22nd December 2024  admin  Category :

Cali Khaliif ayaa ka anba baxay maanta magaalada Hargeeysa, waxa uuna sheegay inuu ku sii jeedaa magaalada Muqdisho, balse waxa uu sheegay in uu ku soo noqon doono magaalada Hargeeysa, oo uu doonayo in la dhameeystiro heshiiskii uu la galay maamulka Hargeeysa. Cali ayaa sheegay in Muqdisho uu u tagayo arrimo isaga gaar u ah.

Cali Khaliif oo heshiis horey ulla gallay maamulka Hargeeysa, ayaa heshiiskaas aan la fullin gebi ahaantiisba, wuxuuna noqday mid aan meeshiisa aan laga qaadin, marar badana ayuuna ku celceliyey in la fulliyo heshiiskii lala galay; sidoo kalle, wuxuu codsaday in la furo dastuurka ay sameeysteen SNMta,lagana dhigo mid la wadda leeyahay, hase ahaatee, arrintaas iyada ah cid dheg jalaq umma siin.

 Hadaba, dadka badankiisa ayaa aaminsan ineeysan jirin sabab Calif Khaliif ku kallifeeysa inuu ag fadhiyo SNMta, maadaama iyaga ay yihiin dadka goosashada u oomin, iyaga ayeeyna aheed ineey dadka baryaan oo goosashada ka dhaadhiciyaan, ogolaadaana wax badan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*