26th July 2024  admin  Category :

Waare oo uga digay madaxweyne Xasan in uu la safro Wasiirkiisa Gaashaandhiga

Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa digniin u diray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo la filayo in uu dhawaan booqdo deegaano ay ka mid tahay deegaanka Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Waare ayaa qoraal uu soo dhigay Twitterka ku sheegay in uusan madaxweynuhu la safrin wasiirkiisa gaashaandhiga Cabdiqaadir Maxamed Nuur, iyo in uusan horey ugu soo wadin deegaanka Maxaas.

Waxaa ku sheegay in taladaas ay ku jirto danta badbaadinta duulaanka ka dhanka Al-Shabaab iyo kalsoonida lagu qabi karo madaxweynaha.

Waxa uu sidoo kale ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo islamarkaasna lagu la xisaabtamo saraakiisha ku lugta leh xerada Cowsweyn iyo Galcad oo ay Al-shabaab horey u weerartay.

“Wax fiican ma dhici doonaan,” ayuu yiri Waare. Wax faahfaahin dheeraad ah kama uusan bixin farriintiisa, iyo sababta uusan u dooneynin wasiirkaas ku wehliyo safarka madaxweynaha ee Maxaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*