29th March 2024  admin  Category :

Madaxweyne ma lagu noqon karaa Cumar iyo Ciisaa ayaa soo qabtaye  ee waa markayagii?

Musharax marka uu xil u tartamayo oo uu  cod ka doonayo Buslshada meel kasta ay  caalamka  ka joogeen  , labo qodob ayuu u  cuskadaa tartankiisa  oo xoog ku  saaraa   musharaxnimadiisa

Qodobka kowaad, haddii uu yahay nin ku cusub siyaasadda ama musharaxnimadiisu   tahay markii ugu horaysay wuxuu sameeyaa balan qaadyo  uu kaga duwan yahay qofkii xilka horay  u hayey ama kan  markaa la tartamaya.

Qodobka labaad, ee  uu musharaxa tartamayaa   cuskado ayaa  ah kan ugu xooga badan oo musharaxiintu cuskadaan,  inta badana waa lagu doortaa  Musharaxaas tartamaya ,  waana isaga oo soo bandhiga  “wax qabad uu horay u qabtay  oo uu   wax ka bedelay arimaha dhaqaalaha, siyaasadda  iyo arimaha  bulshada, haddii ay ahaan lahayd waxbarashada iyo caafimaadka

Musharaxiinta u tartamaya xilka madaxweynaha Puntland 2019, intooda badan waa  haraagii xisbiga Jaamac Cali Jaamac, uuna hadda hormuudka ka  yahay Siciid Deni.

Siciid Deni , waa wasiirkii hore ee Qorshaynta ee dawladdii madaxweyne Xasan Culusoow, marka uu xilka hayey wasaaradaas waxa ku shaqaysan jiray dhlinyaro. Hal mashruuc kama hirgdelin degaanada Puntland

Said Deni waa siyaasiga kaliya ee Puntland kasoo jeeda oo kasoo horjeeda nidaamka fadaraalka ee Soomaaliya ay qaadatay, isagoo u adeegaya Kooxda DAMUL JADIID.

Xiligii Said Deni uu ahaa wasiirka Qorshaynta, kooxda DAMUL JADIID waxay diyaariyeen mu’aamarad marin habaabin ah oo ay ku shegeen qiyaas Tirokoobeed ay Soomaaliya ka diyaariyeen, qiyaas beeneedkaas oo ay Puntland ku sheegeen in 2.2 milyan ay ku nool yihiin halka ay yiraahdeen magaalada Muqdisho waxa ku nool 3.5 milyan.

Siciid deni, Xilligii uu wasiirka ahaa iyo maanta marna afkiisa lagama maqal gobolada Sool iyo Sanaag.

Ugu danbayntii Siciid deni musharaxnimadiisu kuma salaysna  wax qabad uu horay u soo  qabtay, iyo balan qaad uu u samaynayo Bulshada reer Puntland. Sababta qura oo uu aaminsan iyahay in lagu dooranayo ama ay ku salaysan tahay musharaxnimadiisa inuu madaxweyne ka noqon karo Puntland ayaa waxay tahay ” Waa markii hogaanka  Cismaan Maxamuud xilka qaban lahaa, mar haddii ay ugu danbaysay Allah ha u naxariistee Cade Muuse

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*