Booliiska Canada oo ka hadlay wiilka Soomaaliga ah ee la sheegay in lagu dilay Ottawa

Booliiska magaalada Ottawa ee dalka Canada ayaa baaraya toogasho xalay ka dhacday halkaas oo ay ku dhinteen labo nin ayna ku dhaawacmeen lix kale oo ka qeyb galayay aroos ka dhacayay koofurta magaalada.

Amy Bond oo ka tirsan booliiska ayaa warbaahinta Canada waxay ka soo xigatay inay sheegtay in booliisku uu gaaray goobta abbaaro 10:21 p.m. Xalay. Waxay sheegtay in dadka uu dhibku gaaray ay ka qeyb galayeen aroos ka dhacayay meel u dhow Garoonka Caalamiga ah ee Ottawa.

Afar saac kaddib toogashada, booliiska ayaa sheegay inaysan jirin khatar kale.

Ilaa iyo haatan cidna looma soo xirin toogashadan, sida ay sheegtay Bond.

Booliiska ayaan shaacin magacyada labada nin ee dhintay ilaa laga wargeliyo qoysaskooda. Waxay sheegeen in midna dadka uu dhibku gaaray uusan degganeyn Ottawa.

Hase yeeshee, baraha bulshada Soomaalida ayaa laysla dhex marayaa in mid ka mid ah dadka halkaas ku dhintay uu ahaa wiil lagu magacaabo Saciid Mire, oo la sheegay inuu halkaasi u tagay ka qeybgalka arooska.

“Rabshaddan waa musiibo. Waa mid aan la aqbali karin,” ayay Bond tiri. “Dhib ayay ku tahay bulshadeenna.”

Marc-Antoine Deschamps oo waaxaha caafimaadka ka tirsan ayaa sheegay in lixda dhaawaca ah aysan xaaladdoodu darneyn.

Baaritaan ayaa socda mana jirto ilaa iyo haatan warbixin ku saabsan in “qowmiyad gaar ah la bartilmaameedsaday,” ayay tiri Bond, iyadoo xustay in booliisku aysan u kala caddeyn in toogashadan loo aqoonsado dembi nacayb ah.

“Ma jiro wax caddeynaya in toogashadan uu nacayb sababay,” ayay tiri.

Labada dhimatay ma deggana Ottawa: booliiska ayaa sidaa yiri

Ottawa

Weli booliisku wax war ah kama soo saarin sida dhabta ah ee ay wax u dhaceen iyo cidda ka dambeysay.

Coun. Jessica Bradley, oo madax ka ah halka ay dhibaatadu ka dhacday, ayaa warkan ku tilmaamtay “mid aad u xun.”

“Tani meelna ugama jirto bulshadeenna ,” ayay tiri. “Wax dulqaad ah looma muujinayo rabshaddan, waxaana rajeynayaa in kuwii ku lugta lahaa iyo kuwa laga yaabo inay wax ka og yihiin ay booliiska la wadaagaan. Iyo inaan tan degdeg u xallin doonno. “Dilku waa kii 11aad iyo 12aad ee booliisku shaaciyay sanadkan.

Booliiska ayaa dadka ka codsanaya inay la wadaagaan warbixinta dhacdadan. Waxay gaar ahaan doonayaan inay warbixinta lasoo wadaagaan dadka heystay telefoon, kaamiro amaba muuqaalka meesha intii u dhaxeysay 10 p.m. iyo 10:30 p.m.

“Haddii ay jirto wax warbixin ah iyo caddeyn aad keeni karto, fadlan la imow sababtoo ah taas dhab ahaantii wya na caawineysaa.” ayay tiri Bond.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo tababar u soo xirey ciidamo qeyb ka noqonaya sugidda Amniga

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo tababar u soo xirey ciidamo qeyb ka noqonaya sugidda Amniga

Ciidamadaan oo tababar ugu socanayay muddo 3 bilood iyo 15 maalin ah xerada tababarka ciidanka Godad ayaa waxaa tababarka u soo xiray Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash

Munaasabada xiritaanka tababarka oo ay goob joog ahaayeen Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Puntland Sareeyo Guuto Muumin Cabdi Shire Gudoomiyaha Gobalka Mudug ee Puntland Feysal Sheekh Cali iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Puntland ayaa waxaa ugu horeyn ka warbixiyay Tababarka ay qaateen Saraakiishii Tababarka bixinayay

Gudoomiyaha Gobalka Mudug ee Puntland Feysal Sheekh Cali ayaa ka hadlay ahmiyadda ciidankan ay u leeyihiin sugidda Amniga

Ugu danbeyna Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Gobaleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa la dar daarmay Ciidanka tababarka loo soo xiray, kuna booriyay inay xoojiyaan sugidda Nabadgelyada deegaannada Puntland.

Maxaa ku cusub qorshaha dowladda Canada ee tarxiilka Soomaalida?

Maxaa ku cusub qorshaha dowladda Canada ee tarxiilka Soomaalida?


Dhallinyaro Soomaali ah ayaa dadaal ugu jira sidii ay ugu negaan lahaayeen dalka Canada, kadib markii la sheegay in laga yaabo in la musaafuriyo, sababo la xiriira sharciyada ay ku galeen dalkaas.

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa ka hadashay inay ka warqabto xaaladda dhallinyaradaas iyo haddii ay gacan ka geysan karto sidii loo baajin lahaa dib u celintooda.

Wasiir hore oo laga ‘masaafuriyay’ Kismaayo isaga oo katiinadeysan oo ka hadlay waxa uu yeelayo

Wasiir hore oo laga ‘masaafuriyay’ Kismaayo isaga oo katiinadeysan oo ka hadlay waxa uu yeelayo

Wasiir kuxigeen hore oo laga masaafuriyay magaalada Kismaayo ayaa eedeeyn ujeediyay maamulka Jubbaland, oo uu sheegay inay tacadiyo u geysteen islamarkaasna ay Muqdisho ka dejiyeen isaga oo jeebeysan.

Mahad Sheekh Muxyadiin oo horey u ahaa wasiir kuxigeenkii hore ee wasaaradda Beeraha Jubaland ayaa eedda dusha uga tuuray madaxweynehiisii hore ee uu lixda snao la shaqeynayay. Waxa uu faahfaahiyay tacadiyo uu sheegay in loo geystay, kumanaan kun oo doolar oo laga qaatay, iyo waxa u qorsheysan ee uu hadda yeelayo. Xiriiro kala duwan oo aan la sameynay maamulka Jubbaland si ayuga falceliyeen eedeymaha loo jeediyay nooma suurtogelin in aan helno, laakiin saraakiil kale oo dowladda ka tirsan ayaa baraha bulshada uga jawaabay kiiska Mahad Sheekh.

Maxaa dhacay musaafurinta kahor Mahad Sheekh Muxiyadiin?

Mahad Sheekh ayaa BBC u sheegay in habeenkii jimcaha ay soo galeysay laga dhex qabtay xafiiska hay’adda nabad-sugidda Jubbaland ee Kismaayo, halkaas oo uu ku lahaa balan uu ku doonayay in uu ruqsad ugu helo xaflad uu sheegay in uu ku qaban lahaa magaalada.

“Waxaa xafiiska taliye xigeenka iigu soo galay koox hubeysan. Waxay igu bilaabeen dil, iyo inay isukey qabtaan, oo indhaha iga xiraan kadibna gaari ayay igu riteen,” ayuu yiri Mahad. Waxa uu sheegay in habeenkaas oo dhan lagu jirdilayay xarun ay leedahay nabad-sugidda Jubbaland, iyada oo la weydiiyay waxa uu ku keenay in uu ka hadlo muddo-xileedka dowladda.

Waxa uu sheegay in maalmo kahor uu magaalada Kismaayo ku qabtay shir uu uga hadlayay muddo xileedka dowladda Jubbaland ee uu sheegay in uu dhammaday, iyo in la qabto doorasho madaxweynenimo. Qaar kale oo ka mid ah siyaasiyiinta kasoo jeedda Jubbaland ayaa ku dooda in muddo xileedka madaxweyne Axmed Madoobe uu ku ekaa 22 bishan August 2023. “Habeen dhan ayaa la i jirdilayay, dhaawacyo xooggan ayaa la ii geystay, oo hadda ayaa dhakhtar u socdaa,” ayuu yiri Mahad.

Doodda ka taagan muddo xileedka Jubbaland

BBC
Qoraalka sawirka,Cabdi Cali Raage

Madaxweyne Axmed Madoobe oo ah madaxweynaha ugu mudada dheer Soomaaliya ayaa Jubbaland ka talinayay tobankii sanno ee ugu dambeeyay, isaga oo kusoo baxay dhowr doorasho oo lagu muransan yahay. Cabdi Cali Raage oo ka mid ah ragga ugu dhow Axmed Madoobe oo isna horey looga masaafuriyay Kismaayo ayaa BBC u sheegay in madaxweynaha Jubbaland uu markale doonayo muddo kororsi hor leh.

Laakiin heshiiskii Madasha Wadatashiga Qaran ee dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada ayaa dhigayay in dib loo dhigo xilliga doorashooyinka maamul goboleedyada Jubbalad, Koonfur galbeed iyo Galmudug.

“Waxa meesha yaalla waa wax iska cad dastuurka qodobkiisa 70-aad wuxuu si toos ah u qeexayaa in muudda xileedka baarlamaanka iyo madaxwaynaha uu 4 sano yahay, afartii sanana mar ay doorashada dhaceyso,” ayuu yiri. Siyaasiyiinta kasoo horjeeda Axmed Madoobe ayaa ku doodaya in uusan sharciyad u heysan madaxweynaha xilka haya in uu markale u tartamo doorashada Jubbaland maadaama uu horey labo muddo xileed u dhammeystay.

Sidee ayay u dhacday musaafurinta wasiirka hore

Mahad Sheekh Muxyadiin

Mahad Sheekh ayaa habeen dhan oo ‘jirdil ah’ kadib subixii jimcaha la geeyay garoonka diyaarada ee magaalada Kismaayo, halkaas oo saacaddo badan lagu hayay qol shaqo oo garoonka ku yaal kahor inta aanan la isku dayin in xoog lagu saaro diyaarad u socota Muqdisho.

“Iyaga oo i jiidaya ayay isku dayeen inay xoog igu saaraan diyaaradda. Dhulka ayaan isku dhajiyay, oo waxaan ku qeyliyay ‘waa afduub’,” ayuu yiri Mahad. Taas ayaa horseeday, sida uu sheegay, in duuliyaha diyaaradda uu soo dego oo diido in uu qaado rakaab aan raali ku ahayn safarkas, taas oo keentay in safarka diyaarada saacado dib u dhaco.

“Mardambe ayay saraakiisha garoonka iyo duuliyaha isfahmeyn. Waxaana la igu soo daray sarkaal ka tirsan nabad sugidda oo kursi la ila fadhiisiyay,” ayuu yiri Mahad Sheekh.

Saraakiil booliska gobolka Banaadir, iyo saraakiil kale oo garoonka Muqdisho ka howlgalaya ayaa BBC u xaqiijiyay in Mahad laga soo dejiyay garoonka Muqdisho isaga oo jeebeysan, islamarkaas na uu la socdo sarkaal ka tirsan nabad suggidda Jubbaland. Sarkaal boolis oo garoonka Muqdisho jooga waxa uu sheegay in aysan jirin xog hore oo ay ka hayeen wasiirka lasoo musaafuriyay, sidaas darteedna ay fasaxeen in uu magaalada galo. Laakiin waxay boolisku xireen sarkaalkii galbinayay wasiir Mahad Sheekh inkastoo na loo sheegay inay dib ka fasaxeen. Ma aysan faahfaahin waxa ay ka yeelayaan sarkaalkaas, iyo in uu Kismaayo ku noqday iyo in kale.

Saraakiil kala duwan oo ka tirsan maamulka Jubbaland oo uu ka mid yahay wasiirka warfaafinta maamulkaas oo aan wax ka weydiinay eedaha iyo musaafurinta uu sheegtay wasiir xigeenkii hore ee beeraha iyo waraabka Jubbaland qaarkoodna way ka gaabsadeen, qaar kale oo uu ka mid yahay wasiirka warfaafinta waxa uu inoo sheegay in arrimahan ay yihiin kuwa amni iyo in aan la xiriirno Wasiirka Amniga oo uu sheegay in uu yahay qofka ka hadli kara arrimahaas.

Maxaa u qorshe ah Mahad Hadda?

Wasiir xigeen hore Mahad Cabdiraxmaan waxa uu sheegay in uu hadda qorsheynayo in uu dacwad maxkamad ka furto gobolka Banaadir, isaga oo doonaya in maxkamadu u yeerto shirkada diyaarada ee soo qaatay, iyo saraakiisha nabadsugidda maamulka Jubbaland.

“In qof muwaadin ah laga musaafuriyo magaaladiisii ma ahan wax la aqbali karo. Waa in dowladda federaaka ah ay arrinkaan farageliso,” ayuu yiri Mahad Sheekh. Waxa uu intaas ku daray inay ka maqan tahay lacag dhan toban kun oo doolar oo uu sheegay in jeebkiisa laga la baxay. Mar aan weydiinay waxa keenay in lacag intaas la eg uu jeebka ku wato, waxa uu Mahad sheegay inay isugu jirtay lacag uu u waday hoteelka uu xafladda ku dhigan rabay, iyo lacagta lagu bixiyo ruqsada shirarka oo uu sheegay inay nabad-sugidda Jubbaland ku qaaliyeysay.

Waare oo uga digay madaxweyne Xasan in uu la safro Wasiirkiisa Gaashaandhiga

Waare oo uga digay madaxweyne Xasan in uu la safro Wasiirkiisa Gaashaandhiga

Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa digniin u diray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo la filayo in uu dhawaan booqdo deegaano ay ka mid tahay deegaanka Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Waare ayaa qoraal uu soo dhigay Twitterka ku sheegay in uusan madaxweynuhu la safrin wasiirkiisa gaashaandhiga Cabdiqaadir Maxamed Nuur, iyo in uusan horey ugu soo wadin deegaanka Maxaas.

Waxaa ku sheegay in taladaas ay ku jirto danta badbaadinta duulaanka ka dhanka Al-Shabaab iyo kalsoonida lagu qabi karo madaxweynaha.

Waxa uu sidoo kale ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo islamarkaasna lagu la xisaabtamo saraakiisha ku lugta leh xerada Cowsweyn iyo Galcad oo ay Al-shabaab horey u weerartay.

“Wax fiican ma dhici doonaan,” ayuu yiri Waare. Wax faahfaahin dheeraad ah kama uusan bixin farriintiisa, iyo sababta uusan u dooneynin wasiirkaas ku wehliyo safarka madaxweynaha ee Maxaas.

Shariif oo difaacay mowqifkiisa ku aadan dagaalka Al-Shabaab

Shariif oo difaacay mowqifkiisa ku aadan dagaalka Al-Shabaab

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa difaacay mowqfikiisa ku aadan dagaallada dalka ka socda ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Shariif ayaa qoraal uu soo dhigay Facebook ku yiri “Mowqifkeena ku aaddan la dagaallanka cadowga waa mid soo jireen ah oo aan maranaba isbeddelin xilli kasta iyo marxalad walba, waxaana si buuxda u garab taagannahay dagaalka Ciidamada Qalabka sida iyo kuwa deegaanka ay kula jiraan argagaxisada.”

Sheekh Shariif, oo dadka qaar ay ku dhaliileen qoraal horey oo uu uga hadlay dagaalka socda, ayaa sheegay inaan laga aamusi karin haddii ay jiraan qaladaad.

“Qaladaadka jira ee sababay dhibaatada ku dhacday ciidanka qaarkiisa lagama aamusi karo, masuuliyadiisana waa in dadka ay quseeyso qaataan ama waa in ay la yimaadaan istiraatiijiyada iyo qorshe ka duwan midkii hore,” ayuu yiri madaxweynihii hore.

“Geesiyaasha dhiigooda huray marna ma aqbalayno inay dayacmaan, cidna uguma heeybeeysaneeyno ina difaacno xuquuqdooda.”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay inuu codsaanayo in
“inaan la marin habaabin dagaalka lagula jiro argagaxisada, lana siyaasadayn, si masuuliyad ahna loo waajaho oo aan lagu mashquulin waxyaabo aan waxba ka so kordhineen.”

“Dagaal wuxuu u baahan yahay istiraatiijiyo cad, qorshe siyaasaded iyo xiriir caalami ah oo isgarab socdo, natiijadiisuna tahay dib u xoraynta dalka,” ayuu yiri.

GOORMUU DAGAALO OOGE NOQDAY ODAY DHAQAMEED

Maxaa keeni kara In gabadha Laascaanood joogta aya ka ciqaab badato dagaal ooge gaystay xasuuq shacab oo aan hubaysnayn.

Hooyo Faadumo Axmed, oo ka soo jeeday beesha Dhulbahante oo dhashay mid ka mid ah gabdho lagu xiray magaalada Laascaanood dabayaaqadii bishii Juun 2021 ayaa sheegtay in Waqtigaas ay gabadheeda Xireen maamulka Isaaqland oo ay beelaha Isaaq ku midaysan yihiin

“Annagu gabdhaha waxaan moodaynay inay iska joogaan meelahoodan iyo xaafadda, markii abaare 8-dii habeennimo aheyd yaa islaan ordaysa ii timid say tiri gabdhihii waa la xirxiray, oo maxaa lagu xiray oo ay sameeyeen? Calankii Soomaaliya ayey wateen oo ay isku sawirayeen kabacdina waa la xirxiray ayey tiri,” waxaa sidaas sheegtay Hooyo Faadumo.

Hooyo Faadumo waxa ay sheegtay inay ugu darnayd markii ay ogaatay in gabadheeda iyo gabdhihii kale ee lala xiray oo markii hore ku xirnaa meel aanan gurigeeda sidaas uga fogayn halkaas laga qaaday oo magaalo kale xabsi ku yaal loo dhaadhiciyay.

“Laba habeen ayaa lagu hayay Laascaanood, kaddibna subaxii dambe ayaa la qaaday oo waxaa la geeyay Buurta Sayidka, halkii bay habeen u hoyden, isla habeennimadii ayaa lala tagay oo waxaa la geeyay magaalada Berbera,” ayey tiri Faadumo.

Hadaba sidee Maamuka Khaatumo ula dhaqmeen Gacan ku dhiigle dilay dad badan oo isaga oo dilkii iyo duqayntii sii wada gacanta lagu soo dhigay

Dagalkii lagu difaacayey duulaanka iyo dilka lagu hayo shacabka reer Sool oo ay ku soo duuleen beesha Isaaq ayaa gacanta lagu dhigay generaalkii watay oo ahaa ninkii sadexaad ee ugu dilka iyo xasuuqa badnaa waqooyiga Soomaliya marka laga yimaado Gacan ku dhiiglayaasha la reerka ah ee Siilaanyo iyo Muuse Biixi.

Faysal Cabdi Bootaan. oo ka soo jeeda Beesha Habar jeclo, ahaana jeneraalkii duqaynta iyo dilka ku hayey gobolka Sool, gacantana lagu soo dhigay isaga oo weli sii wada duqayntii iyo dilkii shacabkii aan hubaysnay ee reer Laascaanood intoodii qaxi kari wayday ee maatada ahaa , ayaa la soo bandhigay oo isaga loo ekaysiiyey ” Oday dhaqameed nabadayn u yimid gobolka Sool, jeebkana ku wata Telefoonada gacanta oo uu Caalamka iyo Hargaysa kula hadlayo. Intaa waxa u sii dheer inuu dabo taagnaa xooghayn u wata Computerka loo yaqaano Laptop.

Hadaba yaa ka aamusay waqtigaas Hooyo Faadumo gabadheeda oo Calanka Soomaaliyeed loogu xiray magaaladoodii Lascaanood oo dagaal oogihii iyo Gacan ku dhiiglihii Faadumo iyo gabadheeda duqaynayey ka dhigay ODAY DHAQAMEED

Inta badan Siyaasiyiinii iyo Isimaddii beesha Dhulbahante ee la soo shaqayasan jiray mamulka SNM, oo markii horeba sababay in Laascaanood la qabsado ayaa saamayn weyn ku leh hogaanka Khaatumo. Waana kuwii Faadumo iyo gabadheeda horay uga aamusay ama taageersanaa bahdilaadas, maanta doonaya inaynu aamino ama inaga dhaadhiciyaan in Dagaal ooge Ina Bootaan uu yahay Oday dhaqmeed. Waxa kale oo lagu xumaado ah in Saraakiil iyo Isimo u soo hiiliyey reer Laascaanood ay ku xiran yihiin Hargaysa oo xitaa dareenka ehelkii ay ka maqnaayen la ixtiraami waayey.

ALLSANAA.COM