14th July 2026  admin  Category :

Doorashadii Laascaanood ka dhacday waxa ay aheed mid loogu gefay beesha Warsangeli. Hadii qabiil inta uu u yeerto dhawr shakhsi oo ka mid ah qabiil kale, si magacooda loo isticmaalo, waa riwaayado horay u soo gubtay ama u socon waayay. Dhulbahantana waxa ay soo min guuriyeen xaaladii Hargaysa ka jirtay ee aheed inta shaqsiyaad loo yeerto, hadana la dhihi jiray beel hebel ayeey metalaan iyo Somaliland waa loo dhanyahay. 

Hadaba, masiirka Warsangeli mas’uul kama noqon karaan shakhsiyaad ay kamid yihiin Saynab, Jamaal, Ca/Rashid iyo kuwa kale ee aan matelin shacabka. Warsangeli ma’ahan neef baadi ah oo cidii doonta ay iska kaxaysanayso. 

Deegaanka dad baa ka taliya, taladuna dadka ayeey ka go’daa marka ay isku yimaadaan go’aana ay ku gaaraan waxa danta ay ugu jirto kaas uunbaa noqon kara sharci. Beesha Warsangeli waxeey wax ka dhisteen maamulka Puntland, hadii Puntland laga baxayana waa in la isaga yimaadaa, laakiin dhawr qof oo inta Xamar lacag laga soo siiyay ay yiraahdaan maamul hebel baan ku darsanay, waa wax aan la aqbali karin. 

Kawaran hadii beri ay soo baxaan shakhsiyaad doonaya in Xuutiga Yaman maamul lala wadaago ama kuwo doonaya Suuluuga Koonfur Afrika ama Siikha Hindiya? Miyeey suurta galaysaa? 

Puntland waxaa looga fadhiyaa in dhul Warsangeli aan cag la soo dhigin. Ama halala baxo Maamulka Waqooyi Bari ama Tarniig iyo Alwaax, waana in loo diyaar garoobaa oo cidii cag soo dhigta la marsiiyaa waxa ay mudanyihiin. 

Ugu danbayntii Isimadda ,waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ee gbbolka waxaa laga sugayaa inay qayb libaax ka qaataan difaaca deegaanka ee duulaanka lagu yahay

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*