Illaa iyo hadda Maamulka Hargeeysa ayaan weli ka hadlin jabkii maanta loogu geeystay ciidankoodii ka joogay Gooja Cadde. SNMta ayaa Burco ku ururinaysa ciidankii Gooja Cadde lagu soo jabiyey iyo kuwo meellaha kale laga keenay, iyadoo ciidankaas laga dhigayo in Muuse Biixi uu ka soo saaray gobolka Sool, ayna yihiin ciidankii Gooja Cadde.
Waxa ay diidayaan ineey yiraahdaan waa nala soo jabiyey, waana nalaga soo adkaaday, balse taa badalkeeda waa in been laga sheegaa wixii dhacay. Hase ahaatee, jabka soo gaaray SNMta, waa mid aan la qarin karin hadii si kasta la yeelo.
Mar hore ayeey ahayd in SNMta sharafta ay ka raacaan oo ay uga baxaan dadka dhulkooda, balse maanta waa maalin aan u fiicnayn kuwii kibirkooda laga joogi waayey. Waxa ciidankii laga dhigay kuwo la dilay, kuwo firxaday, kuwo la qabtay, taasoo ay dheertahay gawaarida laga qabsaday oo 30 meeyo kor u dhaafaya. Maanta malaha xudduud la soo xiro waa mid soo il yaraatay, malaha sheeko Ingiriisna halkaas ayeey ku soo xirantay.
Waxaa maanta SNMta gacanta looga dhigay saldhigii Gooja Cadde, waxaana ku dhacay anfariir iyo argaggax kadib markii la burburiyey ciidankii joogay dhinaca Maraaga. Kibir illaahay ayuu u sugnaaday, mana jirto qof bini’aadam ah oo kibri kara, maantana SNMta waxeey hayaan mirihii xummaa ay beerteen ee kibirka, dhulka ayaa illaahay la simay, waxaana filaynaa in caqgli ay dib uga shaqeesiiyaan, illaahayna ay u toobad keenaan, Soomaaliweeyna ay dhinacooda ay ka soo raacaan.
Hub ka dhigis lagu sameyey Maleeshiyaakii SNM ee ku sunnayd gobolka Sool.
Ciidanka SSC, ayaa saaka u xoog sheegtay maleeshiyaadka SNM ee ku sugnaa Maraaga, taas oo sababtay in imarkii danbe hub ka dhigis lagu sameeyo maleeshiyaadkii beelaha Isaaq
Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa laga siidaayay xabsiga Fulton County ee magaalada Atlanta, ku dhawaad 20 daqiiqo oo uu halkaas ku jiray, kadib markoo lagu soo eedeeyay dambiyo la xiriiran isku daygii uu ku doonayay in uu ku baabi’iyo guuldaradii dib u doorashadiisa 2020-ka ee doorashadii gobolka Georgia.
Waa markii afaraad oo Trump la xiro shantii bilood ee la soo dhaafay.
Trump ayaa la sii daayay iyada oo la sugayo dacwadda kadib markii uu dhigay lacag dhan $200,000 oo ay qareennadiisu horraantii toddobaadkan ay kala xaajoodeen xeer-ilaaliyaha degmada Fulton Fani Willis.
Ka hor inta uusan raacin diyaaraddii ka qaaday garoonka diyaaradaha ee magaalada Atlanta, waxa uu si kooban ula hadlay warfidiyeenka, isaga oo hadlay xarrigiisa.
“Wixii halkan ka dhacay waa caddaalad darro, wax khalad ah ma sameyn, qof walbana waa ogyahay” ayuu yiri Trump.
“Wax khalad ah ma sameynin gabi ahaanba, waxaanan xaq u leenahay, xaq kasta, inaan ka hortagno doorasho aan u aragno mid aan daacad ahayn,” ayuu Trump ku daray.
Wuxu diiday inuu ka jawaabo su’aalo ay saxaafaddu waydiisay.
Ma jiro madaxweyne hore oo Maraykan ah oo lagu soo oogay dambiyo, laakiin Trump ayaa hadda wajahaya 91 dacwadood oo ka kooban eedeeymood ee lagu soo oogay falkii uu ku kacay kahor, intii lagu jiray iyo kadib markii uu xilka madaxtinimo ee dalkaasi dhammaaday horraantii 2021-ka.
Hadraawi, raali ma ka noqn lahaa sida qabyaaladaysan ee Dugsiga loogu magac daray
Allah ha u naxariistee Sheekh Ibraahim, oo ka soo jeeday degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag, ayaa ahaa Sheekh aad looga yaqaanay gobolka Togdheer oo wax baray caruur tiro badan oo reer Togdheer ah. Sheekhan ayaa halkaa u tegay inuu si iskaa wax u qabso ah Diinta Islaamka u baro bulshada Soomaaliyeed ee ku nool degaanadaas.
Sheekha ayaa ka mid noqday Bulshada degaanka, markii uu dhintayna si ay u xasuustaan waxay ugu magac dareen Dugsi laga dhisay halka uu kaga aasan yahay magaaladaas.
Sanadao ka dib geeridii Sheekha iyo arday badan oo ka qalin jabisay dugsigii loogu magac daray ayaa beesha Habar jeclo oo xaafadda uu dugsigu ku yaalo u badan waxay go’aansadeen in dugsiga magaciisii hore laga bedelo oo laga dhigo dugsiga sare ee Hadraawi oo ka soo jeeday beeshaas
Hadaba Abwaan Hadraawi raali ma ka noqon lahaa qabyaaladan qaawan ee magaciisa lagu lamaaniyry.
Sanado ka hor ayaa hoboladda Soomaaliyeed ee caanka ah Maryan Mursan, waxay hargaysa u tagtay inay halkaas ka dhisto dugsi ay caruurta la hayb sooco ee degaamadaasi ku nooli ay wa ka bartaan,
Maryan Mursal, ayaa Allah ha u naxariistee Hadraawi waxay ka codsatay ama ku sharaftay inuu ka aqbalo in dugsiga ay dhisayso ugu magc daro isaga oo lagu magcaabo Dugsiga Hadraawi
Abwaanku waa ka cudur daartay in loo magca daro dugi ay dhiganayaa Midgaha iyo Tumaaladu, ilaa hadana ma jiro Dugsi ay Maryan Mursal dhistay oo Hadraawi loo magac daray.
Ugu danbayntii, dadku iskuma jiraan kuwa liita iyo kuwa wanaagsanba waa leeyihiin. Dadkii markii horeba ugu magac daray Dugsiga Sheekh Ibraahim iyaguba reer Burco ayeey ahaayeen, Laakiinse kuwa maanta magaca dugsiga ku bedelay Hadraawi, waxay ogaan doonaa inay darajaddii iyo sharaftii uu abwaanku Soomaali dhexdeeda ku lahaa ay hoos u dhigeen
Dhankiisa, Danjire Cabdalla ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay mar walba la garab taagan yihiin Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Xerada Goojacade waxay badhtama magaalada Laascaanood u jirtaa 8 km, iyadoo kaga aaddan jihada waqooyi bari, inkasta oo haatan dhismayaal teelteel ahi ay gaadheen aaggaas.
Warshadda biyaha sifaysa ee Nugaal iyo ta kale ee Saafi ayaa ka mid ah dhismayaasha deriska la noqday Goojacadde kuwaas oo gebi ahaanba iminka hawlgab ah.
Xeradaas waxay ahaan jirtay halkii magaalada Laascaanood ay biyaha ka heli jirtay, waxaana xilliyo kala duwan laga qoday ceelal riigag ah xilligii dawladdii kacaanka.
Waxaa xiligaas ka samaysmay beero badan oo ay samaysteen dadkii wakhtigaas ugu ladnaa bulshada ku dhaqnayd Laascaanood oo ahayd mid kooban, waxaana sida la sheegay ay ka kaafisay khudaarta iyo qaybo ka mid ah geed midhoodka sida saytuunka iyo liinta.
Sanadkii 1993dii ayaa markale hay’adda arrimaha bani’aadannimada ee caafimaadka ka shaqeysa ee MSF ay dib u habayn ku samaysay ceelashii, qaar cusubna ka qoday, iyadoo biyogelin ku samaysay magaalada Laascaanood oo burburkii xukuumadda uu raacay biyagelinteedii.
Arrintaas ma noqon mid sii shaqaysa oo iyana mar kale ayay ka dabatagtay tii hore.
Imaanshihii ciidanka Somaliland
Taariikhdu markii ay ahayd 15 Oktoobar 2007dii ayay ciidamada Somaliland ka saareen magaalada Laascaanood kuwii Puntland, mana aysan soo gelin magaalada ee waxa ay ka wareegeen jihada waqooyi iyagoo laba goobood fadhiisin ka dhigtay, kuwaas oo kala ahaa Goojacade iyo Maraaga oo waddada Garoowe aadda ay marto.
Goobtan aan ka hadlayno Somaliland uma aysan degin in ay difaac u noqoto iyo qaab qiimayn difaac balse waxa ay u degeen hadh ahaan maaddaama ay ahayd goobta keliya ee lahayd dhir, dhulka intiisa kalena beero loo baneeyey.
Goojacadde 15 sano ma arag wax rabshad ah, colaadna loogama baqin, lamana qorshaysan in ay jirto cid isku soo qaadi karta oo aan dhinaca Puntland ahayn, iyagana difaacooda waxa uu u jirey 62km oo dhinaca bariga ee Godqaboobe iyo Tukaraq dhexdooda in kasta oo hal maalin ay ka soo guureen.
Goojacadde waxa uu noqday saldhig weyn waxaa ka dhisan dhismayaal aad u badan oo ka kooban xafiisyo, guryo saraakiisha hoyaad u ah, goobo kaydadka kala duwan lagu illaaliyo, iyo guryo ay askari dhisatayba waa ku yaalaan waxaana lagu qiyaasi karaa magaalo yar.
Maanta iyo Goojacadde
Qoraalka sawirka,Askar joogta xerada Goojacadde
Halkani maaha sidii quruxda badnayd ee ay shalay ahayd, waxaa lagu wareejiyey buuro ciid ah oo kala danbeeya kuwaas oo mid walba ay gaadiid dagaal iyo ciidankoodii dhabarka ka jiifaan.
Arrintan waa waxa sabab u noqotay difaaca goobtan oo jihada galbeed ay buur weyn kaga aadan tahay, taas oo kala qarisay Laascaanood iyo Goojacadde. Dhammaan inta kale waa bannaan siman waana taas ta sababtay in ciidanka Somaliland ay sameeyaan buuro iyo dhufaysyo macmal ah si aan si fudud jihooyinka banaan looga soo beegsan ama aan guuro gurguura loogu soo gelin.
Maaddaama dhulka u dhow uu yahay bannaan aad u weyn, waxaa u suurto galaysa ciidanka halkaa jooga inay meel fog ka arki karaan dhaqdhaqaaqyada dadka iyo gaadiidka halkaa maraya.
Ciidanka ku xaraysan
Mid ka mid ah saraakiisha xeradaas ka hawlgali jiray oo codsaday sababo amniga la xiriira in aan magaciisa la sheegin ayaa BBC uga warramay ciidanka xeradaas ay qaadi karto.
“Markii hore waxaa xeradaas ay hoy u ahayd ilaa seddex guuto, iyo hoggaanka, guutada ciidanka Somaliland ahna waxay ka kooban tahay 400 ilaa 800 oo askari” ayuu yiri sarkaalkaas.