26th July 2024  admin  Category :

Xildhibaanadda Soomaalida ah ee taageerada Falastiin darteed looga saaray gole baarlamaan

Xisbiga NDP ee dowlad goboleedka Ontario ayaa xildhibaan Sahra Jamac ka saaray xubinta guddiga kadib faallooyin la xiriira Gaza ee muran dhaliyay.

Hogaamiyaha xisbiga Marit Stiles ayaa sheegtay in ficilada Sahra ay niyad jabiyeen kalsoonidiina ka burburiyeen saaxibbadeeda ay shaqo wadaagga ahaayeen.

Xisbiga Dimuqraadiga cusub ee Ontario ayaa ka ceyriyay xarunta Hamilton, Sarah Jama, ku dhawaad laba toddobaad kadib markii ay soo bandhigtay hadal muran dhaliyay oo ay ku taageerayso Falastiiniyiinta.

“Aniga iyo Marwo Sahra waxa aan gaarnay heshiis ah in ay ku sii jirto xisbiga NDP, kaas oo ay ka mid ahaayeen in si niyad sami ah loo wada shaqeeyo, iyada oo aanay jirin wax carqaladeyn ah, guddidayada iyo shaqaalaheenna waxa ay sameeyeen dedaallo la taaban karo si ay u garab istaagaan iyada xilli aan shaki ku jirin in ay adag tahay,” ayey tiri Stiles.

Tan iyo markaas, waxay samaysay dhowr tallaabo oo hal dhinac ah kuwaas oo wiiqay shaqadeena wadajirka ah, jabiyayna kalsoonida asxaabteeda.”

Haweeneyda 29-jirka ah ee naafada ah, asalkeeduna Soomaali yahay, ayaa ku guuleysatay kursigeeda doorashada kumeel gaarka ah bishii Maarso, iyadoo lagu daray Golaha Sharci dejinta ee Ontario qaab madax bannaani ah.

Arrintan ayaa imaaaneysa kadib labo toddobaad oo uu socdo dagaalka Israa’iil iyo Xamaas, iyadoo xildhibaanaddu ay taageertay dadka Qasa. Duqa magaalada uu xisbigu ka dhisanyahay ayaa ugu baaqay in Sahra ay is casisho isagoo ku eedeeyay nacayb.

Ford
Qoraalka sawirka,Ford oo ku borriyay Sahra in ay raalli gelin bixiso

Xafiiska Sahra Jama ayaa warqad u gudbiyay duqa magaalada Khamiistii hore, sida uu sheegay qareenkeeda, Stephen Ellis, iyo Xarunta Sharciga ee Falastiin. Warqadda ayaa lagu sheegay in haddii duqu uusan ka saarin qoraalkiisa baraha bulshada oo uusan si cad uga cudur daaran, in Sahra ay ay qaadi doono tallaabo sharci iyo sumcad dilista waafaqsan.

“Xildhibaan Sahra waxa ay ku adkeysaneysaa in qoraalkaasi uu ahaa mid ka fiirsasho la’aan iyo xaasidnimo ah,” ayaa lagu yiri warqadda. “Sahra Jaamac uma dulqaadan doonto isku dayga Premier Ford ee uu ku doonayo in sumcadeeda la xumeeyo waliba si fagaare ah.”

Qareenka Ford oo ka jawaabaya warqadda ay dirtay xildhibaan Sahra ayaa sheegay in duqu uu dafiray eedeymaha, uusanna ka saari doonin qoraalka uu soo dhigay baraha bulshada isla markaana uu diyaar u yahay in uu si xooggan isku difaaco, haddii Sahra ay qaado tallaabo sharci ah.

Xildhibaanadda waxa kale oo ay ku sheegtay X, oo hore u ahaan jiray Twitter, Jimcihii in shaqaalaheeda xafiiska Hamilton Center lagu amray inay ka shaqeeyaan meel kabaxsan xafiiska kadib markii ay heleen farriimo loogu sjheego in cabsi amni ay jiri karto”.

Xisbiga Muxaafidka ee Conservative-ka ayaa Isniintii u codeeyay in Sahra laga mamnuuco in ay golaha ka hadasho ilaa inta ay ka noqoneyso ama ay tirtireyso qoraalkeedii asalka ahaa oo sy si rasmi ah raali gelin u bixiso.

Sahra
Qoraalka sawirka,Sahra oo sheegtay in aysan ka saari doonin qoraalka ay ku garab istaagtay Falastiin

Qoraalkii asalka ahaa ee xildhibaan Sahra Jaamac oo la soo dhigay X ayaa ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah iyo sidoo kale in la joojiyo dhammaan haysashada dhulka Falastiin.

Waxay si weyn diiradda u saartay dhulka falastiiniyiinta, iyadoo leh “Rabshadaha iyo aargoosiga ku saleysan gumeysiga dadka deegaanka ayaa galaaftay nolosha dad aad u badan oo aan waxba galabsan.” Si toos ah ugama aysan hadlin weerarada Xamaas.

Hadalkaasi waxa uu dhaliyay caro iyo taageero labadaba.

“Dowladaha iyo hay’adaha Canada waxay isku dayayaan inay isticmaalaan miisaankooda si ay noo aamusiyaan, si ay u aamusiyaan shaqaalaha, ardayda, barayaasha, iyo dadka nabadda jecel ee ku dhiirada inay taageeraan Falastiin,” ayey tiri Sahra. “Qof kasta oo khatar is gelinaya si uu ugu hadlo sharafta iyo badbaadada Falastiin, waan ku arkaa, waan ku maqlayaa, waana kula jiraa.”

Xarunta Israa’iil iyo Arrimaha Yuhuudda ayaa soo gelisay X, iyadoo sheegtay inay “ku faraxsan tahay” in la arko tallaabada.

“Hadalada xildhibaan Sahro Jaamac waxay ahaayeen kuwo aan habboonayn, fool xun, oo dhaawac ku ah Yuhuudda iyo Israa’iiliyiinta Canada,” ayay xaruntu qortay.

Dhanka kale xildhibaan ayaa laga joojiyey inuu raaco diyaarad ku socotay Canada “sababo la xiriiray in magiciisa ladhihi jiray Maxamed” oo dib laga ogaaday.

Mohammad Yasin, oo ah xildhibaanka xisbiga shaqaalaha ee Bedford, ayaa la socday koox xildhibaano ah oo qayb ka ahaa wafdi baarlamaanka todobaadkii hore wuxuuna sheegay in ay tahay ” bahdilaad”.

Waxa uu sheegay in su’aalo lagu waydiiyey garoonka Heathrow ee laga soo galo garoonka diyaaradaha ee Air Canada oo ay weydiiyeen in uu sitay mindi ama hub kale.

Mr Yasiin
Qoraalka sawirka,Waqtiga lagu qaatay baaristiisa

Xildhibaan Clive Betts oo ka tirsan xisbiga Labour-ka, oo kor u qaadaya qodobka nidaamka ee aqalka baarlamaanka, ayaa sheegay in “cunsuriyada iyo Islaam nacaybka” lagula dhaqmay saaxiibkiis ay tahay “mid aan gabi ahaanba la aqbali karin”.

Mr Yaasiin ayey kaliya u suurtagashay in uu raaco diyaaradda kadib markii uu caddeeyay in uu yahay xildhibaan uuna muujiyay in uu haysto fiisaha uu dalka ku galayo.

Mr Yaasiin wuxuu yiri: “Waxay ahayd wax walbahaar iyo bahdil ah, in si gardaro ah la’iigu sifeeyo kontoroolka socdaalka, gaar ahaan marka aad koox ahaan u safreysaan adigoo wakiil ka ah baarlamaanka Ingiriiska oo muddo dheer la soo agaasimayay howlihiisa shaqo.

“Inkasta oo aanan fileyn in Xildhibaan ahaan si gaar ah la’iila dhaqmay, haddana haddii anan xildhibaan ahaan lahayn, intee in la’eg ayaa six un la’iila dhaqmi lahaa”.

Mudane Yaasiin ayaa yiri: “Waxaan ka mahadcelinayaa taageerada xisbiyada badan ee aan ka helay baarlamaanka, guddoomiyaha guddiga sare u qaadista iyo afhayeenka baarlamaanka, waxaana ku faraxsanahay inaan aqbalo martiqaadka guddiga sare ee Canada si aan ugala hadlo khibradeyda” ayuu sii raaciyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*