27th July 2024  admin  Category :

Beel-weynta Geri Koombe oo uu ugu horeeyo Garaadka Guud ee beesha Geri, Garaad Cabdimaalik Garaad Cali Garaad Dalal ayaa casuumad weyn iyo maamuus u sameeyey ergadii beelaha walaalaha ah, waxaa kaloo goobta fadhiyey Garaadka Guud ee gobolada SSC iyo Bariga Doolo, Islaan Ciise iyo isimo kale.

Hablaha beesha Geri ayaa soo dhoweyntii halhays ka dhigay erayga ah”Hartiyow ku tebey.” Sidoo kale, Garaad Cabdimaalik ayaa jeediyey dardaaran dheer iyo wacyi-gelin, una mahadnaqay madaxweynaha is-maamulka Soomaalida mudane Mustafe.

Beesha Geri ayaa ah beeshii ugu horeysey ee yeelata saldanad, una qabatay hogaanka beelaha Daarood, wuxuuna deegaankoodu ahaa gobolada Sanaag, Nugaal, Sool iyo Bari. Garaad Cabdimaalik awoowayaashii sida Garaad Mataan Garaad Cismaan Garaad Khaalid wuxuu ahaa abaaduulihii ciidamadii Axmed Gurey 1487-1543, wuxuuna ahaa madax-dhaqameedka keliya ee ku dhintay dagaalkii lagula jiray xabashida. Dadka taariikhda baadhaana waxay sheegaan inuu Axmed Gurey ka soo jeedo beesha Geri.

Garaad Cali Garaad Dalalna wuxuu ahaa garaadkii la dagaalamay Xayle Salaase kadib markii uu diiday cashuurtii, Garaad Aadan Garaad Kooshina wuxuu ahaa garaadkii ugu awooda badnaa Soomaalida Itoobiya 1856-kii, waxaana qoray oo buuggiisii ku sheegay Richard F Burton(the first foot-steps in East Africa). Garaad Cismaan Garaad Cali Dalalna wuxuu ahaa aasaasihii iyo hogaamiyihii ururkii SYL ee Soomaali Galbeed 1942. Beesha Geri waa beesha keliya ee maalin keliya 7 qofood oo xornimo doon ah lagaga deldelay magaalada Jigjiga.

Beesha Geri ayaa ilaa hadda dagaal ba’an kula jirta qoomiyada Oromada kuwaas oo difaacaya dhulka iyo karaamada reer Soomaali Galbeed, waxaana ilaa hada dagaalka kaga dhintay 173 qofood, wuxuuna Garaad Cabdimaalik u soo gurmaday inuu kala badbaadiyo beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamay Dhumay iyadoo uu meydkoodu yaalo jiidaha hore ee ay beesha Geri kula dagaalmayso Oromada.

Garaad jir oo joog, waanuna kuu haynaa abaalka, wuxuuna maanta Dhulbahanate ogaaday inuu leeyahay adeer oo ah Geri, walaal oo Ogaadeen ah iyo abti oo Jidwaaq ah, waayo 80% Dhulbahnate wuxuu ka soo farcamay Jidwaaq.
By farah jibaar

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*