26th July 2024  admin  Category :

Maxamed Diiriye Faarax oo deggan magaalada Muqdisho ayaa muddo 30 sano ka badan raadinayey cidii lahayd guriga uu dagganaa oo ku yaalla xaafadda Juungal ee degmada Yaaqshiid, kaas oo qofkii lahaa uu ka cararay dagaalkii sokeeye ee ka qarxay dalka 90-meeyadii.

Waraysi uu siiiyey BBC-da wuxuu Diiriye ku sheegay in guriga uu dagganaa nin adeerkiis ah muddo dheer, ka dibna uu geeriyooday ilaa xilligaasna ay raadinayeen cidda iska lahayd mulkiyadda gurigaasi.

Ilaa lix jeer ayuu sheegay in lagu soo weeraray guriga oo dad kale ay sheeganayeen inay leeyihiin, balse uu markasta ku xiray inay la yimaadaan sharciyo xaqiijinaya lahaanshihiisa.

“Waxaan markasta raadin jirey cida iska leh guriga, waayo dagaalladii ayaan qiyaasayaa inay dadkii lahaa ka qaxeen guriga balse nasiib wanaag waxaaa yimi ninka guri lahaa. Waxaana xaqiijiyey inuu sax yahay dukumintiyada uu watay, sidoo kale nin ka mid ahaa dadkaa aadka u yaqaanay ayaan la xiriray oo waydiiyey intaas ka dib waxaa caddaatay in u isaga guriga leeyahay,” ayuu intaas raaciyey Maxamed Diiriye.

“Wuu ii cafiyey dhammaan intii aan guriga dagganaa aniga iyo qaraabadayda wuxuuna ii sheegay inuusan waxba ka rabin waxay ka heleen muddadaas guriga” ayuu intaas raaciyey.

Mulkiilaha Guriga

GURIGA LAYSKU WAREEJIYEY
Qoraalka sawirka,Cabdirixmaan Bootan (B) Gudoomiyaha (dhexe) iyo Maxamed Diiriye

Cabdirixmaan Xasan Bootaan oo 1990-kii ka qaxay Muqdisho ka dib dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay ayaa u barakacay gobolka Sanaag halkaas oo uu nolol ka bilaabay.

Bootaan oo mudo soddon sano ah gurigiisii ka maqnaa ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu hantidiisa dib u helo ugana mahadceliyey Maxamed Diiriye inuu u ilaaliyey oo aakhirkiina ku wareejiyey.

Sharciyada Soomaaliya uga yaalla murannada dhulalka

GUDOOMIYAHA DEG.YAAQSHID
Qoraalka sawirka,Guddoomiyaha Degmada Yaaqshid Suleymaan Fargax

GudDoomiyaha Degmada Yaaqshid Suleymaan Maxamuud Maxamed Fargax oo labadan nin u kala wareejiyay guriga, oo ka hadlay sharciyada loo maro marka dhul ay isku qabsadaan dadka sheeganaya iyo kuwa mulkiyadda saxda ah leh ayaa sheegay inay mariyaan habraac uga yaalla Dowladda Hoose ee Xamar.

“Waxaan marnaa marka kowaad inaan u yeerno qofka sheeganaya dhulka ama guriga ka dibna waxaan eegnaa dukumentiga uu wato inay sax yihiin, waxaana howshaa qabata qaybta xallinta khilaafaadka dhulka ee Xamar, haddii dhinacyada ay wali ku kala bixi waayaan waxaan u gudbinnaa maxkamaddaha ku shaqada leh” ayuu yiri guddoomiye Suleymaan.

Fargax oo guriga u kala wareejiyey Cabdirixmaan Xasan Bootaan oo lahaa mulkiyada guriga iyo Maxamed Diiriye Faarax oo muddo dheer hayey ayaa sheegay inay ahayd wax la yaab leh in 30 sano ka dib ay si calool fiyoobi ah ula kala waregeen.

“Waxaa la yaab igu noqotay sanadkii aan hayey maamulka Degmada Yaaqshiid inaan arko qof muddo dheer hayey guri uusan lahayn oo hada markii mulkiilihii yimi ka dalbaday cafis taas anigu hore uma arag intii xilka hayey”

Guddoomiye Suleymaan ayaa xusay in xitaa Maxamed Diiriye uu ka dalbaday Cabdirxmaan Bootaan inuu ka cafiyo hal habeen oo guriga uu seexday aabbihiis oo baadiye ka yimi oo geeriyooday.

Muddo sanada oo maamulka Degmada Yaaqshiid uu yahay Suleymaan waxaa uu xusay inay ahayd waxa ugu badan ay ka shaqaynayeen dhul ama guryo laysku haysto.

Isagoo sii hadlayey wuxuu xusay in mararka qaar aad arkaysid cid aan lahayn waxay sheeganayaan oo haddana doonaya inay helaan waxa aysan lahayn, taas oo qaadata shaqo maalin dhan ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*