1st May 2024  admin  Category :

Beelaha Habar gidir iyo Xawaadle ayaa loo kala bedelay hogaanka NISA

Dalka soomaaliya wuxuu horay u lahaan jiray Ciidan sir doon ah ama Nabad sugida oo umadda Soomaaliyeed ka wada tirsanaayeen lana oran jiray National Security Service,

Ciidankan ayaa markii hore ee madaxweyne Xasan Sheekh ku guulaystay hogaanka Soomaaliya uu magacii laga bedelay iyo qaabkii uu ciidanku u dhisnaan jiray, sababtuna waxay ahayd in ciidankii NSS lagu sheegy inay ahaayeen Daarood oo uu samaystay Axmed Saleebaan Cabdale.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu bilaabay ciidan ka soo wada jeeda beesha Hawiye, isaga oo isla markaa ka bedelay magacii hore oo u bixiyey National Intelligence and Security Agency.

Ciidankan cusub oo u badan dhaliyaraddii Alshabaab ka soo goosatay ama kuwo ciidamada shisheeye ee dalka joogaa ay dagaalka alshabaabka ka soo qab qabteen ayaa ilaa hadda intii la asaasay loo magcaabin qof ka soo jeeda beesha Daarood ama Soomaalida kale.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa mar kale xilka u kala wareejiyay beeshiisa oo  Agaasimaha Hay’adda Beelaysan ee NISA ee dhawaan loo magacaabay Cabdullaahi Maxamed Cali (Shanbaloolshe) , oo ka soo jeeda beesha Xawaadle ee Hawiye iyo Agaasimihii Hore ee hay’adda , Mahad Maxamed Salaad,oo isaguna ka soo jeeday beesha Habar gidir ee Hawiye kadib munaasabad ballaaran oo ka dhacday xarunta Hay’adda Nabad-sugidda Beelaysan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*