Haweeneey Soomaali ah oo laga soo masafuriyay Norway iyo kiis culus oo lagu helay

Haweeneey Soomaali ah oo laga soo masafuriyay Norway iyo kiis culus oo lagu helay

Sida ay qortay warbaahinta Norway, haweeneey Soomaaliyeed oo 36 jir ah magaceedana aan la xusin ayaa booliska socdaalka ee waddankaasi waxay u tarxiileen Soomaaliya kadib markii lagu helay dambiyo la xariira argagixisanimo.

Sanadkii 2019 kii ayaa maxkamad la soo taagay haweeneydaa, waxaana lagu xukumay saddex sanoo oo xabsi ah, taas oo ciqaab u ahayd ku biiritaankeedii ururka ISIS. Inkasta oo ay ayadu iska diiday dhamaan eedeymihii loo jeediyay.

Inta uu kiiskeedu ka socday maxkamadda ayaa waxaa la soo bandhigay afarriimo ay dad kale kala hadlaysay ‘weeraro’ ay ka gaystan gudaha Norway. Wada hadalkaan ayay haweeneydu ku tiri dagal yahan ajanabi ah: “Waa inaad igu xirto qof I caawiya, qof kasta ayaa og in ay wanagsan tahay in la xasuuqo gaalada halkaan joogta intii aan banana u aadi lahayn kuwa kale”.

Masuuliyiinta Norway ayaa sheegay in ay mar hore ogaayeen in haweeneydaan ay Qatar ku tahay amniga dalkooda, ayna aad isugu dayeen in ay ka masaafuriyaan dalkooda. Balse waxay diiday in ay marnaba si iskeed ah uga tagto waddanka.

Xabsiga ayaa laga sii daayay bishii Maarso ee sanadkii 2021 kii iyada oo xilligaas kadib ay dawladda hoose ee Oslo guri dajisay.

Warbaahinta qaranka ee Norway ayaa horaan u qortay in haweeneydaan ay xiriir la sameeysay jihadi lagu magacaabo Arfan Bhatti.

Wadahadal ay booliska Norway aamineen inuu dhexmaray Bhatti iyo koox kale ayaa la sheegay in lagu wargaliyay ninkaan in walaal’ ka timid Soomaaliya ay qaad doonto weerar argagixiso iyada oo ku filin doonta bamka la isku miineeyo. Hadalo ay kamid ahaayeen: “Waxay ila tahay inay suunka qaraxa qaadi karto” iyo “Hubka fudu ayay ku tababaran kartaa” “Arrintaan ayay goor hore igala hadahsay” ayaa waxaa qoray qofka ay boolisku aaminsan yihiin inuu yahay Bhatti.

Sida ay qortay warbaahinta Norway haweeneyda ayaa waxay iska dhiibtay dalka Norway sanadkii 2013 kii, iyada oo u sheegtay dawladda in hadii ay Soomaaliya sii joogi lahayd dhagax lagu dili lahaa, maadaama ay guurstay nin iyada oo nin kale qabo. Xilligaas ayaa la siiyay ogolaanshaha kumeel gaarka ah ee deganaashaha Norway, iyada oo qaxooti ah.

Markii ay ka soo baxday xabsiga oo haayd sanadkii 2021 kii, waaxda socdaalka ee Norway ayaa go’aan satay inaysan qasab ku celin Karin maadaama ay wali u baahneyd in la ilaaliyo.

Waxaa laga baqay in hadii la celiyo loo loogu halis laga yaabo inay noqoto dil, ciqaab iyo ciqaabo kale oo bani’aadanimada waxyeeleynaya” sida ay sheegeen masuuliyiinta Norway. Boolsika Norway ayaa sheegay in sii deynteedii kadib ay dib xiriir ula sameysay Arfan Bhatti, qatarna ay ku tahay amniga boqortooyada Norway.

Kadib amar xiritaab ah oo ka soo baxay maxkamadda degmada Oslo, ayaa boolisku sheegeen in faahfaahin qaldan ay shaqsiyadeeda ka bixisay haweeneydaan.

Ugu dambeyn ayaa loo masaafuriyay Soomaaliya

Sida ay qortay warbaahinta Norway haweeneyda ayaa waxay iska dhiibtay dalka Norway sanadkii 2013 kii, iyada oo u sheegtay dawladda in hadii ay Soomaaliya sii joogi lahayd dhagax lagu dili lahaa, maadaama ay guurstay nin iyada oo nin kale qabo. Xilligaas ayaa la siiyay ogolaanshaha kumeel gaarka ah ee deganaashaha Norway, iyada oo qaxooti ah.

Markii ay ka soo baxday xabsiga oo haayd sanadkii 2021 kii, waaxda socdaalka ee Norway ayaa go’aan satay inaysan qasab ku celin Karin maadaama ay wali u baahneyd in la ilaaliyo.

Waxaa laga baqay in hadii la celiyo loo loogu halis laga yaabo inay noqoto dil, ciqaab iyo ciqaabo kale oo bani’aadanimada waxyeeleynaya” sida ay sheegeen masuuliyiinta Norway. Boolsika Norway ayaa sheegay in sii deynteedii kadib ay dib xiriir ula sameysay Arfan Bhatti, qatarna ay ku tahay amniga boqortooyada Norway.

Kadib amar xiritaab ah oo ka soo baxay maxkamadda degmada Oslo, ayaa boolisku sheegeen in faahfaahin qaldan ay shaqsiyadeeda ka bixisay haweeneydaan.

Ugu dambeyn ayaa loo masaafuriyay Soomaaliya

Madaxweynaha Jubbaland oo qaabilay Xubnaha Hay’adda Batroolka Soomaaliya

Madaxweynaha Jubbaland oo qaabilay Xubnaha Hay’adda Batroolka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada kulan kula qaatay xubnaha Hay’adda Badroolka Soomaaliya oo uu hogaaminayay Guddoomiyaha Hay’ada Eng Cabdiqaadir Aadan Maxamuud.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa mas’uuliyiinta Hay’ada ka dhagaystay warbixin la xiriirta halka ay marayso shaqada Hay’ada iyadoo Jubbaland ay ku yaallan laba xirmo oo ka mid ah todobada Xirmo ee shirkadda caalamiga ah ee Coastline ay dawladda Soomaaliya kula heshiisay iney ka baaran shidaalka.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam axaa waxaa kulanka ku wehelinayay Wasiir ku Xagaanka Wasaarada Badroolka iyo Macdanta Jubbaland Maxamed Deeqoow Xuseen iyo Guddoomiyaha Degmada Kismaayo Cumar Cabdullahi Maxamed.

Gabadh ninkeedii ‘madow’ dartii ku nacday oo laga furay

Gabadh ninkeedii ‘madow’ dartii ku nacday oo laga furay

Maxkamadda sare ee gobolka Karnataka ee dalka Hindiya ayaa sheegtay in haddii nin ay xaaskiisa ay ku caydo ama bahdil ahaan ugu tilmaanto midabkiisa madoow ay taasi la macno tahay naxariis darro, ayna sabab adag u tahay racfaanka furriinka.

Garsoore Alok Aradhe iyo Garsoore Anant Ramnath Hegde ayaa sidan ku sheegay go’aan ay ka soo saareen dacwad uu nin 44 jir ah ka soo gudbiyay xaaskiisii oo 41 jir ah.

Lammaanahan ayaa is guursaday sanadkii 2007, waxaana ay isku dhaleen gabadh. Sannadkii 2012, ninku wuxuu gudbiyay codsi furriin maxkamadda qoyska ee Bangalore.

Codsiga furriinka ayaa waxaa diidday maxkamadda qoysku sanadkii 2017-kii, ka dib dacwad-oogaha kiiskooda ayaa la xidhiidhay maxkamadda sare

Maxkamadda ayaa sidoo kale xukunkeeda ku sheegtay in caddeymaha diiwaanka ku jira ay sidoo kale muujinayaan in xaaska ay ninkeeda u ku caayi jirtey si ay isaga hoosaysiiso midabkiisa madow, sababtana ay darted ay bilawday in ay ku noolaato meel aan ahayn Meesha uu joogo.

Maxkamadda sare ayaa iyana sheegtay, gabadha oo isku deyeysa in ay arrinkan qariso ay samaysay eedaymo been abuur ah oo ka dhan ah ninkeeda oo ah inuu leeyahay xidhiidho ka baxsan guurka. Xaqiiqooyinkan ayaa sabab u ah naxariis darrada.

Haweeneyda ayaa ku eedeysay ninkeeda inuu xidhiidh sharci darro ah la lahaa naag kale sidoo kalena ay labadooduba ilmo isku dhaleen.

Haweeneydan ayaa sidoo kale sheegtay in ninkeeda iyo soddohdeed ay ka dalbanayaan meher oo aysan ogolayn inay inan kaxaysato.

Maxkamadda sare ayaa xukunkeeda ku sheegtay in “Xaaska aysan wax dadaal ah ku bixin sidii ay ugu soo laaban lahayd ninkeeda, waxaana caddeymaha la diiwaan geliyay ay muujinayaan in haweeneyda aysan daneyneyn sii wadida guurka sababtoo ah midabka madow ee ninkeeda.

Maxkamaddu waxay sheegtay in kiiskan, ‘takoorka ah’ ay u adeegsatay sidii hub oo kale ay ugu dhaawacdo dareenka ninkeeda, taas oo naxariis darro ah.

Marka loo eego Qaybta 13A ee Xeerka Guurka Hinduuga, haddii dhinac uu dhib maskaxeed u keeno dhinaca kale hab-dhaqankiisa gardarada ah, waa sabab ku filan in la kala diro guurkaas.

Ma Fariin qarsoon ayaa jirta

Madaxweeyne Xasan Shiikh iyo Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi ayaa muddooyinkii u danbeeyay ku celcelinayey ineey wajiga labbaad ee dagaalka lagu ciribtirayo argaggixisada ay qaadi doonaan. Waxaase muuqata in dawladdu ay u sii sheegayso argaggixisada meelaha ay ka weerari doonaan iyo inta ciidan ay u diyaariyeen, taas oo ah mid aan nidaamka dawladnimada aan wax shaqo ah ku lahayn.

Argaggixisadu ma sheegaan xilliyada ay weerarada qaadayaan, waxayna qorshaystaan meelaha ay weerarayaan kadibna waxaa la maqlaa in qarax dhacay, hotel la weeraray, xerro ciidan askar lagu laayey iyo hubkii xerradaa yaal oo la qaatay.

Hase ahaatee, dawladda habbeen iyo maalin waxeey ku celcellinaysaa waxaan weeraraynaa Ceelbuur iyo toollooyinka kale ee hoos taga magaaladaas, iyadoo dabcan ujeedka ugu weeyna uu yahay in argaggixisada loo sii sheego ineey hubkooda iyo ciidankooda ay magaallooyinkaas kalla sii baxaan.

Marka argaggixisadu ay ka baxaan magaalooyinkaas, waxaa soo galla ciidanka dawladda oo iska dhigaya in ay maagaalooyinkii laga baxay ay dagaal kulla wareegeen. Waxaa markaa xigta in dawladdu ay ku faanto in dhul badan ay ka qabsadayn argaggixisada, balse maalmo kadib waxaa la maqlayaa ciidankii dawladda ayaa xeryihii lagu weeraray, hubkiina laga qaatay.

Sida aan la socono, dawladda waxaa ay wajahaysaa dhaqaalo xummo, maamul xummo, iyo musuqmaasuq baahsan. Hadaba dagaalka argaggixisada waxa uu u noqday Madaxweeyne Xasan iyo Ra’iisal Wasaare Xamse mid indhaha dadka looga jeedinayo waxa qariban ee socda.

Hasa ahaatee, su’aasha la isweeydiinayaa waxeey tahay, intee la wadi doonaa sheekada ah wajiga koowaad, midka labbaad, midka seddexaad iyo midka afaraad ee lagula dagaalamayo shayaadiinta, iyadoo aan ognahay in wajigii koowaad aan guul la taaban karo aan laga gaarin oo aan ka ahayn in dhulkii la qabsaday ay dib u qabsadayn argaggixisada iyo in ciidankii lagu laayey xeryahay?

Xaqiiqada ayaa ah, in dhulka kaliya ee guusha weeyn laga qaaray uu yahay dhulka ay degaan beesha Xawaadle oo iyagu si isku duuban beel ahaan ulla dagaalamay shayaadiintaas, wixii intaa ka soo haray waa sheeko aan xiiso badan loo qabin waqtigana looga luminayo shacabka Soomaaliyeed. 

Lataliyaha Demoqraadiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo gaaray Kismaayo

Lataliyaha Demoqraadiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo gaaray Kismaayo

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Lataliyaha Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqul Iinsaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka Mudane Xamse Warfaa oo gaaray Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa tilmaamay in kartida iyo firfircoonida dadka Soomaaliyeed ay meel sare ka gaarsiisay bulshooyinka ay la nool yihiin ee guud ahaan dunida, taasna uu tusaale muuqda u yahay Xamse Warfaa, isagoo uga mahadceliyay Mudane Xamse booqashada uu ku yimid Jubbaland si uu u arko isbadalada muuqda ee dhinacyada badan.

Xamse Warfaa ayaa Dowladda iyo shacabka Jubbaland uga mahadceliyay sida weyn ee ay u soo dhaweeyeen, isagoo xusay in ahmiyad weyn ay u leedahay booqashada uu maanta ku yimid Jubbaland.

Maxaa ka jira in goobaha cilaajyada ‘lagu faraxumeeyo’ haweenka?

Maxaa ka jira in goobaha cilaajyada ‘lagu faraxumeeyo’ haweenka?

Adduun qarsoon oo xadgudubyo jinsi iyo dhiig-miirasho ay ku kacaan rag sida ay sheegtaan ku shaqeeya ‘daaweynta ruuxiga ama cilaajyada’ ” ayaa ay dhawaan daaha ka qaadday BBC-da qaybteeda Carabida.

Baanashada ruuxiga ah, oo sidoo kale loo yaqaan “isku daaweynta Qur’aanka “, waa dhaqan caan ka ah Carabta iyo Dunida Muslimka.

Inta badan dumarka ayaa ah kuwa soo booqda dadka daaweeyntaas ku shaqaysta -iyagoo aaminsan in ay ka xallin karaan mashaakilaadka haysta ee badanaa ku aroora ‘shaydaanka’.

Kuwaas oo iyaguna ka saaraya jinka qofka ku jira, sida ay ku andacoodaan.

Dhibbanayaal gaadhaya 85 haween ah oo ay BBC-du soo ururisay muddo ka badan sannad ayaa lagu dabagalay ‘daaweeyeyaal’ 65 qof ah oo ku kala nool Marooko iyo Suudaan – waa labada waddan oo hab daaweynta noocan ah aadka looga jecel yahay. Waxaana ragga shaqadaa qabtaa badanaa lagu eedeeyaa kufsi, handedaad, iyo xadgudubyo kale.

Waxay BBC-du bilihii u danbeeyey ka shaqaynaysay la hadalka NGO-yo, maxkamado, qareenno iyo haween, intii lagu gudo jirey aruurinta iyo xaqiijinta sheekooyinka xadgudubyada ee ka dhaca goobahaas soomaalidu u taqaan cilaajyada. Wariye qarsoon oo lagu daaweeyay mid ka mid ah goobahaas, si aannu indhahayga ugu aragno waxa ka dhacata meelahaas ayaa lafteeda si aan habooneyn loo taabtay ka hor inta aysan ka baxsan goobtii.

Dalal (ma aha magaceeda dhabta ah) waxa ay xilli ay niyad jabsanayd daaweyn ka raadsatay daaweeyaha ruuxiga ah ee ku nool magaalo u dhow Casablanca dhawr sano ka hor, markaas oo jirtey da’aadda 20-meeyada. Waxay sheegtay in daaweeyaha uu u sheegay in niyad-jabka uu ka dhashay “Jin jecel” oo ay u afduuban tahay.

Kulamadii ay yeesheen mid ka mid ah ayaa waxa uu ka codsaday in ay uriso udgoon uu sheegay in uu yahay Miski- balse ay hadda aaminsan tahay in uu ahaa nooc ka mid ah daroogooyinka,

sababtoo ah way miyir doorsoontay.

Dalal oo aan horay u soo marin wax galmo ah ayaa sheegtay in ay soo toostay xilli danbe iyada oo dharkeedii hoose laga bixiyey, ayna xaqiiqsatay in la kufsaday.

Waxay sheegtay markii ay bilowday inay ku qayliso ninkii sidaa falay (daaweeyihii Quraanka), iyadoo waydiinaysa waxa uu ku sameeyay.

“Waxaan ku idhi: Maxaad sidan iigu samaysay?” Wuxuu iigu jawaabay – in jinku jidhkaaga ka baxo.

.

Waxa ay sheegtay in aysan cidna u sheegin wixii maalintaas dhacay, maaddaama ay aad uga xishoon jirtay, isla markaana ay hubtay in lagu eedeyn doono. Waxaase xaalku isku beddelay markii ay ogaatay dhawr toddobaad ka dib inay uur leedahay, way argagaxday.

Xataa waxay ku fikirtay inay nafta iska qaaddo.

Markii ay u sheegtay daawooyinkii uurka ku jiray, waxa uu ugu jawaabay malaha jinku wuu uureeyay. Dalal waxa ay sheegtay in ay aad uga naxday waayo aragnimada ay la kulantay,taas oo keentay in markii ubadkeeda dhashay ay diiday in ay eegto oo ay qabato ama xataa ay magac u bixiso oo ay u dhiibtay in ay korsato.

Qaar badan oo ka mid ah haweenka aan la hadalnay ayaa sheegay in ay ka baqayaan in iyaga laftooda lagu eedeeyo haddii ay soo sheegaan xadgudubyada loo geysto, sidaas darteedna tiro aad u yar ayaa qoysaskooda u sheegay, iska daa booliiska’e.

Qaar ayaa sheegay in ay sidoo kale ka walaacsan yihiin in haddii la sheego waxa dhacay ay keeni karto in jinku uu ka aargoosto.

Dalka Suudaan, haweenay lagu magacaabo Sawsan ayaa noo sheegtay in markii guursaday gabadh labaad – sida ayu bannaysay shareecadu ( shareecada Islaamka ) – Waxa ay la kulantay xaalad adag, taas oo gaadhsiisan heer ay dhakhtar u tagto si ay u caawimo u raadsato. Waxa ay sheegtay in ay rajaynayso in uu ninkeeda siiyo nooc daawo ka dhigi karta in uu yada si wanaagsan ula dhaqmo ama u jajabnaado

Laakiin may filaynin daawaynta uu soo jeediyay.

.
Qoraalka sawirka,Sheekh Ibraahim

“Wuxuu ii sheegay inuu ila galmoodo oo uu isticmaalo dareeraha jidhkayga ka imanaya si uu uga sameeyo daawo aan ku quudiyo ninkeyga.”

“Waxaana xilliga uu taladaas soo jeedinayey u uku kalsoonaa in aan cidna u sheegayn, ninkayga, booliska iyo cid kale toonna” ayay sii raacisay

Sawsan waxa ay sheegtay in halkii ay kaga kacday oo aanay dib ugu soo noqon ninki iyo goobtiiba.

Saddex ka mid ah 50 haween ah oo aan Suudaan kala hadalnay kuwaas oo ka hadlayey xadgudubka ay la kulmeen, waxa ay isku mid u sheegeen oo soo noqnoqday qof ay ku magacaabeen Shiikh Ibraahim, oo hoggaamiye diimeed oo ka mida dadka hawlahaa ku shaqaysta.

BBC ayaa Sheekh Ibraahim wax ka weydiisay waxa lagu eedeeyey. Wuxuu beeniyay inuu faraxumeeyay ama uu wax geeystay wax haween ah, ee keliya uu isku dayo in nuu caawiyo, wuxuuna si lama filaan ah u soo afjaray waraysigayagii.

Waxaa se raggaas ka duwan oo shaqo beddel u ah tooda halista badan haysa una samaysa dumarka u baahan daawaynta nafsadeed, Shiikh Faadum.

Waxaan la xidhiidhnay mas’uuliyiinta siyaasadda ee Marooko iyo Suudaan labadaba annaga oo tusayna caddaymaha aannu soo ururinnay.

Suudaan, Dr Alaa Abu Zeid, oo ah madaxa qoyska iyo waaxda bulshada ee Wasaaradda Arrimaha Islaamka, ayaa markii hore ka cago jiiday in uu rumaysto in dumar badan ay noo soo sheegeen in ay la kulmeen xadgudubyo. Laakiin waxa uu qirtay in sharci la’aanta goobaha cilaajyada ahi jirto ayna ‘hawl fawdo ah’ sida oo kalena ay tahay “xirfad ay ka shaqeeyeen kuwa aan shaqo haysan’ .

Waxa uu BBC-da u sheegay in xaaladdan uu hore u arkay, balse xasillooni darrada guud ee dalka ka jirta aanay hawshani imika u ahayn waxyaalaha mudnaanta leh.

Marooko, Wasiirka Arrimaha Islaamka Axmed Tufiq ayaa sheegay in aanu rumaysnayn in loo baahan yahay sharci gaar ah oo khuseeya daawoyinka ruuxiga ah.

“Way adag tahay in si sharci ah loo soo farageliyo arrimahan, xalku wuxuu ku jiraa waxbarashada diinta iyo wacdiga,” ayuu noo sheegay.

In kasta oo dhammaan caddaymaha aanu ururinay aannu tusnay, masuuliyiinta Morocco iyo Sudan way ka caga jiideen inay tallaabo qaadaan.

Taas oo ka dhigan in dumarkaasi xaalad adag wejahayn, xilli ay kuwii danbigaasi ku dhuumanayaan xirfadda ‘isku daaweynta diinta ama ruuxigaa’.

Guddoomiyaha Hay’adda SODMA oo kulan la qaatay Madaxda hay’adda Qatar Charity

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle ,ayaa Maanta qaabilay Madaxa Qatar charity ee Soomaaliya Cabdifitaax Cumar Macalim.

Labada Masuul ayaa kulankooda uga hadlay sidii Labada hay’adood SoDMA iyo Qatar Charity ay uga wada shaqayn la hayeen in gargaar la gaarsiyo deeganada khawaarjta laga xoreeyey iyo kuwa laga xoreyndoono ee dowladd Goboleedyada Galmudug, Hirshabelle, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed oo xitaa meelaha qaar laga cabsiqabo in fatahaado ay ka dhacaan ,sii laba laabida wada shaqeynta labada hay’addood,iyo in hay’adda SoDMA ka gacansiyaan Tababarada iyo qalabeenta Xarumaha hay’adda maareynta musiboyinka Qaranka.

Hay’adda Qatar Charity, ayaa kamid ah hay’addaha sida dhaw xiriirka wanaagsan uu ugala dhaxeeyo hay’adda maareynta Musiiboyinka Qaranka, waxaana Guddoomiye Maxamuud uu uga mahadnaqay madaxda Qatar charity sida ay uga go’an tahay u gargaarida Shacabka Soomaaliyeed.

Previous PostMadaxweynaha KGS oo ka qeyb-galay Caleema Saarka Gollaha deegaanka ee dagmada Buur-hakaba