26th July 2024  admin  Category :

Dawladda Soomaaliya oo kala hadashay beesha caalamka, inay taageerto go’aanadii Madasha Wadatashiga Qaran

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay wakiillada beesha caalamka u jooga Soomaaliya, isaga oo kala hadlay, sidii ay uga taageeri lahayeen Soomaaliya, xaqiijinta go’aamadii Golaha Wadatashiga Qaran, si loo hirgeliyo hannaan doorasho oo ku dhisan metelaadda dadweynaha.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta madaxtooyada ee Soomaaliya, madaxweynaha ayaa u sheegay wakiillada iyo danjirayaasha uu la kulmay, “inay arrintaasi saamayn wanaagsan ku yeelan doonto geeddi-socodka siyaasadda dalka iyo soo kabashada dawladnimada Soomaaliya.”

“Madaxweynaha ayaa dul istaagay dadaalka ay dawladdu ku bixineyso xasilinta deegaanada laga xoreeyay argagixisada iyo gaarsiinta adeegyo bulsho oo dhameystiran, waxaana uu tilmaamay in loo baahan yahay taageero caalami ah si loo daboolo baahida baaxadda leh.” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada

Qoraalka ka soo baxay madaxtooyada ayaa sidoo kale lagu sheegay in madaxweynuhu kala hadlay wakiillada beesha caalamka ee uu la kulmay, “ahmiyadda ay Shacabka iyo dowladdaba u leedahay xaqiijinta qorshaha sannadka 2024 ee ku aaddan meelmarinta go’aamada masiirka ahaa, kuwaas oo ku saleysan in awoodda dib loogu celiyo shacabka, hirgelinta qorsha Ciidamanka Xooga Dalka ay kula wareegayaa amniga dalka iyo ciribtirka argagixisada Al shabaab.”

Kulankan waxaa ka qaybgalay diblomaasiyiin kala metelayey Maraykanka, Ingiriiska, Jarmalka, Sweden, Norway, Finland, Denmark, Qaramada Midoobay, Midawga Afrika iyo Midawga Yurub.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in danjirayaasha ka kala socotay dalalkani inay dawladda Soomaaliya ku bogaadiyeen “guulaha wax ku oolka ah ee ay ka gaartay dagaallada ka dhanka khawaarijta Al Shabaab, iyagoo Sidoo kale sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ku garab taaganyahiin qorsheyaasha mudnaanta u leh Xukuumadda ee amniga, nabadda, xasilloonida iyo meelmarinta go’aamadii Golaha Watashiga Qaran.” ayaa lagu soo gebagebeeyey warsaxaafadeedka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*