Anigu Daarood ayaan raacsanahay

In badan ayaa beesha Daarood ay ku adkaatay sidii ay ka yeeli lhaayeen ama ugu jawaabi lahaayeen dhaqamo ku cusub Soomaalida, oo a Odayaal sheeganayan inay Beelo nabadoono u yihiin ay si liidata oo cuqdadaysan Warbaahinta fariimo aan munaasib ahayn u soo marinayeen beesha Daarood.

Sidoo kale Ururada ay ka mid yihiin Irir samaale, Heritage iyo HAG, oo iyaguna dhaqamada noocan ah dhiiri gelliya, oo sanadkiiba hal mar ku kulma dalka Jabuuti .\

Daraasad: “Lama hubo in caano-booraha la siiyo carruurta ay faa’iido leeyihiin”

Daraasad: “Lama hubo in caano-booraha la siiyo carruurta ay faa’iido leeyihiin”

Daraasad cilmiyeed la sameeyay sanadkan horraantiisa ayaa lagu ogaaday in aysan jirin caddayn ku filan oo lagu taageerayo sheegashooyinka shirkadaha qaarkood ee ku saabsan faa’iidooyinka caafimaad ee laga helo caanaha carruurta yaryar.

Sheegashooyinkan aan ilaa iyo hadda loo hayn cadeeyn cilmi oo sax ah, waxaana ka mid ah in la yiraahdo caanaha dhallaanku waxay kor u qaadi karaan horumarka maskaxda, indhaha, habdhiska dareenka, iyo hagaajinta shaqada habka difaaca jirka.

Saynis-yahanno ka socda Imperial College oo ku yaalla magaalada London ayaa sheegay in sharciyada suuqgeyntu ay tahay in la adkeeyo si looga hortago in shirkadaha ay kor u qaadaan sheegashooyinkan aan caddeymaha loo heyn.

Cilmi-baarayaasha oo ay ka mid yihiin Dr Yanzhong iyo Lucia Petro waxay falanqeeyeen wax soo saarka dalalka Australia, Canada, Jarmalka, Hindiya Talyaaniga, Japan, Nigeria, Norway, Pakistan, Ruushka, Suucudi Carabiya, Koonfur Afrika, Spain, Ingiriiska, iyo Mareykanka oo ah isku darka waddamo dakhligoodu sarreeyo, kuwa dhaxe iyo hooseeyo.

Cilmi-baarista ayaa lagu yiri “Sheekooyinka kala duwan ee ku saabsan faa’iidooyinka caafimaadka iyo nafaqo ee laga helo caanaha dhallaanka ma ahan mid ku salaysan tixraacyo cilmiyeed.”

Naasnuujinta Hooyada
Qoraalka sawirka,Naasnuujinta Hooyada

Sidoo kale waxay intaa ku dareen “xataa haddii la helo in qaar badan oo ka mid ah sheegashooyinkan ay yihiin kuwo daciif ah oo eex ku salaysan”

Guddiga cilmi-baarista waxay ogaadeen in celcelis ahaan wax soo saarka caanaha dhallaanku uu kor u qaaday hal shay, halka sheegashooyinka shirkadaha 56 boqolkiiba ay yihiin wax aan jirin sida cilmi-baarista lagu caddeeyay.

Sidoo kale daraasaddan dhowaan lagu daabacday Joornaalka Caafimaadka ee Ingiriiska oo shirkaduhu ay caddeyn ahaan u soo bandhigeen ayaa la ogaaday in qiyaastii 90% tijaabooyinka ay maal-geliyeen shirkadaha caannaha.

Waxaa jira walaac laga qabo in buunbuuninta sheegashada ku saabsan faa’iidooyinka caafimaad iyo nafaqo ee caanaha dhallaanku ay hooyooyinka ku dhiirrigelin karaan in ay joojiyaan naas nuujinta hooyada taas oo ah mid faa’iidooyo badan oo caafimaad u leh caruurta.

Sida ay sheegtay ha’yadda UNICEF, dalka Ingiriiska ayaa mid ah kuwa heerarka ugu hooseeya kaga jira naasnuujinta adduunka oo dhan.

Xogta, oo lagu daabacay Lancet, ayaa muujineysa in hal ka mid ah 200 oo haween ah oo u dhigta 0.5% ay wali sameyneyso heer kasta oo naasnuujin ah.

Tan waa mid aad hooseeysa marka la barbar dhigo Jarmalka, 23% Brazil 56% iyo 99% Senegal.

Naas-nuujinta hooyada
Qoraalka sawirka,Naas-nuujinta hooyada

Cilmi-baareyaashu waxay sheegeen in ay tahay “fikrad khaldan oo baahsan” in naasnuujintu ay faa’iido u leedahay oo keliya dalalka saboolka ah.

Naasnuujintu aad ayey ugu badan tahay waddamada soo koraya, laakiin marka la fiiriyo Ingiriiska ayaa xitaa aad uga hooseeya waddamada la midka ah ee Yurub.

Haweenka Boqortooyada Ingiriiska waxa lagula talinayaa in ay si gaar ah u quudiyaan ilmahooda caanaha naaska lixda bilood ee ugu horreeysa.

Prof Cesar Victora, oo ah qoraaga warbixinta oo ka tirsan Jaamacadda Federaalka ee Pelotas ee Brazil, ayaa yiri: “Waxaa jirta fikrad khaldan oo baahsan oo ah in faa’iidooyinka naas-nuujinta ay la xiriiraan oo keliya dalalka saboolka ah.

Warbixinta Lancet ayaa sheegtay in naasnuujinta dalalka horumaray ay hoos u dhigtay halista dhimashada degdega ah ee dhallaanka.

Iska horimaad dhimasho leh oo saaka ka dhacay Laascaanood

Iska horimaad dhimasho leh oo saaka ka dhacay Laascaanood

Hal qof ayaa ku dhintay, saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen iska hor-imaad saaka ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, sida ay ilo-wareedyo u xaqiijiyeen VOA.

Iska hor-imaadka ayaa dhexmaray laba maleeshiyo, kuwaas oo isku qabsaday gaari Cabdi Bile oo hore looga qabsaday ciidamada Somaliland, markii uu dagaalka dhex-marayey labada dhinac.

Labada maleeshiyo ayaa waxaa markii dambe kala dhex-galay ciidamada booliska ee maamulka SSC-Khaatumo.

Xaaladda guud ee magaalada Laascaanood ayaa deganeyd tan iyo markaas. Islamarkaana ,aamulka magaalada ayaa weli ka hadal iska hor-imaadka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Safiirka Imaaraadka iyo Xildhibaanno

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Safiirka Imaaraadka iyo Xildhibaanno

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madobe ayaa xafiiska Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaanada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta kulan kula qaatay xubnaha guddiga iyo Safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Ahmed Jumah Alromaithi.

Xubnaha guddiga oo uu hogaaaminayo guddoomiyaha Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaanada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta Xildhibaaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka uga warbixiyay howlaha guddiga u qabsoomay tan iyo intii la magacaabay.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa xubnaha ku amaanay howsha muhiimka ah ee ay hayaan iyo sida ay ugu howlanyihiin ka mira dhalinta howsha loo magacaabay, waxa uuna kula dardaarmay in ay ka shaqeeyaan xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee Baarlamaanada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Sidoo kale Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa Safiirka kula dardaarmay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dowladood iyo in la sii laba jibaaro xiriirka Saaxiibtinimo ee labada Baarlamaan.

Waa kuwee Isimada leh saxiixa xildhibaanada Baarlamaanka Puntland

Puntland ayaa ku jirta marxalad doorasho oo maalmo uun ay ka dhiman yihiin waqtiga ay ku egtahay dowladda, kuna beegan 8 Janaayo 2024-ka.

Beelaha kala duwan ee daga deegaanadaasi ayaa odayaashooda dhaqanku waxay wadaan soo saarista liiska xildhibaanada 6aad ee golaha wakiilada Puntland.

Maxamed Cabdiqaadir Cismaan oo xoghaye ka soo noqday guddiyadii xalinta khilaafaadka ee labada doorasho sanadihii 2013-kii ilaa 2018-kii ayaa BBC-da u sheegay in isbadallo ku dhaceen meelaha qaar marka laga hadlayo xulista xildhibaannada, laakinse wali isimo dhaqanka ee lahaa asaaskii Puntland sanadkii 1998-dii ay yihiin saxiixayaasha xildhibaanada baarlamaanka.

Laakinse maadaama aynaan dhamaantood soo wada koobi karin, ayaan isimada hoos magacyadoodu ku xusan yihiin soo qaadannay, kuwaasoo leh saxiixa tirada ugu badan ee xildhibaanada Barlamaanka Puntland.

Boqor Burhaan Boqor Muuse- Gobolka Bari

BOQOR BURHAAN
Qoraalka sawirka,Boqor Burhaan Boqor Muuse

Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ka mid ah isimada dhaqanka ee gobolka Bari ayaa leh saxiixa ugu danbeeya ee saddexda xubnood ee ka soo baxa beeshiisa.

Sida u dhigan xeerka waxaa ka mid ah in reerka xilligaas leh ay nabadoonkooda iyo cuqaashoodu soo dhirin dhiriyaan ka dibna uu aakhirkii guddiga xalinta Khilaafaadka u gudbiyo saxiixa Boqorka.

Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil-Gobolka Bari

BEELDAAJE MAXAMED
Qoraalka sawirka,Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil

Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil ayaa leh saxiixa ugu danbeeya ee saddexda xildhibaan ee beeshiisa kuwas oo ka mid noqda barlamaanka Puntland

Sida u dhigan xeerka beelaha waxaa ka mid ah in reerka xiligaas leh ay nabadoonkooda iyo cuqaashooda soo dhirin dhiriyaan ka dibna uu aakhirkii guddiga xalinta Khilaafaadka u gudbiyo saxiixa Boqorka.

Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan – Gobolka Sanaag

SULDAAN SICIID
Qoraalka sawirka,Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan

Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan ayaa liiska hore kaga jira isimada Putland ee leh saxiixa tirada ugu badan ee xildhibaanada gobolka Sanaag.

Suldaanka ayaa saxiixa sagaalka xildhibaan ee gobolkaas ku leeyahay baarlamaanka Puntland, laakin marar kala duwan waxaa sidoo kale xubno ka mid ah sagaalkaas saxiixay Suldaan Maxamed Suldaan Cabdillaahi.

Mar la eego Salaadiintu waxay leeyihiin saxiixa u gudbaya guddiga xalinta khilaafaadka hase yeeshee, waxaa jira cuqaal iyo nabadoonno door muhi im ah ku leh xulista xildhibaannada.

Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin-Gobolka Bari

UGAAS XASAN
Qoraalka sawirka,Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin

Ugaas xasan Ugaas Yaasiin waxaa uu saxiixa ugu danbaynta ah ku leeyahay saddex xildhibaan oo beeshiisa ku matalaya barlamaanka Puntland.

Ugaaska ayaa si la mid ah sida isimada kale wuxuu leeyahay leh saxiixa u gudbaya guddiga xalinta khilaafaadka Puntland.

Cuqaasha iyo Nabadoonada beeshaas ayaa sidoo kale leh door ku leh xulidda xildhibaannada.

Beeldaaje Cali Faarax- Gobolka Bari

BEELDAAJE CALI
Qoraalka sawirka,Beeldaajer Cali Faarax

Beeldaaje Cali Faarax ayaa ah mid ka mid ah Isimada ka nool odayaashii dhaqanka ee saxiixay xildhibaanadii ugu horeyey ee barlamaanka Puntland sanadkii 1998-dii

Beeldaaje Cali ayaa leh saxiixa kama danbaysta ah ee labada xildhibaan ee beeshiisu ku leedahay baarlamaanka Puntland ee loo gudbinayo guddiga xallinta khilaafaadka.

Cuqaasha iyo nabadoonada ayaa iyagana leh door muhiim ah marka laga hadlayo xulidda xildhibaanada.

Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin–+ Gobolka Bari.

BEELDAAJE ISMAACIIL
Qoraalka sawirka,Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin

Beeldaaje Ismaaciil Beeldaje Yaasiin ayaa leh saxiisa u gudbaya guddiga xalinta khilaafaadka ee labada kursi xildhibaan ee beeshiisu ku leedahay barlamaanka Puntland

Nabadoonada iyo cuqaasha ayaa sidoo kale leh door muhiima oo xulidda xildhibaanada ah

Islaan Ciise Islaan Maxamed – Gobolka Nugaal

ISLAAN CIISE
Qoraalka sawirka,Islaan Ciise Islaan Maxamed

Islaan Ciise Islaan Maxamed ayaa leh saxiixa toddobo ka mid ah sagaalka xubnood ee Nugaal ku matelaya barlamaanka Puntland.

Islaan Ciise ayaa ka mida Isimada saxiixa tirada ugu badan ee xildhibaanada barlamaanka oo saxiixooda u gudbo guddiga xalinta Khilaafaadka

Cuqaasha iyo nabadoonada ayaa islaanka kala shaqeeya soo xulida xildhibaanada.

Islaan Bashiir Islaan Cabdille- Gobolka Mudug

ISLAAN BASHIIR
Qoraalka sawirka,Islaan Bashiir Islaan Cabdille

Islaan Bashiir Islaan Cabdille ayaa leh saxiixa kama danbaysta ah ee labo xubnood oo ka yimaada Mudug.

Wuxuu kaloo Islaan Bashiir leeyahay saxiixa labo xubnood oo ka yimaada gobolka Nugaal kuwaas oo beeshiisu ku leedahay barlamaanka Puntland, saxiixiisa ayaana ah kan u gudba guddiga khilaafaadka.

Islaanka ayaa sidoo kala ka mid noqonaya isimada leh saxiixa tirada ugu badan ee xildhibaannada baarlamanka Puntland.

Ugaas Cali Ugaas Maxamed – Goldogob, Mudug.

Ugaas Cali oo ka soo jeeda magaalada ku taalla galbeedka Mudug ayaa leh saxiixa ugu dambeeya 2 xildhibaan oo deegaankiisa ah, kuwaasoo ka mid ah baarlamaanka Puntland.

Ugaas Cali

Sool iyo Cayn

ISIMADA KHAATUMO
Qoraalka sawirka,Isimada dhaqanka ee SSC-Khaatumo

Gobolada Sool iyo Cayn ayey ka imaan jireen tirada ugu badan ee xildhibaano beel ku leedahay barlmaanka Puntland kuwaas oo ah 17 xildhibaan. Kuwii ugu dambeeyey ee baarlamaanka 5aad ee Puntland waxaa saxiixay isimada magacyadoodu hoos ku yaallaan.

AUN Garaad Saleebaan Garaad Maxamed

AUN Garaad Cali Buraale Xasan

AUN Ugaas Maxamuud Ugaas Cabdilaahi Ciise

AUN Jiif Caaqil Axmed Hoolif

Jiif-caaqil C/kariin Axmed saleebaan Mursal

Iyo garaado kale oo lahaa saxiixa ugu danbeeya ee loo gudbiyo guddiga xalinta khilaafaaadka.

MAXAMED CABDIQAADIR
Qoraalka sawirka,Maxamed Cabdiqaadir Cismaan

Waxaa xusid mudan in aysaan inta aan daabacnay ahayn odayaasha dhaqanka ee saxiixa xildhibaanada baarlamaanka Puntland, hase ahaatee waxaa jira kuwo badan oo aan qoraalkeena ka soo muuqan magacyadooda sababo la xiriira koobida warbixinta.

Xogta ku saabsan arrinta magacyada Isimadii saxiixa ugu danbeeya lahaa qaar waxay BBC-du ka xigatay warqadii ay soo saareen guddigii xallinta khilaafaadka baarlamaanka sanadkii 2018-kii 31 bishii December

Sida uu BBC-da u sheegay Maxamed Cabdiqaadir oo xoghayn ka soo noqday laba xilli guddiga xallinta khilaafaadka ee Puntland, waxaa jira isimo lahaa saxiixa oo siyaabo kala duwan aan u saxiixin iyo khilaafaadyo ka taagnaa saxiixa.

“Waxaa mararka qaar intii aan ku jiray guddigaas dhacayey khilaafaadyo dhaqanka u dhaxeeya iyo kuwo siyaasado is diidan ay riixayaan oo dhibaato ku ahaa howlaha liiska xildhibaanada dhamaadkii sanadihii 2013 ilaa 2018” ayuu Yiri Maxamed.