Ra’isul Wasaaraha XFS oo la kulmay Wasiirada Warfaafinta heer Federaal iyo heer dowlad goboleed

Ra’isul Wasaaraha XFS oo la kulmay Wasiirada Warfaafinta heer Federaal iyo heer dowlad goboleed

Xamsa Cabdi Barre Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa hoygiisa ku qaabilay Wasiirka Warfaafinta XFS, Wasiirada Warfaafinta dowladaha xubnaha ah dowladda Federaalka iyo Agaasimaha guud ee Warfaafinta gobolka Banaadir.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Ra’isul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac, Wasiiru-dowlaha xafiiska Ra’isul Wasaaraha mudane Xersi Gaani iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Cabdullaahi Xayir Ducaale.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa ugu horeyn Ra’isul Wasaaraha warbixin ka siiyay hawlaha ay ka wadashaqeynayaan hay’adaha Warfaafinta heer Qaran iyo dowlad goboleed oo ay ugu dambeysay Istaraatiijiyadda isku xirka xiriirka Warbaahinta oo dhowaan mas’uuliyiinta ku saxiixeen magaalada Muqdisho iyo muhiimadda ay u leedahay mideynta Farriimaha dowladda.

Wasiirada Warfaafinta dowlad goboleedyada iyo agaasimaha guud ee warfaafinta maamulka gobolka Banaadir ayaa Ra’isul Wasaaraha ugu mahad celiyay kulankan  iyaga oo u sheegay in wadashaqeyn wanaagsan iyo aragti mid ah ay maanta leeyihiin hay’adaha Warfaafinta heer Qaran ilaa heer gobol si kor loogu qaado farriimaha wacyigalinta, horumarka Warbaahinta iyo iska kaashiga dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha khawaarijta ah.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ku bogaadiyay Wasiirrada Warfaafinta dhameystirka Istaraatiijiyadda Qaran ee Isku xirka xiriirka Warbaahinta taas oo kor u qaadaysa mideynta farriimaha dowladda,  Wacyigalinta iyo gaarsiinta bulshada farriimaha saxda ah.

Ra’isul Wasaare Xamsa ayaa kula dardaarmay mas’uuliyiinta in ay xoogga saaraan dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta, kor u qaadista wacyigalinta  bulshada iyo horumarinta Warbaahinta dalka haddii ay ahaan lahayd Warbaahinta dowliga ah iyo Warbaahinta gaarka loo leeyahay.

Daladda Bariga Afrika: Soomaaliya oo su’aalihii ugu dambeeyay lagu weydiinayo Nayroobi

Daladda Bariga Afrika: Soomaaliya oo su’aalihii ugu dambeeyay lagu weydiinayo Nayroobi

Magaalada Nairobi ayaa loo fadhiyaa kulan ay leeyihiin Soomaaliya iyo dallaka Afrikada bari, kaasoo looga arrinsanayo ku biiritaanka Soomaaliya ay ku biirayso urur goboleedka Afrikada Bari.

Sida ay wafdiga Somaaliya u sheegeen BBC waxaa shirka fadhiya dhamaanba todoabada waddan ee xubnaha ka ah ururka iyo wafdiga Soomaalida oo ah mid aad u ballaaran.

“Annagu waxaan dhannahay 45 qof oo ah shaqaale dawladda Soomaaliya u shaqeeya kuwaasoo ah kuwa ugu tacliin badan shaqaalaheenna, si aan uga jawaabno wixii nalaga weydiiyo galista ururka”, ayuu yiri Cabdisalaan Hadliye oo ah ergayga Soomaaliya u qaabilsan ku biiritaanka urur goboleedka Afrikada Bari.

Waa suuq isku xiraya Badweynta Hindiya ilaa badweynta Atlantigga
Qoraalka sawirka,Waa suuq isku xiraya Badweynta Hindiya ilaa badweynta Atlantigga

Shirkan waa kii ugu dambeeyey

Cabdisalaan Hadliye wuxuu BBC u sheegay in afar tiir oo waaweyn ay leeyihiin xubnaha uur goboleedkaas. “Kan ugu horreeya waa in la isku daro canshuuraha iyo kastamada, kan labaadna waa in suuqyada la isku furo oo qof kasta uu ka ganacsan karo suuqyada dalalkaas, uuna ka iibin karo ganacsigiisa” ayuu yiri Hadliye.

Labada qodob ee kale ayu ku tilmaamay kuwo mustaqbalka fog ah oo la isku darayo lacagaha iyo in la noqdo sida “midowga Yurub oo kale”.

Shirka madaxda dalalka Afrikada Bari ee soo socda ayaa la filayaa in Soomaaliya lagu ogolado xubinnimada Soomaaliya, ayadoo shirkan uu yahay kii farsamo ee ugu dambeeyey. Shirka madaxda ayaa la filayaa inuu dhaco bisha Nofembar.

Rajada ku biiritaanka

“Aan wada hadalno waa aan heshiinno, halkaas ayey maraysaa, uma jeedno wax naga hor imaan kara oo Soomaaliya dhib u gaysanaya, dalalka aan doonayno in aan ku biirnana dhib u gaysanaya. Waxaan u jeednaa fursad dadka Soomaaliyeed u furmi doonta oo ay suuq ka qayb gali doonaan” ayuu sii raaciyey ergayga Soomaaliya u qaabilsan ku biiritaanka Afrikada Bari.

Ergayga Soomaaliya wuxuu meesha ka saaray in wax caqabad ah ay haysato.

Calamada dalalka hadda xubnaha ka ah
Qoraalka sawirka,Calamada dalalka hadda xubnaha ka ah

Maxay ka faa’iidaysaa Soomaaliya

Saddex ka mid ah waddamada dalladdan ku bahoobay ayaa Soomaaliya u diray Kenyana waxaa daga dad Soomaali ah oo ay dhiig iyo dhaqan wadaagaan Soomaalida kasoo jheedda Soomaaliya.

Ergayga gaarka ah ee u qaabilsan madaxweynaha Soomaaliya arrimaha ururka Bulshada Bariga Africa Cabdisalaan Cumar Hadliye ayaa BBC-da uga jawaabay su’aashan, waxa uuna sheegay, in Soomaaliya ay faa’iidooyin badan ku qabi doonto ka mid noqoshada ururkan isagoo sheegay in ay Soomaaliya heli doonto suuq ganacsi uu baaxad weyn.

“Waxaa loo baahanyahay in qofka Soomaaliga ah uu is weydiiyo maxaad ka gadi kartaa suuq saddex boqol oo milyan oo dad ah ama aad ka baran karta” ayuu yiri cabdisalan mar uu ka jawaabayey waxa ay ka helayso Soomaaliya, isagoo hadalka sii watana wuxuu yiri, “ saddex waxba waan samaysan karna, waxa ugu muhiimsan hadda eel aga hadlo waa helista cuntada, saddexda wax ee baahida cuntada tiri karana waan haysannaa.”

Waxaa uu ergaygu ku tilmamay saddexda wax ee baahida cuntada looga boxo kuwaas oo uu sheegay in Soomaaliya ay dhammaan haysto, dhul-beereed, bad iyo xoolo. “Waxaan haysannaa sided milyan oo hectar oo dhul beereed ah kaas oo u baahan waraab, waxaan xoolaha oo ama adduunka ugu badan ama Afrika ugu badan, waxaa kale oo aan haysanna badda ugu dheer uguna kalluunka badan Africa” ayuu yiri Cabdisalaan oo qaba in dhamaan waxyaabahaas uu soo sheegay loo suuq geyn karo suuqa Bulshada Bariga Afrika.

Dhanka kale dadka Soomaalida ayaa dhammaan waddamadan ku leh ganacsiyo taasi oo sida uu ergaygu sheegay hadii ay Soomaaliya ku biirtu ururkan ay dadku heli karaan nidaam socdaal oo fudud.

Mar uu ka hadlayay ergaygu waxa ay Soomaaliya u faa’iidayn karto bulshada ururka wuxuu sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay shaqaale xirfadaysan sida kuwa caafimaadka iyo wax barashada, oo uu ku sheegay inay shaqaale badan ka faa’iidi karaan bulshada dalladdu kasokow in suuqa ay Soomaaliya keeni karto badeecada kor ku xusan.

Cabdisalaan Hadliye
Qoraalka sawirka,Cabdisalaan Hadliye

Muxuu yahay ururka dalalka Afrikada Bari

Waa urur goboleed xaruntiisu tahay magaalada Caruusha ee Tanzania, kaasoo dhismay sanadkii 2000, kadib heshiis ay gaareen shan kamid ah lixda dal ee uu hadda ka kooban yahay. South Sudan ayaa xubinnimada EAC heshay bishii September 2016, halka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ayaa ururkan ku biirtay bishii April ee sanadka.

Ganacsiga iyo dadka waddamadaas ayaa si xor isaga kala goosha dalalka ururka ku bahoobay.

Ururkan ayaa waxaa hadda xubno ka ah dalalka Kenya, Tanzania, Uganda, Suudaanta Koofureed, Congo DR, Rwanda iyo Burundi. Haddii la ogolaado xubinnimada Soomaaliya waxaa toos isugu xirmaya badweynta Hindiya iyo Badda cas ilaa iyo badweynta Atlantigga.

Laascaanood, maxay doonaysaa ma madaxweyne mise xorayn?

Laascaanood, ma waxay doonaysaa madaxweyne mise xorayn Soomaali diidka laga kiciyo?

Laascaanood waa meel ay ka socoto sheeko la magac baxday Alfu-Layl, Waan Joognaa ee na Arka iyo magaalada aan iska dhex taxtaxaashno. Waxay sheekooyinkaas ku tusinayaan sida ciidanka yimid Laascaanood aysan diyaar ugu ahayn hawshii ay u yimaadeen oo ahayd sidii SNMta looga saari lahaa Gooja Cadde.

Dagaalka waa mid hal dhinac oo kaliya ka socda, SNMta ayaa soo qaadeeysa weerarka ama soo ridaysa madaafiiicda, meesha dhinaca kale ay ku jiraan difaac kaliya. Dadka oo dhan waxaa ay is weeydiinayaan sababta ficil loo samayn waayey.

Tusaale, raashinka, shidaalka iyo rasaasta ka timaadaa Hargaysa iyo Berbera ee ku socota Gooja Cadde waxa ay soo martaa laamiga dheer, mana jirto xittaa isku day lagu joojinayo sahayda soo gaaraaysa halkaas. Hadii ciidankii SNMta sahayda ay soo gaareeyso, dagaal lagu soo qaadayaana aysan ka cabsi qabin, maxaa diidaya ineey  Gooja Cadde sii fadhiyaan?

Maxaa qaldan? Waxaa qaldan wax weeyn oo Soomaali oo dhan ka yaabiyay. Waxaa la leeyahay ciidan kummanaan ah ayaa jooga magaalada Laascaanood, waxaa jooga lix boqol oo tikniko ah, waxaa la codsaday in la keeno BM iyo Kaarayaal, waana la keenay, balse ma jiro wax  isbeddelay.

Hase ahaatee, ahmiyadda waxaa la saaray in maamul la dhiso, waxaa muhiimadda la saaray in booqashooyin la’aado, waxaa muhiimmadda la saaray arrimo aan dagaalka dardar galinayn taas oo dagaalka ka dhigtay mid mas’uuliyadiisii laga dhigay mid aan muhiim ahayn, waana midda keentay in markii maalmo ay joogaan SNMta ay duqayn ama weerar ku soo qaadaan Laascaannood.

Muuse Biixi iyo SNMta kale, waxa go’aankoodu uu yahay in ciidanka aan marnaba laga soo qaadi doonin Gooja Cadde, waa go’aan cad oo ay SNMta gaartay. Hadaba, ciidanka Laascaanood isugu yimid ma tahay in dagaalka ay wax ka beddelaan, mise waxa ay sugayaan Madfaca iyo Weerarka SNMta ay soo qaadayaan?

ALLSANAAG.COM

Muxuu yahay geedka Soomaaliya aan looga faa’iideysanin ee dunida muhiimka ka ah?

Dacarta Cas waxaa laga helaa meelo badan oo ka mid ah Soomaaliya, hase yeeshee khubarada dhinaca seyniska waxay aaminsan yihiin inuu yahay geed dhif ah oo ay adag tahay in la helo.

Horaantii sanadkii lasoo dhaafay, Dr. Mary Barkworth oo baratay Cilmiga Botony, kana ka tirsan Jaamacada Utah State University USA, ayaa geedkan oo afka qalaad lagu yiraahdo “Asphodelaceae” ka heshay Somaliland. Markii ugu horreysay waxay ku aragtay madxafka Jaamacadda Hargeysa.

Maqaal ay ku daabacday wargeyska PUBFACTS, ee soo bandhiga xogaha seyniska, ayey ku sharraxday in geedkaas uu ka duwan yahay dhirta dacarta ee laga helo caalamka intiisa kale.

‘Annaga ayaa uga horreynay’

Dr Barkworth ayaa diiwaanka ku gashay in loo aqoonsan yahay inay garatay geedkaas dhif iyo naadirka ah.

Barfasoor Yaxye Sheekh Caamir, oo ah aqoonyahan ku takhasusay cilmiga dhaqaalaha, ayaa sheegay khubarada reer galbeedka ay mar walba magacooda ku qoraan helitaanka waxyaabo caadi ka ah bulshada Soomaalida dhankooda, si fiicanna ay muddo dheer usii yaqaanneen.

“Waa la yaab in la yiraahdo ‘Qofkii ugu horeeyay ee helay’, soo annagu iyaga ka hor ma aqoon, oo waalidiinteenu uma isticmaali jirin Daawo ahaan.” ayuu yidhi Yaxye Caamir oo la hadlay BBC-da.

Ka faa’iideysiga Dacarta

Dhanka kale, Barfasoor Yaxye ayaa Soomaalida ku dhiirrigaliyay inay dhaqaale ahaan iyo dawo ahaanba uga faa’iideystaan geedkan.

“Dhaqan ahaan waxaan ugu soo isticmaali jirnay daawo ahaan, laakiin hadda waxaa kale oo looga faa’iideysan karaa in la warshadeeyo oo cabitaan ahaan laga dhigto. Wuxuu geedkan u roon yahay kansarka naaska ku dhaca iyo cudurrada wadnaha. Annagu waxyaabo badan uma isticmaalo, sababtoo ah ma garaneyno, waxaa kaliya oo aan u isticmaalnaa maqaarka kore.” Ayuu yidhi.

.

Sida uu Yaxye sheegayo, waxyaabaha ugu badan oo loo adeegsado dhacaanka dacarta waxaa ka mid ah in lagu qallajiyo ama lagu baabi’iyo nabarrada kasoo baxa maqaarka, in xoolaha laga mariyo cadhada, dadka indhaha caadka ka saarmo oo looga dhicbiyo iyo in digaagga loogu daro biyaha.

Dhawaan ayey ahayd markii khubaro Soomaali ah ay ka fal celiyeen war kasoo baxay seynisyahanno reer Galbeed ah oo sheegay inay Jabuuti ka heleen xayawaan dhif ah oo aan la arkin muddo 50 sano ah.

Noolahaas, oo loo yaqaanno Walo San-dheer ayaase si caadi ah u joogay inta badan dhulka Soomaalida.

Inta badan arrimaha ku saabsan waxyaabaha laga helo Soomaaliya ee aan laga warqabi caalami ahaan ayaa loo aaneeyaa in muddadii uu dalka burbursanaa aan la diiwaan galinin macluumaad badan oo ku saabsan xayawaanka iyo dhirtaba.

Siday ku billaabatay in dacarta baaritaan lagu sameeyo?

Cilmi Baareyaal ayaa ogaaday in Dacar Cas oo laga helo Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqda madaxbannaanida ee Somaliland ay tahay mid aan lagu arag dunida inteeda kale, sida uu BBC-da horay ugu sheegay Axmed Ibraahim Cawaale oo madax ka ah xarun ka shaqaysa daryeelka iyo badbaadinta dhirta oo layiraahdo Candle Light.

“Dacartan ayaa noqonaysa middii 36-aad ee dhulka Soomaalida laga helo, inta la ogyahay” ayuu intaas ku daray Axmed.”

Dacarta Cas

Maadaama oo aynan dacartu ku cusbayn dadka Soomaalida ah sidee lagu ogaaday in ay tahay nooc gooni ah ayay BBC-du waydiisay Axmed.

Cilmi baareyaasha ayaa sheegay in ay iskood baaritaan u sameeyeen ka dibna la kaashadeen xarun caalami ah oo lagu aruuriyo dhirta adduunka oo dhan.

Markii ugu horreysay ee fikradda baadhitaanka ay imaaneysay, Axmed oo safar ah ayay soo jiidatay qaabka ay u samaysan tahay dacarta sannadkii 2014.

“Waxaa markiiba isoo jiitay in ay tahay dacar si baahsan u fidda oo isku qabsata, dhinac ilaa 40 mitir ayay gaarraysay, dhinaca kalana 12 mitir”.

Markii uu u kuurgalay waxaa ku dhalatay in uusan halkaa ka hadhin, sannadkii xigay ee 2015 ayuuna billaabay cilmibaarasta Dacarta Cas.

“Dacartu waxay ku kala duwan tahay ubaxa iyo qaabka ay u samaysan yihiin, qodxaha yaryar ee dacarta intay isu jiraan, waxyaabahaas iyo baaritaanno kale ayaa lagu kala saaraa” ayuu yiri Axmed oo BBC-da la hadlay.

Gabadha laba jirka ah ee muranka ka dhex dhalisay Jarmlka iyo Hindiya

Gabadha laba jirka ah ee muranka ka dhex dhalisay Jarmlka iyo Hindiya

Kiiska gabadhaan yar ayaa soo jeediyay dareenka dawladdaha Hindiya iyo Jarmalka. Kadib markii ay dad Hindi ah dibadbaxyo ka dhigeen magaalooyinku yaalla Hindiya, halka qurbajoog Hindi ah ay dibadbax ka dhigeen magaalooyinka Frankfurt iyo Darmstadt ee dalka Jarmalka.

New Dwlhi, Dia ayaa ayaa la kulantay masuuliyiin ka tirsan wasaaradda arimaha dibadda ee Hindiya sidoo kalena olole ka dhex bilowday xubno baarlamaanka ah taas oo keentay in warqad lagaga codsanayo in gabadha lagu soo celiyo Hindiya loo diro safiirka Jarmalka u fadhiya Hindiya, Phillip Ackerman.

Dawladda Hindiya ayaa lagu booriyay inay qaaddo talaabooyin ku aadan soo celinta gabadha yar. Siyaasi kale oo Hindi ah ayaa ka codsaday ra’iisulwasaaraha Hindiya Narendra Modi in arrintaan uu kala xaajoodo hugaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz, oo qorsheynayay inuu booqasho ku yimaado New Delhi, una imaanayay shirka G20.

Dia ayaa iyana ka codsatay ra’iisulwasaaraha Hindiya inuu arrinta soo faragaliyo, iyada oo tiri: “Rajadeyda oo qura waa mudane Modi. Hadii uu arrinta soo faragaliyo, gabadheydii way iisoo noqoneysaa”.

Murankaan u dhaxeeya labada waddan ee ka dhashay gabadha yar ayaa sababay in dib loo milicsado kiis kan lamid oo sanadkii 2011 kii ka dhacay Norway, kaas oo laba caruur oo Hindi ah laga qaatay aalidkood. Sanad kadib ayayna ku soo noqdeen Hindiya.

Suranya Aiyar oo ah qareen hawlgab ah oo qoyska ilmaha looga qaatay Norway caawiyay, kan hadda gabadha yarna caawinaya ayaa sheegay in kiisas nuucan caan ah aysan ahayn wax ugub ah.

“Waa dhibaato inteeda la eg.Waxaa la ogaadaa inay tahay mid la xallin aro,oo aan u naahnayn dodo dheeraad ah”.

Muramka qoyska gabadha laga qaatay ka dhashay ayaa waxaa dhaliilay baarlamanka Yurb. War biin culus oo ay soo saareen ayay ku eedeyeen xarunta isir sooc, iyo in ay si caaalad darro ah waalidiinta soo galootiga uga qaadayaan ubadkooda, taas oo ay sheegeen in ay wax u dhibayso xuquuqda waalidka iyo tan caruurta intaba.

Warbixin ay bishii May soo saareen baarlamaanku ayay ku sheegeen in qaybtooda codbixinta ay soo gaaraan cabashooyin ku aadan xukunka. “Kaalinta iyo ficilada xafiiska xananada caruurta ayaa loo arkaa mararka qaar kuwa ka badbadis ah. Waalidiinta soo galootiga ayaa dareemaya inaysan muhiim u ahayn sida kuwa Jarmalak”.

YAA QORAY WARQADAN?

Warbixintan ku salaysan nacaybka beesha Warsangeli iyo degaankeeda oo sida muuqata taageerta Alshabaab yaa qoray? Maxayse ka ogyihiin Madaxda iyo siyaasyiinta Warsangeli ee u shaqeeya maamuka Puntland.

Warbixin lagu sheegay inay qoreen Saamilayda Soomaaliya, oo ay wax ka ogtahay dawladda Soomaaliya, ayaa mar ay ka hadlayee n Kaabayaasha dhaqaalaha ama jidadka Soomaalida ee u baahan in wax laga qabto ayeey ku sheegeen in Jidka Ceel daair aan mudnaan la siinin , sababtoo ah halka uu maro dadba kuma noola.

Kooxda warqadan qortay, ma qarsan nacaybka ay u qabaan beeshan, sidaas awgeed waa laga maarmaan in la ogaado cidda qoratay iyo wasaaradihii ay sii mareen.

Shirka iskaashiga ganacsi ee Mareykanka iyo Soomaaliya oo ka furmay Kismaayo

Shirka iskaashiga ganacsi ee Mareykanka iyo Soomaaliya oo ka furmay Kismaayo

Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta magaalada Kismaayo ka daahfuray kulan looga hadlayo iskaashiga ganacsi ee Soomaaliya iyo Mareykanka.

Mas’uuliyiinta Soomaalida ayaa doonaya in Marayanku uu maalgashado beeraha iyo kalluumaysiga iyo ilo kale oo dhaqaale.

Waxaa shirkan ka qayb galay wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka, Wasiiro ka tirsan Jubbaland, Rugta Ganacsiga Soomaaliya iyo tan Jubbaland iyo Ganacsato kala duwan.