maxkamad ka joojisay iyadoo sheegtay inaysan u qalmin in caruurta iyo aabbahood lakala foogeeyo marka isagoo Beca tixraacayo waxay qareennadiisa waa ay joojin karaan,”
“Marka la yirahdo nin Soomaali Kenya mala celin karaa “Haa” waa haddii ay oggolaato oo ay tirajdo hebel, hebel waddankayga ayuu ka tirsan yahay.”
Erdogan oo shuruud cusub ku xiray codsiga Sweden ee xubinnimada NATO.
Madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan ayaa u sheegay Sweden inaysan ka sugin rajo ku saabsan dalabkooda xubinnimada NATO ee shirwaynaha isbahaysiga reer galbeedka ee bisha soo socota, ilaa ay ka hortagto mudaaharaad ka dhan ah Turkiga oo ka dhacaya Stockholm.
“Turkigu uma dhawaan dalabka Sweden ee NATO ilaa inta ay argagixisad ku mudaharaadayeen Stockholm” ayaa laga xigtay Erdogan.
Mawqifka Turkiga ayaa mar kale lagu caddeeyay wadahadal uu la yeeshay saraakiisha Sweden Arbacadii.
Si loo caddeeyo diidmadooda ku aaddan xubinnimada Sweden, Turkiga ayaa Stockholm ku eedeeyay inay gabbaad siiyaan xubno ka tirsan kooxaha Kurdiyiinta ee uu u arko inay yihiin argagixiso.
Xiisadda u dhaxeysa Turkiga iyo Sweden ayaa waxaa dhawaan ka dhashay dibad bax looga soo horjeedo Turkiga iyo NATO oo bishii hore ka dhacay magaalada Stockholm, iyada oo calanka kooxda Kurdistan Workers’ Party (PKK) ee laga mamnuucay Turkiga uu kasoo muuqday dibad-baxyadaas.