22nd July 2024  admin  Category :

Sida ninkii kalaabyada ka niikin jiray u noqday Sheekh caan ka ah Soomaalida dhexdeeda

Waa mid ka mid ah Culimada Diinta Soomaalida ee doorka weyna ku leh dacwada diinta ee Bariga Afrika,wuxuu lahaa aasaaska mid ka mida Iskuulada Islaamiga ee ugu weyn Kenya gaar ahaan Nairobi.

Madaarista lagu barto Quraanka ee ugu faca weyn xaafada Soomaalidu degto ee Islii ayuu yagleeyey sagaashameeyadii.

Sheekh Cabdirisaaq Cabdullaahi Aadan (Jiir) wuxuu noloshiisa ku soo qaatay intii uu yaraa Kismaayo, balse Barbaarkiisu waxaa ku noolaa Muqdisho xiligii Dowladii Kacaanka.

Jiir ayaa qiray inuu ku faani jiray inuu ahaa qofka koowaad ee xaadira inta aan la bilaabin miyuusiga cawaysyada ee hotelada.

Noloshii Suuq-galka Sheekha iyo Silsiladdi dahabka ahayd ee uu xiran jiray ayuu sheegay inuu raacay dhalinyaro xiligaas loo yaqaanay ciyaal biib oo ku caan ahaa dhaqamada dhallinyaranimada, nolashiisana uu gaaray halka ugu hooseysay.

“Waxaan xiran jiray Silsilad dahab ah, gabdhaha aan dariska nahay ayaa toobal caaro iiga qaadan jiray, dharkayga iyo silisyada aan lahaa, waxaan ku faani jiray in aan ahaado qofka kowaad ee taga hoteelada Curubo iyo Jubba saqda dhaxe ee habeenka inta an la daarin heesaha caweyska halkaas oo aan caan ka noqday”.

Isagoo si kaftan ah ula hadlayey boqolaal qof oo ku sugnaa kulan-weyne diini ah oo si sannadle ah u qabato Ansaaru-suna ayuu xusay in habeenkaas loo yaqaanay “habeenka Nataalaha” balse waa ka gaabsadan inuu sharraxo wuxuu ahaa.

“Gabar aan aroosyada iskala niikin jirnay ayaa iga soo hor baxday, gacanta ayey ii soo taagtay, waxaana ku iri weeso ayaa ii dhowran waxay ahayd nolol suuq gal ah, oo aad u xumayd “

Sheekh Jiir

Isbadalkii Nolashiisa

Muddo dheer oo uu ka mid ahaa dhalinyaradii cawayska heesaha iyo qoob ka ciyaarka caan ku ahayd ka dib wuxuu xusay in isbadalka nololeed ay ku dhiiri galiyeen dhalinyaro ay saaxiib ahaayeen oo ku dhiri galiyey inuu u raaco masaajidka Shiikh Cali Suufi ee Muqdisho xili lagu jiray bishii Ramadaan taasna ay sahashay inuu si fudud uga baxo noloshiisii hore ciyaal biibka.

wuxuu tilmaamay in yar ka dib uu ku xirmay masaajidka oo uu jaray ama gooyey dhalinyaradii hore ee ay iskala ciyaari jireen hotelada iyo aroosyada.

“Waxaan bilaabay inaan xifdiyo quraanka waxayna igu qaadatay Sodon sano inaan dusha ka qaybo Quraanka” ayuu intaas raaciyey sheekh Jiir.

Sheekh Jiir

Doorkii uu ku lahaa Aasaaska Iskuullada Islaamiga ah ee Kenya

Sheekhu wuxuu bilowgii sagaashameeyadii bilaabay inuu furo Madarasada Khadiija ee Quraanka lagu barto oo caan ka ah Kenya, laguna tilmaamo inay hormuud u ahayd kuwa kale oo laga furay xaafadda Islii oo ah degeenka Somaalidu ugu badan tahay Magaalada Nairobi.

Wuxuu kale oo lahaa asaaskooda Iskuulada Islaamiga ah ee Ansaaru-Suna Trust oo hadda ka mida kuwa ugu balaaran ee ka jira Kenya.

Ninkii yaraantiisa ahaa ciyaal biibka hadda waa caalim diinta islaamka oo caan ka ah dhulka soomaalida, isagoo ka qayb gala kulamada waaweyn ee diiniga ee ka dhaca Soomaaliya iyo qurbaha.

Dhanka kale, wuxuu hadda sheegay inuu dhalinyarada ku sugan xaaladihii uu ku sugnaa afartan sano ka hor uga digo khataraha ku gadaaman noloshooda dhalinyarnimada, suurgalnimada is dabaqabashadana ay tahay mid u furan xili kasta oo ay ka bixi karaan.

Sheekh Jiir waa nin ku dhex jira dhallinyarada oo aan ku ekayn inuu la hadlo oo kaliya, balse duruuftooda hoose la socda, kubbaddana la cayaara.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*