29th March 2024  admin  Category :

Caasimaddii  maamulka, gudoomiyihii baarlamaanka  Madaxweynhii iyo Madaxweyne ku xigeenkii waxa wada qaatay beesha Hawiye . Halka beesha Jareerweyn ee degta inta badan gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe ay marti ku noqon doonaan maamulkan loogu magac daray maamulka  Hawiyaha dega webbi Shabbeele

Madaxweynaha oo u hambalyeeyay madaxda cusub ee maamulka Hirshabeelle

 

Khiyaano ayaa ka dhacday doorashadii Magaalada Jowhar ee la isku dhaarsaday,hadii xilka Madaxweynaha Hiiraan Xawaadle qaato oo caasimadda Jowharna Hiraab qaato,Gudoomiyaha Baarlamaankana Gaaljecel qaato,in xilka Madaxweynbe ku-xigeenka aanan lla tartamin Beesha Shiidle ee Jareerweynaha Jowhar iska leh.

Hadaba balantii Shiidlaha lala galay waa looga baxay,waxaana xilkoodii Madaxweyne ku-xigeenka loo lagu balamay,sidda aan loola tartamin 3-dii Muarshax ee Beesha Xawaadle ee xilka Madaxweynaha u taagnaa,inaan iyagana xilka Madaxweyne ku-xigeenka tartarn lala galin,ayaa waxaa markii dambe waxaa la soo sharaxay C/laahi Guulwadde oo ku guuleystay xilkii Madaxweyne ku-xigeenka Hir-Shabeelle.

Derbiyadda Magaaladda Jowhar ayaa lagu xardhay,erayo ay ka mid yihiin,Maamulkan in loogu yeero(Hiraab-Shabeelle)marba hadii Caasimadii iyo M/weyne ku-xigeenkiiba ay hal Beel isku darsatay,Dadkii Jowhar lahaana meel mcidlo ah looga tagay.

.

1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15

1617

18

19

20

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*