26th July 2024  admin  Category :

Faysal Cali Waraabe oo inta badan ah shaqsi isku dhex yaacsan oo duul-duul badan ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeeray Dawladda Federaalka ee Soomaaliya oo ay kaga hor timid heshiiskii ay kalla saxiixdeen Shirkiadda DP World, Itoobiya iyo beesha isaaq.

Faysal ayaa sheegay ineeysan wax dawlad federaal la yiraahdaa aysan ka jirin dalka Soomaaliya, laakiin ay tahay uun magac la sameeyay. Faysal oo aan adduunka cidina ictiraafsaneen beeshiisa ayaa isku arka ineey beeshiisa Isaaq ay tahay dawlad madax bannaan.

Sidoo kalle, Faysal wuxuu aflagaadeeyay Ra’iisal Wasaare Kheeyre iyo Wasiirka Dekkedaha, isagoona adeegsaday hadalo uu doonayo inuu isaga hor keeno beelaha Hawiye iyo Daarood.

Waxaana dhab ah in Hargeeysa ay ka mid tahay Dawladda Federaalka ee Soomaaliya, mana jirto wax heshiis ah oo ay la gelli karto dawladdo kalle, iyadoon DF ka heesan wax oggolaansho ah.

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*