26th July 2024  admin  Category :

Madaxweeyne Xasan Shiikh iyo Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi ayaa muddooyinkii u danbeeyay ku celcelinayey ineey wajiga labbaad ee dagaalka lagu ciribtirayo argaggixisada ay qaadi doonaan. Waxaase muuqata in dawladdu ay u sii sheegayso argaggixisada meelaha ay ka weerari doonaan iyo inta ciidan ay u diyaariyeen, taas oo ah mid aan nidaamka dawladnimada aan wax shaqo ah ku lahayn.

Argaggixisadu ma sheegaan xilliyada ay weerarada qaadayaan, waxayna qorshaystaan meelaha ay weerarayaan kadibna waxaa la maqlaa in qarax dhacay, hotel la weeraray, xerro ciidan askar lagu laayey iyo hubkii xerradaa yaal oo la qaatay.

Hase ahaatee, dawladda habbeen iyo maalin waxeey ku celcellinaysaa waxaan weeraraynaa Ceelbuur iyo toollooyinka kale ee hoos taga magaaladaas, iyadoo dabcan ujeedka ugu weeyna uu yahay in argaggixisada loo sii sheego ineey hubkooda iyo ciidankooda ay magaallooyinkaas kalla sii baxaan.

Marka argaggixisadu ay ka baxaan magaalooyinkaas, waxaa soo galla ciidanka dawladda oo iska dhigaya in ay maagaalooyinkii laga baxay ay dagaal kulla wareegeen. Waxaa markaa xigta in dawladdu ay ku faanto in dhul badan ay ka qabsadayn argaggixisada, balse maalmo kadib waxaa la maqlayaa ciidankii dawladda ayaa xeryihii lagu weeraray, hubkiina laga qaatay.

Sida aan la socono, dawladda waxaa ay wajahaysaa dhaqaalo xummo, maamul xummo, iyo musuqmaasuq baahsan. Hadaba dagaalka argaggixisada waxa uu u noqday Madaxweeyne Xasan iyo Ra’iisal Wasaare Xamse mid indhaha dadka looga jeedinayo waxa qariban ee socda.

Hasa ahaatee, su’aasha la isweeydiinayaa waxeey tahay, intee la wadi doonaa sheekada ah wajiga koowaad, midka labbaad, midka seddexaad iyo midka afaraad ee lagula dagaalamayo shayaadiinta, iyadoo aan ognahay in wajigii koowaad aan guul la taaban karo aan laga gaarin oo aan ka ahayn in dhulkii la qabsaday ay dib u qabsadayn argaggixisada iyo in ciidankii lagu laayey xeryahay?

Xaqiiqada ayaa ah, in dhulka kaliya ee guusha weeyn laga qaaray uu yahay dhulka ay degaan beesha Xawaadle oo iyagu si isku duuban beel ahaan ulla dagaalamay shayaadiintaas, wixii intaa ka soo haray waa sheeko aan xiiso badan loo qabin waqtigana looga luminayo shacabka Soomaaliyeed. 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*