27th July 2024  admin  Category :

Hogaanka Sirdoonka Soomaaliya, Itoobiya Iyo Eritrea Oo Ku Shiraya Adis-Ababa

ogaanka Sirdoonka dalalka Itoobiya, Soomaaliya iyo Eritrea ayaa ku shir uga socdaa magaalada Adis-ababa ee magaalo madaxda dalka Itoobiya, sida loo xaqiijiyey wakaalada Horseed.

Lama oga waxa uu quseeyo kulanka ilaa iyo haddana wax war ah kama soo bixin shirkan ay isugu yimaadeen hogaanada sirdoonka ee seddexdan dal.

Wuxuu kusoo aadayaa kadib markii madaxweyne Farmaajo todobaadkii hore uu booqasho kadis ah ku tagay magaalada Asmara, isagoo halkaas kula kulmay madaxweyne Isaias Afwerki, waxaana safarkaasi shaki ka muujiyey siyaasiyiinta mucaaradka Soomaalida.

Dhanka kale madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa shalay booqasho labo berri ah ku tagey magaalada Adis-ababa isagoo halkaas kula kulmay raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*