26th April 2024  admin  Category :

Dawladda federaalka ayaa soo saartay wax ay ugu yeertay hab raac cusub oo ku saabsan qaabka loo qabanayo doorashada Jubaland.

Hadaba, hadalkaas ka soo yeeray dawladda, waxaa ka hor yimid maamulka Jubaland oo ku sheegay warqada ka soo baxday dawladda federaalka mid baalmarsan  dastuurka dalka.

Sida aan la socono, doorashada Jubaland ayaa dhacday mar horre, waxaana mar kalle la soo doortay madaxweeyne Ahmed Islaam, caleema saarka madaxeeynaha ayaa la fillayaa inuu dhaco maalinta Arbacda ah ee nagu soo aadan.

Hadaba, dawladda federaalka ayaa u muuqata mid jahwareertay oo ku dhaw ineey iyadu is qarxiso, waxeeyna isku dayday wax kasta si ay Jubaland u geeyso nin ay iyadu wadato oo la mid ah midka ay geesatay magaalada Baydhabo.

Waxaa iyana jirta in beesha caalamka ay oggaadeen in dadka degan Jubaland aysan jirin cid cabaneeysa, balse cida cabaneeysaa ay tahay Farmaajo iyo Kheeyre iyo kooxda ay soo dirsadeen sida Xidig iyo Seereer.

 Si kastaba ha ahaatee, Farmaajo iyo Kheeyre ayaa raadinaya sidii ay ku soo noqon lahaayeen doorashada soo socota ee ka dhici doonta dalka, iyaga oo aan wax la taaban karo qaban, sameeyey musuqmaasuq, dad ku laayey magaalad Baydhabo, dastuurkii dalka dhinac maray, iibsaday baarlamaankii dhamaa ee dalka, faragellinta doorashooyinka gobolada iyo burburinta nidaamka lagu soo heshiiyey ee federaalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*