
18th July 2026 admin Category :
Axmed Cadib,wuxuu ahaa Ninkii watay Maleeshiyadii argagixisada Alshabaab ee weeraray Af-urur PL 2017-kii.
Weerarkaas gaadmada ahaa ee ka dhacay Af urur, Sanaag ayaa ,waxaa looga dilay Ciidamada Difaaca Puntland 63-Askari iyo Afar Sarkaal oo lakala oran jiray ( Tusbaxle,Sanga,Deeq Ashkir iyo Col.Caduur),rabi ha’unaxariisto janadiina haka waraabiyo Shahiidiintaas.
Ilaa xiligaas Taliyahani wuxuu ku dhuumaalaysanayey degaanada ay beesha isaaq degaan ee loo yaqaan somaliland
Xalay,ayaa Maydkiisa laga helay Hotel ku yaal Hargaysa oo uu daganaa Axmed Cadib oo kasoo jeeda Ceerigaabo,Beel ahaan udhashay Habaryoonis,Muuse Ismaaciil.
Bustoolad,ayaa agtaalay,waxaana ku yaalay jirkiisa Xabado,wuxuuna kasoo mid noqday Jamhadii SNM,balse Sanadihii ugu danbeeyay,wuxuu ahaa Sarkaal sare oo argagixisada AS ka mid ah.







