27th July 2024  admin  Category :

Boqollaal ka tirsan ciidamadii tababarka ugu maqnaa Eritrea oo lasoo celiyay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dib u soo celisay boqollaal ka tirsan ciidamada Soomaaliya oo sannadihii ugu dambeeyay lagu tababaray waddanka Eritrea, iyada oo la filayo in bishan Oktoober dib loo soo celiya dhammaan askarta Soomaaliya, sida ilo amni ay u sheegeen VOA.

“Madaxweynaha oo dul istaagay hannaanka dib u soo celinta ciidamada ayaa la dardaarmay cutubyo maanta dib u soo laabtay, waxa uuna la wadaagay rajada iyo hamiga shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan in ay ka qeyb-qaataan cirib-tirka khawaarijta Al-shabaab, isagoo ku bogaadiyey Taliska Ciidamada Xoogga Dalka sida ay u fulinayaan qorshaha qaran ee tayeynta iyo dib u habeynta Ciidamada Xoogga Dalka.” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay madaxtooyada Villa Soomaaliya.

“Ciidamada dib ugu soo laabtay dalkooda ayaa ka kooban Dhulka, Cirka iyo Badda, waxayna isugu jiraan qaar sannado badan ku maqnaa Ereteriya iyo cutubyo sannadkan bilowgiisa la diray kuwaas oo soo dhammeystirtay tababarkooda, si degdeg ahna dalkooda loogu soo celiyey, taas oo meesha ka saartay duruufo badan oo soo food saari jiray dhallinyarada u istaagay diifaca dalkooda, culeysna ku ahayd waalidkii ay ka tageen iyo qarankoodaba.” ayuu raaciyay bayaankaa madaxtoyada.

Lama shaacin tirada rasmiga ah ee maanta dib loo soo celiyay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyay madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa toddobaadkii hore booqday xarumaha lagu tababaro cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Eritrea ayaa ciidamo kumannaan ah u tababarta Soomaaliya kuwaasi oo qaarkood dalkaasi la geeyey wixii ka dambgeeyey bishii Diisambar ee sannadkii aynu soo dhaafnay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*