Xildhibaanadda Soomaalida ah ee taageerada Falastiin darteed looga saaray gole baarlamaan

Xildhibaanadda Soomaalida ah ee taageerada Falastiin darteed looga saaray gole baarlamaan

Xisbiga NDP ee dowlad goboleedka Ontario ayaa xildhibaan Sahra Jamac ka saaray xubinta guddiga kadib faallooyin la xiriira Gaza ee muran dhaliyay.

Hogaamiyaha xisbiga Marit Stiles ayaa sheegtay in ficilada Sahra ay niyad jabiyeen kalsoonidiina ka burburiyeen saaxibbadeeda ay shaqo wadaagga ahaayeen.

Xisbiga Dimuqraadiga cusub ee Ontario ayaa ka ceyriyay xarunta Hamilton, Sarah Jama, ku dhawaad laba toddobaad kadib markii ay soo bandhigtay hadal muran dhaliyay oo ay ku taageerayso Falastiiniyiinta.

“Aniga iyo Marwo Sahra waxa aan gaarnay heshiis ah in ay ku sii jirto xisbiga NDP, kaas oo ay ka mid ahaayeen in si niyad sami ah loo wada shaqeeyo, iyada oo aanay jirin wax carqaladeyn ah, guddidayada iyo shaqaalaheenna waxa ay sameeyeen dedaallo la taaban karo si ay u garab istaagaan iyada xilli aan shaki ku jirin in ay adag tahay,” ayey tiri Stiles.

Tan iyo markaas, waxay samaysay dhowr tallaabo oo hal dhinac ah kuwaas oo wiiqay shaqadeena wadajirka ah, jabiyayna kalsoonida asxaabteeda.”

Haweeneyda 29-jirka ah ee naafada ah, asalkeeduna Soomaali yahay, ayaa ku guuleysatay kursigeeda doorashada kumeel gaarka ah bishii Maarso, iyadoo lagu daray Golaha Sharci dejinta ee Ontario qaab madax bannaani ah.

Arrintan ayaa imaaaneysa kadib labo toddobaad oo uu socdo dagaalka Israa’iil iyo Xamaas, iyadoo xildhibaanaddu ay taageertay dadka Qasa. Duqa magaalada uu xisbigu ka dhisanyahay ayaa ugu baaqay in Sahra ay is casisho isagoo ku eedeeyay nacayb.

Ford
Qoraalka sawirka,Ford oo ku borriyay Sahra in ay raalli gelin bixiso

Xafiiska Sahra Jama ayaa warqad u gudbiyay duqa magaalada Khamiistii hore, sida uu sheegay qareenkeeda, Stephen Ellis, iyo Xarunta Sharciga ee Falastiin. Warqadda ayaa lagu sheegay in haddii duqu uusan ka saarin qoraalkiisa baraha bulshada oo uusan si cad uga cudur daaran, in Sahra ay ay qaadi doono tallaabo sharci iyo sumcad dilista waafaqsan.

“Xildhibaan Sahra waxa ay ku adkeysaneysaa in qoraalkaasi uu ahaa mid ka fiirsasho la’aan iyo xaasidnimo ah,” ayaa lagu yiri warqadda. “Sahra Jaamac uma dulqaadan doonto isku dayga Premier Ford ee uu ku doonayo in sumcadeeda la xumeeyo waliba si fagaare ah.”

Qareenka Ford oo ka jawaabaya warqadda ay dirtay xildhibaan Sahra ayaa sheegay in duqu uu dafiray eedeymaha, uusanna ka saari doonin qoraalka uu soo dhigay baraha bulshada isla markaana uu diyaar u yahay in uu si xooggan isku difaaco, haddii Sahra ay qaado tallaabo sharci ah.

Xildhibaanadda waxa kale oo ay ku sheegtay X, oo hore u ahaan jiray Twitter, Jimcihii in shaqaalaheeda xafiiska Hamilton Center lagu amray inay ka shaqeeyaan meel kabaxsan xafiiska kadib markii ay heleen farriimo loogu sjheego in cabsi amni ay jiri karto”.

Xisbiga Muxaafidka ee Conservative-ka ayaa Isniintii u codeeyay in Sahra laga mamnuuco in ay golaha ka hadasho ilaa inta ay ka noqoneyso ama ay tirtireyso qoraalkeedii asalka ahaa oo sy si rasmi ah raali gelin u bixiso.

Sahra
Qoraalka sawirka,Sahra oo sheegtay in aysan ka saari doonin qoraalka ay ku garab istaagtay Falastiin

Qoraalkii asalka ahaa ee xildhibaan Sahra Jaamac oo la soo dhigay X ayaa ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah iyo sidoo kale in la joojiyo dhammaan haysashada dhulka Falastiin.

Waxay si weyn diiradda u saartay dhulka falastiiniyiinta, iyadoo leh “Rabshadaha iyo aargoosiga ku saleysan gumeysiga dadka deegaanka ayaa galaaftay nolosha dad aad u badan oo aan waxba galabsan.” Si toos ah ugama aysan hadlin weerarada Xamaas.

Hadalkaasi waxa uu dhaliyay caro iyo taageero labadaba.

“Dowladaha iyo hay’adaha Canada waxay isku dayayaan inay isticmaalaan miisaankooda si ay noo aamusiyaan, si ay u aamusiyaan shaqaalaha, ardayda, barayaasha, iyo dadka nabadda jecel ee ku dhiirada inay taageeraan Falastiin,” ayey tiri Sahra. “Qof kasta oo khatar is gelinaya si uu ugu hadlo sharafta iyo badbaadada Falastiin, waan ku arkaa, waan ku maqlayaa, waana kula jiraa.”

Xarunta Israa’iil iyo Arrimaha Yuhuudda ayaa soo gelisay X, iyadoo sheegtay inay “ku faraxsan tahay” in la arko tallaabada.

“Hadalada xildhibaan Sahro Jaamac waxay ahaayeen kuwo aan habboonayn, fool xun, oo dhaawac ku ah Yuhuudda iyo Israa’iiliyiinta Canada,” ayay xaruntu qortay.

Dhanka kale xildhibaan ayaa laga joojiyey inuu raaco diyaarad ku socotay Canada “sababo la xiriiray in magiciisa ladhihi jiray Maxamed” oo dib laga ogaaday.

Mohammad Yasin, oo ah xildhibaanka xisbiga shaqaalaha ee Bedford, ayaa la socday koox xildhibaano ah oo qayb ka ahaa wafdi baarlamaanka todobaadkii hore wuxuuna sheegay in ay tahay ” bahdilaad”.

Waxa uu sheegay in su’aalo lagu waydiiyey garoonka Heathrow ee laga soo galo garoonka diyaaradaha ee Air Canada oo ay weydiiyeen in uu sitay mindi ama hub kale.

Mr Yasiin
Qoraalka sawirka,Waqtiga lagu qaatay baaristiisa

Xildhibaan Clive Betts oo ka tirsan xisbiga Labour-ka, oo kor u qaadaya qodobka nidaamka ee aqalka baarlamaanka, ayaa sheegay in “cunsuriyada iyo Islaam nacaybka” lagula dhaqmay saaxiibkiis ay tahay “mid aan gabi ahaanba la aqbali karin”.

Mr Yaasiin ayey kaliya u suurtagashay in uu raaco diyaaradda kadib markii uu caddeeyay in uu yahay xildhibaan uuna muujiyay in uu haysto fiisaha uu dalka ku galayo.

Mr Yaasiin wuxuu yiri: “Waxay ahayd wax walbahaar iyo bahdil ah, in si gardaro ah la’iigu sifeeyo kontoroolka socdaalka, gaar ahaan marka aad koox ahaan u safreysaan adigoo wakiil ka ah baarlamaanka Ingiriiska oo muddo dheer la soo agaasimayay howlihiisa shaqo.

“Inkasta oo aanan fileyn in Xildhibaan ahaan si gaar ah la’iila dhaqmay, haddana haddii anan xildhibaan ahaan lahayn, intee in la’eg ayaa six un la’iila dhaqmi lahaa”.

Mudane Yaasiin ayaa yiri: “Waxaan ka mahadcelinayaa taageerada xisbiyada badan ee aan ka helay baarlamaanka, guddoomiyaha guddiga sare u qaadista iyo afhayeenka baarlamaanka, waxaana ku faraxsanahay inaan aqbalo martiqaadka guddiga sare ee Canada si aan ugala hadlo khibradeyda” ayuu sii raaciyay.

Madaxweynaha JFS oo Brussels kula kulmay Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub

Madaxweynaha JFS oo Brussels kula kulmay Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Brussels kula kulmay Madaxwaynaha Golaha Midowga Yurub Mudane Charles Michel.

Labada Madaxweyne ayaa isla soo qaaday arrimo ay ka mid yihiin dadaallada ay Dowladda Soomaaliya ugu jirto ciribtirka Khawaarijta iyo iskaashiga Midowga Yurub iyo Soomaaliya ee dhinacyada amniga, geeddi-socodka dowlad-dhiska iyo horumarinta kaabayaasha dhaqan-dhaqaale ee bulshada.

Sida ay isku dishay gabadhan iyo walaashed oo qarka u saaran in ay iyadana is disho

Gabadh 18 jir ah oo lagu magacaabayay Xamda Xuseen Cumar ayaa toddobaadkan gudihiisa isku dishay xaafad ka tirsan magaalada Hargeysa, gabadha oo ahayd tan kaliya ee reerka u dhaq-dhaqaaqda ayaa la sheegay in ay isu dishay sababo la xiriira xaalado duruufeed oo qoyska lasoo dersay isla markaana ay awoodi weyday in ay maareyso.

Hooyada iyo aabbaha dhalay labaduba waa naafo, xanuun ayaa hooyada u dheer oo ah in mararka qaar ay dhacdo ama ay xuudo oo miyir daboolanto.

Waxa jirta gabadh kale oo ah da’da kayar gabadha is dishay, waxa lagu magacaabaa Salma Xuseen, waxa ay jirtaa 15 sano, waa gabadha kaliya ee reerka u hartay maaddaama markii horeba ay labo kaliya ahaayeen, waxaa lasoo werinayaa in qoysku hadda ay wajahayaan cabsi kale oo la xiriirta in gabadha kaliya ee u hartay reerka ee Salma ah ay qorsheyneyso in laftigeeda ay is disho.

Sida uu u dhacay dilka gabadhii is dishay

Salma iyo aabbeheed
Qoraalka sawirka,Salma oo iyadana nolosha ka rejo dhigtay

Gabadha is dishay oo lagu magacaabi jiray Xamda, waxa ay ahayd ardayad, waxa u suura geli weyday in ay sii wadato waxbarashada sababo la xiriira duruufta qoyska, Xamda waxa ay ka hartay guud ahaan waxbarashada, waxa ay isku dayday in ay raadiso shaqo, wixii ay doontaba ha noqotee, hase yeehsee uma aysan suura gelin in ay hesho, marka ay eegtay nolosha qoyska iyo xaaladda duruufeed ee haysata, marka ay aragtay in waxbarasho aysanu suura geli Karin iyo marka ay shaqo weysay, waxa ay go’aansatay in ay nafta is dhaafiso.XAYEYSIINhttps://2adfa31c479820f405471af1c3dae293.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-40/html/container.html

Allaha u naxariistee, Xamda waxa ay isku xirtay qol yar oo gurigooda katirsan, waxa ay xarig ku xiratay xagga saree e qolka kadibna qoorta ayey ku xiratay, iyadoo sidaas isku daldashay, halkaana nafteyda ku weyday.

Qoyska ayaa haatan wajahaya cabsi ah in Salma lafteedu ay dooneyso in ay marti waddadii ay ku baxday walaasheedii kaweyneed, weli duruuf ayaa heysata qofka oo noloshooda waa mid adag, waana tan Salma lafteegu ay u aragto in noloshan aysan wax badan ka bedeli Karin.

Aabe Xuseen Cumar oo ah aabbaha dhalay labada Gabdhood ee midna geeriyootay midina aysan nolosha rejo badan kalahayn ayaa la hadlay warbaahinta MM TV, isagoo ka warramay nolosha adag ee qoyskiisa.

Abbaha oo ka hadlay xaaladda heysata ayaa yiri, “Waxan ahay ninkan naafada ah, anigu marka hore waxa aan ku tiirsanaa xooggeyga, waxan ahay naafo oo maanan xanuunsaneyn, hase yeeshee markii dambe waan soo ciiray oo wan soo fariistay, intaa kadib waxa aan ku nooleyn caawimaad aan ka heli jiray jaarka”.

Intaa kadib BBC-da oo qadka taleefanka kula xiriirtay aabbe Xuseen, ayaan wax ka weydiinnay, waxa ay gabadhiisii Salma qaban jirtay iyo xaaladeedu sida ay ahayd inta aaney is daldalin, isagoo ka hadlayana waxa uu yiri,” Gabadhu wey fiicneyd oo xaalad caafimaad ma aysan qabin, waxa ay noqotay qof garab waayay, ciil iyo culeys ay dareentay awgeed ayey isku dishay, sheydaan baa qaaday, waxa ay is tustay in noloshaaba aysan u qalbin in ay sii noolaato”.

Xuseen
Qoraalka sawirka,Aabbaha dhalay gabdhaha oo nolosha gabadhiisa ka walaacsan

Aabbaha ayaa sidoo kale ka hadlay cabsida uu hadda ka qabo inantiisa kale isagoo yiri, “Hadda inantii weyneed wey tagtay oo inoomasoo laabaneyso, hadda waxaan nahay intantaydii kale ee Salma iyo aniga iyo xaaskeygii iyo ayeeydood, saddexdeena waalidka ah waxaan wada nahay naafo, waxaa hadda iyaduna isku buuqsan intaydii kale ee Salma, adduunyadu waa maalmo koobane, waxa aan codsaneynaa in gala garab istaago”.

Dhinaca kale booliska Somaliland oo aan la xiriirnay ayey noo suura weysay in aan helno, hase yeeshee Aabbe Xuseen Cumar Barkhad ayaa noo sheegay in boolisku weli aysan tegin guriga uu dilku ka dhacay aysanna weli ka hadlin arrinta dilka ee gabadha.

Sida caadiga ah dhallinyarada kunool gudaha dalka waxa ay badankood ka cawdaan dhibaatooyin shao la’aaneed, qaarkood waxa ay ku qasabtaa in ay tahriibaan oo ay naftooda biimeeyaan, kuwa kalana waxa ay isku dayaan in ay gudaha dalka isku celiyaan iyagoo rajo ka qaba in ay samstaan nolol kaduwan tan ay ku noolyihiin.

Gabadh 18 jir ah oo lagu magacaabayay Xamda Xuseen Cumar ayaa toddobaadkan gudihiisa isku dishay xaafad ka tirsan magaalada Hargeysa, gabadha oo ahayd tan kaliya ee reerka u dhaq-dhaqaaqda ayaa la sheegay in ay isu dishay sababo la xiriira xaalado duruufeed oo qoyska lasoo dersay isla markaana ay awoodi weyday in ay maareyso.

Hooyada iyo aabbaha dhalay labaduba waa naafo, xanuun ayaa hooyada u dheer oo ah in mararka qaar ay dhacdo ama ay xuudo oo miyir daboolanto.

Waxa jirta gabadh kale oo ah da’da kayar gabadha is dishay, waxa lagu magacaabaa Salma Xuseen, waxa ay jirtaa 15 sano, waa gabadha kaliya ee reerka u hartay maaddaama markii horeba ay labo kaliya ahaayeen, waxaa lasoo werinayaa in qoysku hadda ay wajahayaan cabsi kale oo la xiriirta in gabadha kaliya ee u hartay reerka ee Salma ah ay qorsheyneyso in laftigeeda ay is disho.

Sida uu u dhacay dilka gabadhii is dishay

Salma iyo aabbeheed
Qoraalka sawirka,Salma oo iyadana nolosha ka rejo dhigtay

Allaha u naxariistee, Xamda waxa ay isku xirtay qol yar oo gurigooda katirsan, waxa ay xarig ku xiratay xagga saree e qolka kadibna qoorta ayey ku xiratay, iyadoo sidaas isku daldashay, halkaana nafteyda ku weyday.

Qoyska ayaa haatan wajahaya cabsi ah in Salma lafteedu ay dooneyso in ay marti waddadii ay ku baxday walaasheedii kaweyneed, weli duruuf ayaa heysata qofka oo noloshooda waa mid adag, waana tan Salma lafteegu ay u aragto in noloshan aysan wax badan ka bedeli Karin.

Aabe Xuseen Cumar oo ah aabbaha dhalay labada Gabdhood ee midna geeriyootay midina aysan nolosha rejo badan kalahayn ayaa la hadlay warbaahinta MM TV, isagoo ka warramay nolosha adag ee qoyskiisa.

Abbaha oo ka hadlay xaaladda heysata ayaa yiri, “Waxan ahay ninkan naafada ah, anigu marka hore waxa aan ku tiirsanaa xooggeyga, waxan ahay naafo oo maanan xanuunsaneyn, hase yeeshee markii dambe waan soo ciiray oo wan soo fariistay, intaa kadib waxa aan ku nooleyn caawimaad aan ka heli jiray jaarka”.

Intaa kadib BBC-da oo qadka taleefanka kula xiriirtay aabbe Xuseen, ayaan wax ka weydiinnay, waxa ay gabadhiisii Salma qaban jirtay iyo xaaladeedu sida ay ahayd inta aaney is daldalin, isagoo ka hadlayana waxa uu yiri,” Gabadhu wey fiicneyd oo xaalad caafimaad ma aysan qabin, waxa ay noqotay qof garab waayay, ciil iyo culeys ay dareentay awgeed ayey isku dishay, sheydaan baa qaaday, waxa ay is tustay in noloshaaba aysan u qalbin in ay sii noolaato”.

Xuseen
Qoraalka sawirka,Aabbaha dhalay gabdhaha oo nolosha gabadhiisa ka walaacsan

Aabbaha ayaa sidoo kale ka hadlay cabsida uu hadda ka qabo inantiisa kale isagoo yiri, “Hadda inantii weyneed wey tagtay oo inoomasoo laabaneyso, hadda waxaan nahay intantaydii kale ee Salma iyo aniga iyo xaaskeygii iyo ayeeydood, saddexdeena waalidka ah waxaan wada nahay naafo, waxaa hadda iyaduna isku buuqsan intaydii kale ee Salma, adduunyadu waa maalmo koobane, waxa aan codsaneynaa in gala garab istaago”.

Dhinaca kale booliska Somaliland oo aan la xiriirnay ayey noo suura weysay in aan helno, hase yeeshee Aabbe Xuseen Cumar Barkhad ayaa noo sheegay in boolisku weli aysan tegin guriga uu dilku ka dhacay aysanna weli ka hadlin arrinta dilka ee gabadha.

Sida caadiga ah dhallinyarada kunool gudaha dalka waxa ay badankood ka cawdaan dhibaatooyin shao la’aaneed, qaarkood waxa ay ku qasabtaa in ay tahriibaan oo ay naftooda biimeeyaan, kuwa kalana waxa ay isku dayaan in ay gudaha dalka isku celiyaan iyagoo rajo ka qaba in ay samstaan nolol kaduwan tan ay ku noolyihiin.

Waxaan u hambalyeynayaa maamulka cusub ee KMG ah KHAATUMO.

Waana arrin boggaadin mudan in dadka rer SOOL iyo CAYN helaan maamul si hufan ugu adeega bulshada ku dhaqan deegaanadaas. Wuxuu ahaa safar dheer oo Naf iyo Maalba loo huray.

Dhanka kale waxaan jeclaystay inaa wax ka iraahdo magacweynaha SSC-Khaatumo kaas oo dadka rer SOOL iyo CAYN isku raaceen inuu noqon doono magaca maamulka KMG ah. Waxaan ku talin lahaa waxgaradka rer SOOL iyo CAYN inay dib wax isaga weydiiyaan sheegashada magaca SSC, qodobada soo socda awgood:

1. In dadka dega SANAAG, HAYLAAN iyo BARI qeybtiis ay yihiin kuwa sheegashadiisa leh Gobolka SANAAG.

2. In dadka dega SANAAG, HAYLAAN iyo BARI qeybtiis aysan qayb ka ahayn dhisida maamulka KMG ah ee KHAATUMO.

3. In sheegashada magaca SSC uu khilaaf iyo kala fogaansho aan loo baahnayn ka dhex abuuri karo goboladda isku duruufta siyaasi ah ee SANAAG iyo HAYAAN iyo SOOL iyo CAYN. Aysana ku filayn raacinta magaca SSC erayga KHAATUMO.

Waxaan kusoo gaba gebayn lahaa, KHAATUMO way tageerayaan, dadka dega SANAAG, HAYLAAN iyo BARI qeybtiis siday Halganka awalba ugu taageerayeen, balse wax walba duuduub kuma qaadan doonaan.

Rer SOOL iyo CAYNA waxaan leeyahay, waxaan waxba idiin goyn doonnin sheegashadiis waxba idinma tareeso, marka miiska wada hadalka laysugu yimaado. Mahadsanidiin.Enter

Ahmed

Qore: Ahmed Abdilahi Foore

Nin Soomaali ah oo 30 sano kaddib guri ku wareejiyay ninkii lahaa oo uu muddo raadinayay

Maxamed Diiriye Faarax oo deggan magaalada Muqdisho ayaa muddo 30 sano ka badan raadinayey cidii lahayd guriga uu dagganaa oo ku yaalla xaafadda Juungal ee degmada Yaaqshiid, kaas oo qofkii lahaa uu ka cararay dagaalkii sokeeye ee ka qarxay dalka 90-meeyadii.

Waraysi uu siiiyey BBC-da wuxuu Diiriye ku sheegay in guriga uu dagganaa nin adeerkiis ah muddo dheer, ka dibna uu geeriyooday ilaa xilligaasna ay raadinayeen cidda iska lahayd mulkiyadda gurigaasi.

Ilaa lix jeer ayuu sheegay in lagu soo weeraray guriga oo dad kale ay sheeganayeen inay leeyihiin, balse uu markasta ku xiray inay la yimaadaan sharciyo xaqiijinaya lahaanshihiisa.

“Waxaan markasta raadin jirey cida iska leh guriga, waayo dagaalladii ayaan qiyaasayaa inay dadkii lahaa ka qaxeen guriga balse nasiib wanaag waxaaa yimi ninka guri lahaa. Waxaana xaqiijiyey inuu sax yahay dukumintiyada uu watay, sidoo kale nin ka mid ahaa dadkaa aadka u yaqaanay ayaan la xiriray oo waydiiyey intaas ka dib waxaa caddaatay in u isaga guriga leeyahay,” ayuu intaas raaciyey Maxamed Diiriye.

“Wuu ii cafiyey dhammaan intii aan guriga dagganaa aniga iyo qaraabadayda wuxuuna ii sheegay inuusan waxba ka rabin waxay ka heleen muddadaas guriga” ayuu intaas raaciyey.

Mulkiilaha Guriga

GURIGA LAYSKU WAREEJIYEY
Qoraalka sawirka,Cabdirixmaan Bootan (B) Gudoomiyaha (dhexe) iyo Maxamed Diiriye

Cabdirixmaan Xasan Bootaan oo 1990-kii ka qaxay Muqdisho ka dib dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay ayaa u barakacay gobolka Sanaag halkaas oo uu nolol ka bilaabay.

Bootaan oo mudo soddon sano ah gurigiisii ka maqnaa ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu hantidiisa dib u helo ugana mahadceliyey Maxamed Diiriye inuu u ilaaliyey oo aakhirkiina ku wareejiyey.

Sharciyada Soomaaliya uga yaalla murannada dhulalka

GUDOOMIYAHA DEG.YAAQSHID
Qoraalka sawirka,Guddoomiyaha Degmada Yaaqshid Suleymaan Fargax

GudDoomiyaha Degmada Yaaqshid Suleymaan Maxamuud Maxamed Fargax oo labadan nin u kala wareejiyay guriga, oo ka hadlay sharciyada loo maro marka dhul ay isku qabsadaan dadka sheeganaya iyo kuwa mulkiyadda saxda ah leh ayaa sheegay inay mariyaan habraac uga yaalla Dowladda Hoose ee Xamar.

“Waxaan marnaa marka kowaad inaan u yeerno qofka sheeganaya dhulka ama guriga ka dibna waxaan eegnaa dukumentiga uu wato inay sax yihiin, waxaana howshaa qabata qaybta xallinta khilaafaadka dhulka ee Xamar, haddii dhinacyada ay wali ku kala bixi waayaan waxaan u gudbinnaa maxkamaddaha ku shaqada leh” ayuu yiri guddoomiye Suleymaan.

Fargax oo guriga u kala wareejiyey Cabdirixmaan Xasan Bootaan oo lahaa mulkiyada guriga iyo Maxamed Diiriye Faarax oo muddo dheer hayey ayaa sheegay inay ahayd wax la yaab leh in 30 sano ka dib ay si calool fiyoobi ah ula kala waregeen.

“Waxaa la yaab igu noqotay sanadkii aan hayey maamulka Degmada Yaaqshiid inaan arko qof muddo dheer hayey guri uusan lahayn oo hada markii mulkiilihii yimi ka dalbaday cafis taas anigu hore uma arag intii xilka hayey”

Guddoomiye Suleymaan ayaa xusay in xitaa Maxamed Diiriye uu ka dalbaday Cabdirxmaan Bootaan inuu ka cafiyo hal habeen oo guriga uu seexday aabbihiis oo baadiye ka yimi oo geeriyooday.

Muddo sanada oo maamulka Degmada Yaaqshiid uu yahay Suleymaan waxaa uu xusay inay ahayd waxa ugu badan ay ka shaqaynayeen dhul ama guryo laysku haysto.

Isagoo sii hadlayey wuxuu xusay in mararka qaar aad arkaysid cid aan lahayn waxay sheeganayaan oo haddana doonaya inay helaan waxa aysan lahayn, taas oo qaadata shaqo maalin dhan ah.

Maxkamad xukun xabsi ku ridday gabadha Saddam Xuseen

Maxkamad xukun xabsi ku ridday gabadha Saddam Xuseen

Maxkamad ku taalla magaalada Baqdaad ayaa Axaddii iyada oo maqan toddoba sano oo xarig ah ku xukuntay gabadha dibad-jooga ah ee uu dhalay kaligii-taliyihii hore ee Ciraaq Saddam Xuseen, sababo la xiriira inay “buun-buunisay” xisbiga Bacath ee aabaheed.

Xisbiga ayaa la kala diray oo la mamnuucay kadib markii Sadaam xukunka looga tuuray 2003-dii duullaankii uu Maraykanku hogaaminayey ee lagu qaaday Ciraaq.

Sida ku cad xukunka, oo wakaaladda wararka ee AFP ay u suurta-gashay in ay dib u eegto, Raghad Saddam Xuseen ayaa lagu helay dambiga ah “sare u qaadidda dhaq-dhaqaaqyada xisbiga Bacath ee la mamnuucay,” intii lagu guda jiray waraysiyo taleefishin oo ay bixisay 2021-kii.

Dalka Ciraaq maanta, qof kasta oo soo bandhiga sawirro ama halku dhigyo uu ku xayeysiinaayo maamulkii la riday, waxaa lagu soo oogi karaa dacwad.

Xukunku ma tilmaamayo kuwa ay yihiin waraysiyada loo xukumay Raghad.

Balse sanadkii 2021, Raghad ayaa la hadashay kanaalka Al-Carabiya ee Sucuudigu leeyahay, waxayna ka warrantay xaaladihii Ciraaq ee xukunkii gacanta birta ahaa ee aabaheed, intii u dhaxaysay 1979 ilaa 2003.

“Dad badan ayaa ii sheegay in muddadaas ay runtii ahayd waqti sharaf iyo karaamo leh,” ayay u sheegtay kanaalka Sacuudiga. “Dabcan, dalku wuxuu ahaa mid xasilloon oo qani ah.”

Raghad waxay ku nooshahay dalka Urdun, iyada iyo walaasheed Rana. Walaalahood Uday iyo Qusay, waxay ciidamada Maraykanku ku dileen magaalada Mosul, sannadkii 2003-dii.

Inta badan Ciraaqiyiinta, ayaa rubuc qarnigii uu Saddam Xuseen xukumayay weli u arka wakhti cadaadis oo naxariis darro ahaa.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADAXTOOYADA QARANKA KU QAABILAY WASIIRKA DIFAACA DALKA KENYA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADAXTOOYADA QARANKA KU QAABILAY WASIIRKA DIFAACA DALKA KENYA

Muqdisho, Oktoobar 18, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiirka Gaashaandhigga dalka Kenya mudane Aadan Barre Ducaale ayaa kala hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, xasilloonida gobolka iyo dardar galinta dadaalada mideysan ee lagu ciribtirayo argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul-istaagay dadaallada naf-hurnimada leh ee Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidaanka Xoogga Dalka ay kaga xoreynayaan argagixisada deegaannada kooban ay kaga sugan yihiin dalka, caqabadaha amni ee u baahan iskaashiga heer gobol , si looga adkaado argagixisada cuuryaamiysay horumarka gobolka iyo guud ahaan Qaaradda Afrika.

Dhankiisa, Wasiirka Gaashaandhigga dalka Kenya Mudane Aadan Barre Ducaale ayaa tilmaamay sida dowladda Kenya ay uga go’an tahay adkeynta xiriirka iskaashiga labada dowladood iyo taageeridda halganka lagu ciribtirayo Khawaarijta.

Maxay tahay raali galinta ay Instagram siisay dadka reer Falastiin?

Meta ayaa raaligelin ka bixisay inay ku dartay liiska “argagixisada” qaar ka mid ah isticmaalayaasha Instagram-ka oo isku tilmaamay inay yihiin Falastiiniyiin.

Meta waxa ay sheegtay in ay xalisay mushkilado “kuwaas oo muddo kooban sababtay fasiraado aan habooneyn oo laga bixiyay qaar kamida wax soosaarkeeda.

“Waxaan si dhab ah uga cudur daaranaynaa in tani dhacday,” ayay u sheegeen BBC-da.

Xaruntu waxa kale oo ay wajahday eedaymo ah in ay caburinayso qoraallada taageerada Falastiiniyiinta intii uu socdo iskahorimaadka Israa’iil iyo Gaza.XAYEYSIINhttps://7c200662391f536ab8b1711449571ab2.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-40/html/container.html

Isticmaalayaasha qaar ayaa sheegaya in “waxyaabaha qaar laga mamnuucay” sida in Instagram-ka lagu baahiyo qoraallada Falastiiniyiinta lagu garab istaagayo. Tanina waxa ay keentay in madashan ay dib ugu laabato si loo hubiyo in qoraallada aysan ka muuqan in aysan jecleysan dadka kale.

Isticmaalayaashu waxay sheeganayaan in qoraallada 24-saacadood ah ee ku saabsan sheekooyinka tixraacaya iskahorimaadku ay ka aragti yar yihiin kuwa kale ama aan sida muuqallada kale loo daawan, iyo in akoonadooda aan si fudud wax looga arki karin.

Shirkadda weyn ee tignoolajiyada ayaa qiratay in ay jirto cillad, hase yeeshee waxa ay sheegeen in arrimahaas aysan iyagu wax shaqo ah ku lahayn.

Jahwareerka kadhashay tijaabada

Tani waxay daba socotay qoraallada X, oo hore loogu yaqaannay Twitter, iyo TikTok oo uu qoray isticmaale Instagram kusoo gala @khanman1996 Axaddii kuwaas oo dhaliyay dareen la xiriira fasiraado qaldan oo ka dhashay luuqadda carabiga.

Waxa uu qoray in uu Falastiini yahay, waxa ku xigay calanka falastiiniyiinta iyo ereyga “alxamdulillah” oo af Carabi ah oo Ingiriisi ahaan u turjumaya isla “Alxamdullilah”.

Si kastaba ha ahaatee, markii ay dadku gujiyeen “eeg turjumaada”, daawadayaasha waxaa la tusay tarjumaad Ingiriis ah oo ay ku qoran tahay: “Alxamdullilah, Falastiin waxay u dagaallamayaan xorriyaddooda”.

@khanman1996 waxa uu qoraaladiisa ku sheegay in uusan isagu ahayn Falastiini laftiisa balse uu tijaabiyay khaladka kadib markii cilladan uu u sheegay saaxiib Falastiini ah oo aan la magacaabin.

Waxa uu ku sheegay muuqaal la soo galiyay Instagram-ka kadib markii uu xalliyay arinta in ciladdu ay jirtay ugu yaraan saddex saacadood, isaga oo raaciyay “aniga shakhsi ahaan, xaqiiqda ah in in wax waliba ay isku bedeleen waallii”.

Instagram
Qoraalka sawirka,Dad badan waxa ay ku tilmaameen caburin

Cabashooyinka mamnuucidda

Mamnuucista waxyaabaha qaar waa marka adeegyada khadka tooska ah ay xaddidaan gaarista muuqaalka ama in ay si fudud ku arki karaan isticmaalayaasha kale, badanaa haddii ay ku dhacdo waxaa jira habraacyo.

Instagram-ka ayaa soo saartay qaab sahran dabayaaqadii 2022-kii kaas oo u oggolaanaya dadka isticmaala ay arkaan in wax xayiraad ah la saaray akoonkooda taasoo ka hortagi karta in qoraalladooda ay arkaan isticmaalayaasha kale.

Bella Hadid ayaa sheegtay in laga mamnuucay Instagram kadib markii ay soo dhigtay war ku saabsan iskahorimaadka Israa’ii iyo Gaza sanadkii hore.

Dhawaan, qoraa Pakistani ah oo lagu magacaabo Fatima Bhutto ayaa ku sheegtay barta Instagram-ka in laga mamnuucay qoraallada la xiriira Falastiin, iyada oo taageerayaasheeda ay u sheegeen inaysan arki karin ama ka heli karin sheekada ay usoo bandhigtay.

War qoraal ah oo la soo dhigay X Axadii, agaasimaha isgaarsiinta Meta Andy Stone ayaa waxa uu sheegay in madashu ay ogaatay in “si weyn” ay u yaryihiin dadka ay gaarayaan waxyaabaha qaar ee lagu baahiyo Instagram-ka isagoo sheegay in sida ugu dhakhsiyaha badan loo xalliyay

Ma ahan markii ugu horeysay

Eedeymihii hore ee Meta ee lagu xakameynayay waxyaabaha u janjeera Falastiin si weyn ayaa loo diiwaangeliyay.

Bishii May 2021-kii, hay’adda samafalka ee Human Rights Watch ayaa Instagram-ka ku eedeysay inuu meesha ka saaray muuqaallo, sawirro iyo faallooyin ku saabsan dhibaatada.

Shirkadda baraha bulshada ayaa sheegtay iyada oo ka jawaabeysa in qoraallada laga saaray “hadallada nacaybka ama calaamadaha qaar” oo ay beddeleen qalabkeeda casriga ah, laakiin waxay u horseeday Meta inay u xilsaarto dib u eegis madax bannaan oo lagu dhexdhexaadinayo waxyaabaha ku jira Israa’iil iyo Falastiiniyiinta ee 2021-kii.

Warbixinta ku dadaalidda xuquuqul insaanka ee shirkada latalinta ee Business for Social Responsibility (BSR) ayaa la daabacay Sebtembar 2022-kii.

Waxay ku soo gabagabaysay: “Falalka Meta waxay u muuqdaan inay saameyn xun ku yeesheen xuquuqda aadanaha iyo xuquuqda isticmaalayaasha Falastiiniyiinta ee xorriyadda hadalka, xorriyadda isu imaatinka, ka qaybgalka siyaasadda, si Flastiiniyiinta ay u wadaagaan awooddooda iyo fikrohooda”.

Khamiistii, Meta iyo TikTok waxa codsiyo rasmi ah u diray Komishanka Yurub si ay macluumaad dheeraad ah uga helaan tallaabooyinkooda lagu xaddidayo faafitaanka macluumaadka iyo waxyaabaha sharci darrada ah ee ka dhashay weerarrada Xamaas.

Faahfaahinta wiil yar oo Galkacyo lagu kufsaday oo maydkiisa jawaan laga dhex helay

Faahfaahinta wiil yar oo Galkacyo lagu kufsaday oo maydkiisa jawaan laga dhex helay

Jimcihii aan soo dhaafnay oo ay taariikhdu ahayd labaatanka bisha October, xilli fiid ah waxaa ka dhacay magaalada Galkacyo dhacdo argagax leh, taas oo wiil yar oo 10 sano jir ah loogu gaystay dil iyo kufsi, sida ay noo sheegeen waalidkiis oo soo xiganaya isbitaal ay geeyeen maydka wiilkooda.

Xilli fiid ah ayuu willka yar ka soo baxay guriga walaashiis oo uu ku noolaa oo ku yaalay xero barakac oo ku taalla magaalada Gaalkacyo, isaga oo doonayay inuu aado guriga eedadiis, sida uu noo sheegay adeerka wiilka.

“Dhawr iyo toban mitir ayay isku jiraan labada guri, dhexdaa laga qabtay,” ayuu BBC u sheegay adeerka wiilka.

Qoyska ayaa sheegay inay dareemeen maqnaashiyaha wiilka, kadibna ay bilaabeen inay baadi goobaan, iyaga oo ka raadinayay gudaha xerada, laakiin muddo ay ku jireen baaritaan kadib, waxay sheegeen inuu ku soo dhamaaday natiijo la’aan, iyaga oo ugu dambeyn qaatay go’aan ah inay iska jiiftaan maadaama uu roob da’ayay.

Markii uu baryay waagu ayuu sheegay adeerka wiilku in ay qoysku dib u bilaabeen baadi goobka wiilkooda iyaga oo isku qaybiyay laba kooxood, kuwa ay u dhaqaaqay dhinaca duurka, kooxda kalana waxay galeen magaalada.

Galkacyo

“Markii ay kala tagtageen dadkii…ayaa guriga agtiisa meel ah oo ay ilmuhu banooniga ku ciyaaraayeen la soo dhigay [maydka],” ayuu yiri adeerka wiilka. “Waxay ku rideen jawaan dhuxuleed ay ku qariyeen intay lugaha u laabeen”.

“Gabar aniga ila dhalatay, iyo mid aniga aan dhalay iyo gabar kale oo xaafadda dagan oo dadkii xaga magaalad u baxay ah ayaa jawaankii arkay. Tii aniga aan dhalay ayaa lugta ku dhufatay…jawaankii waa nuuxsan waayay…gabadhii aniga ila dhalataa ku foorarsatay, jawaanka ayay gees ka qabatay, saan hadey tiriba wiilka funaanadiisa ayay ku aragtay. Waan tan jooga ka dhacday,”.

Qoysku waxay sheegeen in boolisku ay soo gaareen goobta kadibna ay wareysi la yeesheen dadkii goobta joogay kadibna maydka wiilka waxaa loo qaady isbitaalka.

Dadkii gaystay falkaan ayay noo sheegeen in ilaa ay hadda aan gacan lagu hayn balse booliska ayaa qoyska u sheegay inay ku daba jiraan.

Galkacyo

Maxaa ku dhacay wiilka?

Warqad ay soo saareen isbitaalka Guud ee magaalada Galkacyo, ayaa lagu sheegay in maydka wiilka uu dhuunta kaga yaalay nabar muujinaya ceego – si gooni ah xarig lagu ceejiyay. Sidoo kale waxay sheegeen in baaritaankooda ay ku ogaadeen in la kufsaday.

Sida ay noo sheegeen qoysku boolisk ayaa qaaday qaybo kamid ah dheecaanka wiilka, iyaga oo sheegay inay baaritaan ku sameun doonaan.

Sababta uu fal nuucaan ah ugu dhici karo wiilkooda ayay qoysku sheegeen in aysan marnaba suuraysan fahmi karin.

“Murugada nahaysa ilaaheey unbaa xisaabi kara…laakiin dad muslim ah ayaan nahay ilaaheey ayaan talo saaraneynaa,” ayuu yiri BBC u sheegay adeerka wiilka.

Dhanka kale qoysku waxy sheegeen in shalay ay aas u sameeyeen wiilka la dilay aderiis, oo murugadii hore ay midaan ugu sii darsoontay.

Wiilka yar ayaa ahaa rajay iyada oo ay hooyadiis dhimatay , waxaana loo keenay magaalada Galkacyo inuu la noolaado walaashiis oo degan xero barakac oo ku taalla magaalada.

Aabihiis ayay qoysku sheegeen inuu yahay oo waayeel oo ku nool yahay deegaanka Qalaafe.

ugu dambayn maanta ayay qoysku aaseen maydka wiilkooda, kadib hal maalin oo ay yaalay isbitaala baaritaanna lagu sameynayay.

Magaalada galkacyo ayaa horay waxaa uga dhacay falal kufsi oo aragagax lahaa, waxaa dad badan xasuustaan markii sidaan oo kale gabar 7 jir ah kufsi loo gaystay kadibna la dilay, iyada oo maydkeeda la helay markii dambe.

Dawlad goboleedka puntland ayaa mar dambe gacanta ku soo dhigay rag ay shegeen inay kufsiga geysteen, waxaana lagu xukumat dil toogasho ah.

Mid kamid ah waxyaabihii u fududeeyay inay gacanta ku soo dhigaan ragii kufsaday gabadha yar ayay boolisku ku sheegeen inuu ahaa baaritaanka DNA, kadib markii dheecaan laga qaaday maydka gabadha yar ee la kufsaday.