26th April 2024  admin  Category :

Haweeney shaqaala guri soo ahaan jirtay oo madaxweyne ku xigeen noqotay  

Francia waxay ku dhalatay tuulada Ulumbora oo caasimadda Bogota u jirta 437km. Tuuladaasi oo ku taalla dalka Colombia oo laga tiriyo mid ka mid ah dalalka ugu sabooolsan dunida.

Gobolka Cauca ku dhawaad 65 sana waxaa ka dhacayey dagaal u dhaxeeya Jbahado halkaa ka dagaallamaya iyo dowladihii dalkaa ka soo arriminayey.

“Bulshada aan ka soo jeedo waa bulsho si weyn loo faquuqay, biyo la  cabbo ma haystaan, ma lahan adeeg faya dhowr iyo koronto midna, ” ayey tiri Fracia

Francia si ay u caawiso 12 carruur oo la dhalatay qutul yoonka reerka waxay ka raadineysay macdan iney ka raadiso wabiga Overgas oo ay dadka macdinta gaar ahaan dahabka ka baartaan.

16 jir markii ay ahaydna waxay noqotay hooyo ilma ay dhashay kaligeed korineysa si ay carruurteeda cunto ugu hesho kulliyadda beeraha ee ay dhigatana ay laca uga hesho waxay billowday iney guriyaha dadka uga shaqeyso.

Francia iney arrimaha bulshada ka shaqeyso waxay ka soo billwday dhaqdhaqaaq ay ka sameysay deegaanka gaar ahanna xilli biyo xireen laga dhisi rabay wabiga Ovegas.

Ololihii halkaa ay ka soo billowday waxay gaarsiisay iney maxkamadda sare ee dalka Colombia ay amar ku bixiso in gabi ahaanba biyo xireenka wabigaasi laga dhisi laha la joojiyo.

Francia Marquez

2014-kii ayey Francia si weyn uga caan baxday dalkaasi iyada oo hoggaamiso 350 haween ah oo socd lug ah ku tagay caasimadda Bogota si ay madaxweyne Juan Manuel Santos ay ugu cadaadiyaan inuu tallaabbo uu ka qaado macdan baarista sharci darrada ah oo lagu hayo wabiga Ovegas.

2018-kii Francia waxay ku guuleysatay aabaalmarinta deegaanka ee “Green Nobel Prize.”

Dadka caanka ka ah ama u ololeeya arrimaha bulshada ama siyaasadda dalka Colombia ayaa badankood la kulmo hanjabaado dil.

Natiijada Doorashada madaxweynaha Colombia ee 2022-ka ayaa waxyaaba badan kaga duwan doorashooyinkii horay dalkaasi uga dhacay.

Hoggaamiyihi hore ee Jabhadda dalkaasi ka dagaallameysay Gustavo Petro ayaa noqday madaxweynihii ugu horereyey ee dalkaasi oo ay siyaasaddiisu bidixda tahay, halka haweeneydii ugu horreysay oo madow ahna ay madaxweyne ku xigeen dalkaasi ka noqotay.

Francia Marquez oo ah haweeney madow ah oo hataan madaxweyne ku xigeenka dalka Colombia loo doortay waxay horay u soo ahayd hooyo shaqaala guri soo noqotay, nolol aad u hooseysana soo martay.

Qayb nolosheeda ka mid ahna waxay ka mid ahayd haweenka danyarta ee macdanta qoda.

Francia xilli ay olole ku jirtay

Francia oo 40 jir ah waxay leedahay taariikh nololeed ka duwan siyaasiyiinta horay xilkaasi soo qabtay.

Kama soo jeeddo qos siyaasadda dalka Colombia caan ka ah ama bulshada si weyn uga dhax muuqda.

Dalka Clombia oo ay ku nool yihiin bulshooyin kala duwan haddana siyaasadda dalkaasi waxay gacanta ugu jirtay siyaasiyiin caddaan ah oo ka soo jeedo qoysas caan ah ama taajir ah.

Hay’ad xuquuqda dadkaasi u doodda waxay sheegtay 2012-kii oo keli ah in la dilay 138 qof oo dadkaasi ka mid ah, tiradaasi oo dalka Colombia ka dhigeyso dalka seddexaad ee dunida oo ay dilalka ugu badan ka dhacaan.

Francia lafteed 2019-kii waxay k abadbaadday iskuday dil kadib markii dabley aan heybtooda la garaneyn ay rasaas ku fureen xilli ay ku sugneyd magaalada goob ay ku sugneyd magaalada Santander de Quilechao.

Francia iyo Petro

Bishii April 2021-kii ayey Francia si rasmi ah u shaacisay iney u tartameyso kursiga madaxweyne ku xigeenka.

Ugu dambeyntii Francia iyo Pedro oo ay labaduba siyaasaddoodu tahay bidixda ayaa madaxweyne ku xigeen ka noqday dalka Colombia.

“Waxay ila tahay inaan dadkeyga iyo dalkeygaba u caddeeyey mowqifkeyga… maxaa yeelay 4 sano laguma baddali karo dayacaad shan boqol oo sano jirsatay, waddan ahaanna waa inaan ku dadaalnaa sidii aan horumar u gaari laheen inta karaankeenna ah, dad aaminsan inaan awood hoggaamineed laheenna waxaan idiin sheegayaa inaan ficil ahaan waxbadan idinku tusi doono,” ayey tiri Frnacia Marquez.

Dalka Colombia oo ay ku nool yihiin  dad ka badan 50 malyan oo qof waxaa la haray  dagaallo jabhadeed iyo kooxo hubeysan oo maandooriyaha  caalamka u kala goosha ka ganacsada ooo dalkaas xaruumo ka sameysta

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*