26th July 2024  admin  Category :

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa laga siidaayay xabsiga Fulton County ee magaalada Atlanta, ku dhawaad 20 daqiiqo oo uu halkaas ku jiray, kadib markoo lagu soo eedeeyay dambiyo la xiriiran isku daygii uu ku doonayay in uu ku baabi’iyo guuldaradii dib u doorashadiisa 2020-ka ee doorashadii gobolka Georgia.

Waxa uu yimid xabsiga wax yar kadib 7:30 p.m saacadda magaalada Atlanta, iyda oo halkaas looga qaaday sawirka laga qaado maxaabiista, kaas oo kaddibna la shaaciyay.

US-JUSTICE-POLITICS-GEORGIA-TRUMP
US-JUSTICE-POLITICS-GEORGIA-TRUMP

Waa markii afaraad oo Trump la xiro shantii bilood ee la soo dhaafay.

Trump ayaa la sii daayay iyada oo la sugayo dacwadda kadib markii uu dhigay lacag dhan $200,000 oo ay qareennadiisu horraantii toddobaadkan ay kala xaajoodeen xeer-ilaaliyaha degmada Fulton Fani Willis.

Ka hor inta uusan raacin diyaaraddii ka qaaday garoonka diyaaradaha ee magaalada Atlanta, waxa uu si kooban ula hadlay warfidiyeenka, isaga oo hadlay xarrigiisa.

“Wixii halkan ka dhacay waa caddaalad darro, wax khalad ah ma sameyn, qof walbana waa ogyahay” ayuu yiri Trump.

“Wax khalad ah ma sameynin gabi ahaanba, waxaanan xaq u leenahay, xaq kasta, inaan ka hortagno doorasho aan u aragno mid aan daacad ahayn,” ayuu Trump ku daray.

Wuxu diiday inuu ka jawaabo su’aalo ay saxaafaddu waydiisay.

Ma jiro madaxweyne hore oo Maraykan ah oo lagu soo oogay dambiyo, laakiin Trump ayaa hadda wajahaya 91 dacwadood oo ka kooban eedeeymood ee lagu soo oogay falkii uu ku kacay kahor, intii lagu jiray iyo kadib markii uu xilka madaxtinimo ee dalkaasi dhammaaday horraantii 2021-ka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*