War-saxaafadeed uu ku saxiixan yahay Guddoomiyaha Xisbiga Mustaqbal oo hadda soo baxay ayaa lagu qaadacay go’aannada ay gaareen Sincad iyo Ifiye. Warsaxaafadeedkan ayaa waxaa ku cad in Xisbiga Mustaqbal uu qeyb ka ahayn talooyinka go’aanadaas.

War-saxaafadeed uu ku saxiixan yahay Guddoomiyaha Xisbiga Mustaqbal oo hadda soo baxay ayaa lagu qaadacay go’aannada ay gaareen Sincad iyo Ifiye. Warsaxaafadeedkan ayaa waxaa ku cad in Xisbiga Mustaqbal uu qeyb ka ahayn talooyinka go’aanadaas.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo u amba baxay dalka Mareykanka
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta gelinkii dambe u ambabaxay magalada Washington DC ee dalka Mareykanka.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe, ayaa casuumaad rasmi ah ka helay madaxda Aqalka Golaha Wakiilada ee dalka Mareykanka, waxayna kawada hadli doonaan arrimaha horumarinta Baarlamanka Soomaaliya, iyo iskaashiga labada Baarlamaan ee Mareykanka iyo Soomaaliya.
Janaraalka Mareykanka ee weerarka Qasa ku tilmaamay kii Muqdisho 1993
Agaasimihii hore ee CIA-da Mareykanka, David Petraeus, ayaa ka digay in weerar dhulka ah oo lagu qaado Marinka Gaza “uu la mid noqon karo kii Mareykanka ku qabsaday Muqdisho.”
Mar uu ka hadlayay barnaamijka Power Play ee POLITICO ayaa janaraalkan hore wuxuu sheegay in haddii dagaal-yahannada Xamaas ay yihiin kuwo hal abuur difaac leh markii ay weerarka ku qaadeen Israa’iil 7-dii October “markaas aad arki doonto kuwo is qarxiya, aad arki doonto walxaha qarxa, aad arki doonto weerar celin,”
Petraeus ayaa ka digay in weerar dhulka ah oo lagu qaaday godka uu socon doono sanado uuna ka dhici doono dagaal aad u ba’an.
Wuxuu dib usoo xusuustay dhacdadii 1993 markaasoo saddex diyaaradaha dagaalka Mareykanka ee Black Hawk lagu soo riday caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, taasoo dhalisay dagaal uu dhiig ku daato oo gudaha magaalada lagu dagaallamay iyadoo ciidamada Mareykanka ay ku adkaatay soo badbaadinta askartoo ka badbaaday burburka diyaaradaha.
Petraeus ayaa sheegay in ciidamada IDF ee Israa’iil ay mid taas la mid ah ku wajihi doonaan gudaha goob colaadeed haddii ay weerar gudaha ah fuliyaan.
Saddexda diyaarad dagaal ee Mareykanka ayaa waxaa soo riday ciidamadii iska caabbinta, waxaana ka dhashay dagaal gudaha magaaalada ka dhacay dhowr saacadood, wuxuuna ahaa mid ka mid ah dagaalladii uu dhiigga ugu badan ku daatay ee Mareykanku galo tan iyo Dagaalkii Vietnam.
Inkastoo Mareykanka uu ugu dambeyntii dagaalkaas ku guuleystay, haddana 18 Ameerikaan ah ayaa dhintay, 37 kale ayaana dhaawacantay, halka dhanka Soomaalida boqollaal laga dilay.
“Way igu adag tahay inaan qiyaaso mid ka adag tan, aniga ayuuna ahaa kan ciidamada geliyay howlgallo badan oo waaweyn oo magaalo ka dhacay,” ayuu yiri Petraeus. “Kuma guuleysaneysid iska caabbinta kooxaha kacdoonka muddo sanad ama labo gudahood. Waxay caadiyan qaataan 10 sano ama ka badan, sida aan ku aragnay Ciraaq, sida aan ku aragnay Afghanistan.”
Madaxii hore ee milatariga Mareykanka ayaa sheegay in Israa’iil ay u baahan tahay qorshe lagu soo celinayo adeegyada aasaasiga ah, dib loogu dhisay Gaza ayna dowlad ka dhaliso gobolka marka ay u aragto in dagaalka Xamaas ay kaga guuleysatay.
Patraeus, oo 70 jir ah, ayaa ka digay in Xamaas laga yaabo inay la timaaddo taatikooyin yaab leh oo halis ah iyo istaraatiijiyado.
Hadallada janaraalkan hore ayaa imaanaya kaddib markii ciidamada Israa’iil ay sheegeen inay weerar dhulka ah ku qaadi doonaan Gaza, iyagoo guri ka guri uga baaraya kooxda Xamaas.
Ciidamada dhulka ee Israa’iil wxay isugu jiraan taangiyo, kumaandoos, diyaarado dagaal, helikobtarroo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo madaafiic laga soo gano dhulka iyo badda.
Waxaa la siiyay ciidamadan tababar dheeraad ah oo ku aaddan sida looga howl galo deegaanno colaadeed sida Qasa, waxayna sii diyaarinayeen oo ay qorsheynayeen weerarkaas la filayo.
Gen David Petraeus, wuxuu ciidamada Mareykanka howlgab ka noqday bishii August ee sanadkii 2011, si uu madax uga noqdo hay’adda sirdoonka Mareykanka.
Wuxuu janaraalkan hore u ahaan jiray madaxa ciidamada Mareykanka ee ku jiray ciidamadii Nato ee Afghanistan.
Gen Petraeus ayaa noqday madaxa hay’adda CIA 6-dii September ee sanadkii 2011.
Balse horraantii bishii November ee sanadkii 2012 ayuu iska casilay xilkaas, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya inuu gogol dhaaf sameeyay.
Janaraalkan hore ayaa qirtay arrintaas, isagoo sheegay inuu khaldamay.
Arrintan ayaa lagu ogaaday kaddib baaritaan ay sameysay FBI-da Mareykanka. Balse wax dacwad sharci ah laguma soo oogin.
Madaxweynihii Mareykanka ee xilligaas Barack Obama ayuu u gudbiyay is casilaaddiisa.
“Kaddib markii aan xaaskeyga is qabnay 37 sano, qorshe xumo saa’id ah ayaa sameeyay anigoo gogol dhaaf sameeyay,” ayuu ku yiri warqad uu qoray.
David ayaa ciidamadii Mareykanka geliyay Ciraaq iyo Afghanistan, wuxuuna xilligaas ahaa askarigii ugu fiicnaa aadna loo ammaanayay.
Gen Petraeus ayaa lahaa khibrad aad u weyn oo la dagaallanka argagixisada ah.
Wuxuu dib u qaabeeyay istaraatiijiyadda ka hortagga kacdoonka ee Mareykanka, taasoo la iska illaabay kaddib Dagaalkii Vietnam.
Wuxuu ahaa nin uu qaab fekerkiisu aad u sarreeyo, waxayna dad badan aad uga xumaadeen in gogol dhaaf uu sameeyay keliya uu ninkan uga baxo ciidamada Mareykanka.
Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay inay kusii kordhayaan tirada dadka laga helayo xanuunka HIV/AIDS, waxaana lixdii bilood ee la soo dhaafay cudurka laga helay bukaano tiradoodu gaareyso 11 kun oo qof.
Guddiga ka hortaga HIV/AIDS-ka ee Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ka wada wacyigelinta tababarro ku aaddan halista xannuunkan, oo ay u sameynayaan qeybaha kala duwan ee bulshada.
Tababarkii ugu dambeeyay ayey guddiga u qabteen ardayda Jaamacadda Gahayer ee magaalada Muqdisho, sida uu faahfaahinayo guddoomiyaha guddiga ka hortagga HIV/AIDS ee Soomaaliya Axmed Maxamed Jimcaalle, oo u warramay Xasan Kaafi Qoyste.
Sida ninkii kalaabyada ka niikin jiray u noqday Sheekh caan ka ah Soomaalida dhexdeeda
Waa mid ka mid ah Culimada Diinta Soomaalida ee doorka weyna ku leh dacwada diinta ee Bariga Afrika,wuxuu lahaa aasaaska mid ka mida Iskuulada Islaamiga ee ugu weyn Kenya gaar ahaan Nairobi.
Madaarista lagu barto Quraanka ee ugu faca weyn xaafada Soomaalidu degto ee Islii ayuu yagleeyey sagaashameeyadii.
Sheekh Cabdirisaaq Cabdullaahi Aadan (Jiir) wuxuu noloshiisa ku soo qaatay intii uu yaraa Kismaayo, balse Barbaarkiisu waxaa ku noolaa Muqdisho xiligii Dowladii Kacaanka.
Jiir ayaa qiray inuu ku faani jiray inuu ahaa qofka koowaad ee xaadira inta aan la bilaabin miyuusiga cawaysyada ee hotelada.
Noloshii Suuq-galka Sheekha iyo Silsiladdi dahabka ahayd ee uu xiran jiray ayuu sheegay inuu raacay dhalinyaro xiligaas loo yaqaanay ciyaal biib oo ku caan ahaa dhaqamada dhallinyaranimada, nolashiisana uu gaaray halka ugu hooseysay.
“Waxaan xiran jiray Silsilad dahab ah, gabdhaha aan dariska nahay ayaa toobal caaro iiga qaadan jiray, dharkayga iyo silisyada aan lahaa, waxaan ku faani jiray in aan ahaado qofka kowaad ee taga hoteelada Curubo iyo Jubba saqda dhaxe ee habeenka inta an la daarin heesaha caweyska halkaas oo aan caan ka noqday”.
Isagoo si kaftan ah ula hadlayey boqolaal qof oo ku sugnaa kulan-weyne diini ah oo si sannadle ah u qabato Ansaaru-suna ayuu xusay in habeenkaas loo yaqaanay “habeenka Nataalaha” balse waa ka gaabsadan inuu sharraxo wuxuu ahaa.
“Gabar aan aroosyada iskala niikin jirnay ayaa iga soo hor baxday, gacanta ayey ii soo taagtay, waxaana ku iri weeso ayaa ii dhowran waxay ahayd nolol suuq gal ah, oo aad u xumayd “
Muddo dheer oo uu ka mid ahaa dhalinyaradii cawayska heesaha iyo qoob ka ciyaarka caan ku ahayd ka dib wuxuu xusay in isbadalka nololeed ay ku dhiiri galiyeen dhalinyaro ay saaxiib ahaayeen oo ku dhiri galiyey inuu u raaco masaajidka Shiikh Cali Suufi ee Muqdisho xili lagu jiray bishii Ramadaan taasna ay sahashay inuu si fudud uga baxo noloshiisii hore ciyaal biibka.
wuxuu tilmaamay in yar ka dib uu ku xirmay masaajidka oo uu jaray ama gooyey dhalinyaradii hore ee ay iskala ciyaari jireen hotelada iyo aroosyada.
“Waxaan bilaabay inaan xifdiyo quraanka waxayna igu qaadatay Sodon sano inaan dusha ka qaybo Quraanka” ayuu intaas raaciyey sheekh Jiir.
Sheekhu wuxuu bilowgii sagaashameeyadii bilaabay inuu furo Madarasada Khadiija ee Quraanka lagu barto oo caan ka ah Kenya, laguna tilmaamo inay hormuud u ahayd kuwa kale oo laga furay xaafadda Islii oo ah degeenka Somaalidu ugu badan tahay Magaalada Nairobi.
Wuxuu kale oo lahaa asaaskooda Iskuulada Islaamiga ah ee Ansaaru-Suna Trust oo hadda ka mida kuwa ugu balaaran ee ka jira Kenya.
Ninkii yaraantiisa ahaa ciyaal biibka hadda waa caalim diinta islaamka oo caan ka ah dhulka soomaalida, isagoo ka qayb gala kulamada waaweyn ee diiniga ee ka dhaca Soomaaliya iyo qurbaha.
Dhanka kale, wuxuu hadda sheegay inuu dhalinyarada ku sugan xaaladihii uu ku sugnaa afartan sano ka hor uga digo khataraha ku gadaaman noloshooda dhalinyarnimada, suurgalnimada is dabaqabashadana ay tahay mid u furan xili kasta oo ay ka bixi karaan.
Sheekh Jiir waa nin ku dhex jira dhallinyarada oo aan ku ekayn inuu la hadlo oo kaliya, balse duruuftooda hoose la socda, kubbaddana la cayaara.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee Xarunta Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, goleyaasha kala duwan iyo bulshada Koonfur-galbeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu joogo Baydhaba booqan doona deegaanno ka tirsan Koonfur-galbeed ayaa xoogga saaraya abaabulka howlgallada dalka lagaga xoreynayo argagixisada Al-Shabaab oo wajiga labaad laga fulin doono deegaannada Jubbaland iyo Koonfur-galbeed.
Madaxweyne Deni oo Xariga ka jaray Xarunta cusub ee Isgaarsiinta Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.
Waa kuma Cabdiqaadir Ikrima, ninka xashiishka cabi jiray ee noqday hoggaamiyaha halista badan ee al-Shabaab?
Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir waxa uu dhashay billowgii 80-meeyadii, waxa uu ku magac dheer Ikrima, waxaa loo aqoonsanyahay argagaxiso lagu tilmaamo mid ka mid ah taliyayaasha ugu halista badan ee ururka al-Shabaab.
Waxaa la sheegay in uu udub dhexaad u ahaa qorsheynta weerarro dhowr ah oo argagixisanimo, uuna mas’uul ka ahaa xiriirinta Al-Shabaab iyo Al-Qaacidada ee Jaziiratul Carab. Waxa uu kasoo jeedaa Soomaalida Kenya.
Waxaa lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa weerarro dhowr ah oo ka dhacay dalka Kenya, sida weerar lagu beegsaday garoonka diyaaradaha ee Mandheera bishii April 2013-kii.
Waxaa la isla dhex marayey inuu ku lug lahaa qorsheynta weerarkii lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate sanadkii 2013-kii, gaar ahaan isagoo ka mid ahaa raggii falkan geystay.
Maaddaama Ikrima uu yahay nin waqtigiisa ugu badan ku qaatay Kenya, waa ninka la rumeysan yahay inuu qorsheeyay weerarkii Westgate Mall iyo weerarro kale oo qorshayaashooda la abaabulay.
Ikrima waxa uu ahaa bartilmaameedkii aan lagu guulaysan ee Oktoobar 2013-kii ee ka dhacay Baraawe isla markaana ay ciidammada badda ee Maraykanku ku qaadeen magaalada Baraawe ee Soomaaliya.
Sannadkii 2014-kii wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanku waxay ku shaacisay abaal-marin gaaraysa ilaa 3 milyan oo doollarka Maraykanka ah ciddii keenta xog ku saabsan Ikrima.
Horjoogaha maleeshiyada Al-Shabaab Cabdulqaadir Maxamed Cabduqaadir, oo loo yaqaan Ikrima, ayaa ahaa bartilmaameedkii ugu muhiimsanaa ee mareykanka waqtigaas.
Ilaa markii ciidamada Kumaandooska ay ku guul dareysteen in ay soo qabtaan, xitaa dadka waaya-aragga ah ee u kuur gala xaaladda Soomaaliya ma aysan maqal arrimaha Ikrima.
Waa muwaadin Kenyan ah oo asalkiisu Soomaali yahay, wuxuuna ka mid yahay Soomaali badan oo Kenyan ah iyo dagaalyahanno kale oo Ajaanib ah oo ku biiray Al-shabaab.
Nin ay saaxiib ahaayeen oo codsaday in aan la aqoonsan ayaa goor hore BBC-da u sheegay in uu Ikrima xogo badan kula wadaagi jiray xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ee loo yaqaanno Muqdishada yar.
Waxa uu sheegay in qoyska Ikirma ay ahaayeen dad dabaqad dhexe ah ayna u yimaadeen Nairobi inay ku noolaadaan iyagoo ka yimid magaalada Mombasa ee dalka Kenya.
Labadan dhallinyaro waxay wada cuni jireen qaadka, waxayna si wada jir ah u cabi jireen nooc kamida xashiisha ka hor inta uusan Ikrima tagin 2004-tii si uu magangalyo Norway uga helo, ayuu yiri.
Laakin kuma guuleysan in uu helo oggolaanshaha Norway, BBC-da ayaa ogaatay in horraantii 2007-dii Ikrima uu waqti ku qaatay UK.
Weriyaha BBC-da ee Bariga Afrika, Gabriel Gatehouse, ayaa sheegay in wax badan laga og yahay waqtigii uu ku sugnaa Britain.
Waxa uu waqti ku qaatay London oo uu si gaar ah u jeclaa baararka shiishadaha ee wadada Edgware halkaas oo uu ku cabi jiray, weriyaha ayaa sidaas leh.
Lama oga halka laga tashkiiliyay Ikrima, balse saaxiibkiisii ay wada joogeen Islii [Eastleigh] oo ay Al-shabaab si gaar ah uga qorteen gudaha Kenya ayaa haddana sannadkii 2008-dii kula kulmay Ikrima caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Sidoo kale, waxa uu ku biiray kooxda Islaamiga ah, ee xiriirka la leh shabakadda al-Qaacida.
“Markii aan la kulmay, waxaan arkay inuu isbedelay, waan ciyaari jirnay, waan iskusoo boodi jirnay oo hab ayan isa siin jirnay mar kasta oo aan kulanno, markii dambe waxaas iyo wax lamid ahba majirin,” ayuu saaxiibkii u sheegay BBC.
Waxa uu sheegay in Ikrima uusan waligiis tegin goobaha dagaalka, “waligiis ma tegin jiida hore” ayuu yiri.
“Ninku waxa uu ahaa qof aragti dheer. Wax badan ayuu qorsheeyay, waxa uu u qorsheeyey si xad dhaaf ah, sidaas darteed, waad ogtahay, kuwa isaga la joogaa in ay yiraahdaan: “cajiib, arrintaasi caadi maaha, Ikrima.”
Inta badan waxaa la socda ilaa 20 ilaalo ah oo si taxadar leh u hubeysan, sida ay sheegeen.
Soomaali Kenyan ahaan, waxaa la rumeysan yahay inuu ku hadlo luuqadda Sawaaxiliga [Kiswahili] in kabadan inta uu luuqadda Soomaaliga ku ficanyahay.
Sida dagaalyahano badan oo Islaami ah, waxay sidoo kale u badan tahay inuu ku hadlo Carabiga – qaar ka mid ah dadka reer Baraawe ayaa sheegay inay markii hore u maleeyeen inuu ka yimid Liibiya.
“Ikrima waxa uu ka dhigan yahay is-dhaafsi xiiso leh oo u dhexeeya al-Hijra iyo Al-Shabaab, isagoo Kenyan ah oo ku dhex milmi kara Soomaalida iyo dagaalyahannada ajaanibka ah,” ayuu Falanqeeyaha Matt Bryden u sheegay Washington Post.
Kooxda Al-Hijra ee fadhigeedu ahaa dalka Kenya, sidoo kalena loo yaqaano Xarunta Dhallinyarada Muslimiinta, ayaa loo arkayay inay xiriir dhow la leeyihiin Al-shabaab.
Wariyaha BBC-da ayaa sheegaya in Ikrima markii ugu dambeysay loo maleynayo inuu ahaa sarkaal sare oo qora dagaalyahannada ajnabiga ah, waxaana suuragal ah inuu xiriir ka dhexeeyay Al-Shabaabka Soomaaliya iyo Al-Qaacidada Jaziiratul Carab ee fadhigeedu yahay dalka Yemen.
Inkastoo aan magaciisa si weyn loo ogeyn illaa weerarkii Mareykanka, ayaa waxaa lagu sheegay warbixin ay soo saartay sirdoonka Kenya.
Xarumaha baarlamaanka, xafiiska UN-ka ee Nairobi, iyo sidoo kale xeryaha ciidamada Kenya iyo maqaayad Itoobiyaan ah oo inta badan ay fariistaan jireen xubnaha dowladda Soomaaliya oo ay reer galbeedku taageerto ayaa ka mid ahaa meelaha la bartilmaameedsaday.
Xaggee ayay ku dambeeyeen diyaaradihii dagaalka ee Soomaaliya?
Ciidamada Cirka ee Soomaaliya ayaa mar ka mid ahaa kuwa ugu awoodda badan qaradda Afrika, waxaynka ku qalabaysnaayeen, diyaarado iyo qalab kale oo markaas casri ahaa.
Soomaaliya waxaa kaga horreeyay dhanka awoodda cirka dalal dhowr ah oo ku yaal qaaradda Afrika, hase yeeshee waxay ka mid ahayd kuwa ugu horreeyay, waxayna Soomaaliya tababar ciidamada cirka u fidin jirtay dalal dhowr ah.
Waxaa ka mid ah Burundi oo toddobaatameeyadii Soomaaliya u tababari jirtay duuliyeyaal diyaaradaha dagaalka.
Ciidamadii cirka ee Soomaaliya waxaa si hagar la’aan ah u dhisay Ruushka oo markaa hoggaaminayey isbahaysi la odhan jiray midowgii Soofiyeed, waxayna Soomaaliya ka mid ahayd dalalka ugu awoodda badan ee Ruushku dhisayey milatari ahaan qaaradda Afrika.
Hoos ayaan ku xusi doonnaa sida uu ku bilowday xiriirka Soomaaliya iyo midowga Soofiyeed, hase yeeshee ka hor inta aysan Soomaliya gelin dagaalkii 1977, waxay ku hubaysaynayd diyaarada dagaal oo lagu qiyaasay 50 ilaa 60 inta u dhaxaysa.
Sida uu qiyaasay Taliyaha Ciidamada Cirka ee Soomaaliya Sareeye Guuto Jenenaral Maxamuud Sheekh Cali (Dable Pilot) oo BBC u warramay, qiyaastii dhowr iyo labaatan ka mid ah diyaaradahaasi waxay ahaayeen nooca Ruushku farsameeyo ee Mig21, kuwaas oo xilligaas casri ahaa.
Diyaaradaha ay ku hubaysnaayeen ciidamada Itoobiya ee 1977 dagaalka la galay Soomaaliya, ayaa ahaa nooca Maraykanku farsameeyo ee F-5. Waxay khubaradu sheegaan in Soomaaliya oo iyadu la horeysay diyaarad soo ridista, aysan waayo aragnimo fiican u lahayn diyaaradaha Mig21 oo ka awood badnaa kuwa Maraykanka ee Itoobyaanku ku qalbaysnaayeen.
Ciidamada cirka ee Itoobiya ayaa afar diyaaradood kasoo riday Soomaaliya, waxayna sidaas ku hanteen gacan sarraynta dhanka cirka, qaybihii dambe ee dagaalka.
Soomaaliya markii ay kasoo laabatay dagaalkii ay la gashay Itoobiya, waxaa bilowday in ciidamadii cirku si iskood ah u burburaan, “Dalku intuusan burburinba ciidanka cirku wuu burburay, isagaa iska burburay” ayuu yiri Jeneraal Maxamuud Sheekh Cali.
“Qalabkiisii, diyaaradihhiisii waxay u burbureen aqoon darro iyo daacad darro, waayo markii dagaalka lagasoo noqday, diyaarada badan oo casri ah oo yaallay sida diyaradaha mig 21, ayaa intii qalab dayac tir loo raadin lahaa waxaa la keenay diyaarada kale oo duug ah, oo lagu bixiyey lacagtii loogu talagalay in lagu dayac tiro” ayuu sii raaciyey.
Dhanka kale, sannadkii 1993-kii, waxaa Soomaliya soo gaaray ciidamo ka socda Qarama Midoobay oo nabad ilaalin ahaa, kuwaas oo dagaal la galay rag hogaaminayey ciidamadii qaranka oo markan kala jajabay, waxaana ka mid ahaa Jeneraal caydiid.
Ciidamadan Qaramada Midoobey waxay bilaabeen inay burburiyaan hubkii iyo qalabkii kale ee milatariga Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen diyaarado ay ka baqayeen in raggaasi gacanta ay ku dhigaan.
“Hubka sidiisaba, ciidanka cirka ama madaafiicda ama diyaaradihii dagaalka, waxaa burburiyay dawladihii 1993 yimid Soomaaliya,” – sareeye guuto Jeneraal Maxamuud Sheekh Cali oo ah taliyaha ciidamda cirka Soomaaliya ee hadda, markaasna ahaa duuliye diyaaradaha dagaalka ayaa sidaasi yiri.
Ganacsatada Soomaalida ayaa iibsan jiray wax kasta oo hanti dawladeed ah oo ay ku jiraan qalabka milatarigu, tanina waxay ka mid ahayd waxyaabaha sababay in la burburiyo diyaaradihii dagaalka ee Soomaaliya oo laga baqayey inay gacan qaldan galaan. “ganacsatada Soomaalida hadii la dhoho garoonka iyaaradaha ama dekadda Soomaaliya beec waaye, waxaad arkaysaa dad fayl ugu jira oo doonaya inay iibsadaan,” ayuu yiri taliye Dable Pilote oo ka hadlayey sida ay u dhiiranaayeen ganacsatada Soomaalidu.
Lama sheegin wax diyaaradihii dagaalka ee Soomaaliya ka mid ah oo gacanta u galay dalal shisheeye marka laga reebo qalab sida matoorada oo kale ah oo ay dalalkii qaatay doonayeen inay isbarbar dhig kula sameeyaan kuwa ay haystaan amaba ay darsaan.
Ciidamada Cirka ee Soomaaliya ayaa hadda dib u dhis lagu wadaa, waxaana jira ciidamo lagusoo tababaray dalka Eretrea oo soo gaaray Soomaaliya kuwaas oo ay ku jiraan ciidamo cirka.
Turkiga ayaa dhankiisa tababarro u fidiyey cutubyo ka mid ah ciidamada cirka ee Soomaaliya.
Kasokow cuna qabataynta hubka ee saaran Soomaaliya, waxaa ku adag inay diyaarado dagaal soo iibsato maadaama sida uu sheegay Jeneraal Maxamuud, ay taasi ka horeyso “in la dhiso ciidankii cirka”.
Xiriirka diblomaasiyadeed ee Midowgii Soofiyeeti iyo Soomaaliya waxaa la aas aasay Sebtembar 11, 1960. Bishii Juun 1961 waxaa la kala saxiixday heshiis ku saabsan iskaashiga dhaqanka ee labada dal.
Sannadkii 1962-kii, waxaa bilowday xiriirkii ugu horreeyay ee dhinaca milateriga, iyadoo 50 askari oo ka tirsan milateriga Soomaaliya loo diray inay waxbarasho milateri ka helaan Midowga Soofiyeeti.
Dhanka kale Midowgii Soofiyeeti waxay Soomaaliya siisay dayn dhan 32 milyan oo doolar si loo casriyeeyo loona kordhiyo tirada ciidamada qaranka Soomaaliyeed. Wuxuuna Soofiyeedku dhisayey ciidamada Soomaaliya siiba kuwa cirka, ilaa lagasoo gaarayey todobaatameeyadii, xilligaas oo uu soo baxay damaca Soomaaliya ee ah inay xoog ku qaadato dhulka Soomaali galbeed.
Soofiyeedku waxa kale oo uu gacan ka geystay hawlaha samafalka, isaga oo dawladdii madaxweyne Siyaad Barre ka caawiyay wax ka qabashada abaartii Dabadheer ee ka dhacday gobollada waqooyi ee dalka (gaar ahaan Hobyo iyo Caynaba) markaas oo diyaarad lagu soo daadgureeyay ilaa 90,000 oo qof oo ka kala yimid gobollada abaarta ku dhufutay, lana keenay koonfurta Soomaaliya.
July 11, 1974, Soofiyetka iyo Soomaaliya waxay saxiixeen heshiis saaxiibtinimo iyo iskaashi.
Boqollaal ka tirsan ciidamadii tababarka ugu maqnaa Eritrea oo lasoo celiyay
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dib u soo celisay boqollaal ka tirsan ciidamada Soomaaliya oo sannadihii ugu dambeeyay lagu tababaray waddanka Eritrea, iyada oo la filayo in bishan Oktoober dib loo soo celiya dhammaan askarta Soomaaliya, sida ilo amni ay u sheegeen VOA.
“Madaxweynaha oo dul istaagay hannaanka dib u soo celinta ciidamada ayaa la dardaarmay cutubyo maanta dib u soo laabtay, waxa uuna la wadaagay rajada iyo hamiga shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan in ay ka qeyb-qaataan cirib-tirka khawaarijta Al-shabaab, isagoo ku bogaadiyey Taliska Ciidamada Xoogga Dalka sida ay u fulinayaan qorshaha qaran ee tayeynta iyo dib u habeynta Ciidamada Xoogga Dalka.” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay madaxtooyada Villa Soomaaliya.
“Ciidamada dib ugu soo laabtay dalkooda ayaa ka kooban Dhulka, Cirka iyo Badda, waxayna isugu jiraan qaar sannado badan ku maqnaa Ereteriya iyo cutubyo sannadkan bilowgiisa la diray kuwaas oo soo dhammeystirtay tababarkooda, si degdeg ahna dalkooda loogu soo celiyey, taas oo meesha ka saartay duruufo badan oo soo food saari jiray dhallinyarada u istaagay diifaca dalkooda, culeysna ku ahayd waalidkii ay ka tageen iyo qarankoodaba.” ayuu raaciyay bayaankaa madaxtoyada.
Lama shaacin tirada rasmiga ah ee maanta dib loo soo celiyay.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyay madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa toddobaadkii hore booqday xarumaha lagu tababaro cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.
Eritrea ayaa ciidamo kumannaan ah u tababarta Soomaaliya kuwaasi oo qaarkood dalkaasi la geeyey wixii ka dambgeeyey bishii Diisambar ee sannadkii aynu soo dhaafnay.