24th November 2024 admin Category :
Madaxweyne ma lagu noqon karaa Cumar iyo Ciisaa ayaa soo qabtaye ee waa markayagii?
Musharax marka uu xil u tartamayo oo uu cod ka doonayo Buslshada meel kasta ay caalamka ka joogeen , labo qodob ayuu u cuskadaa tartankiisa oo xoog ku saaraa musharaxnimadiisa
Qodobka kowaad, haddii uu yahay nin ku cusub siyaasadda ama musharaxnimadiisu tahay markii ugu horaysay wuxuu sameeyaa balan qaadyo uu kaga duwan yahay qofkii xilka horay u hayey ama kan markaa la tartamaya.
Qodobka labaad, ee uu musharaxa tartamayaa cuskado ayaa ah kan ugu xooga badan oo musharaxiintu cuskadaan, inta badana waa lagu doortaa Musharaxaas tartamaya , waana isaga oo soo bandhiga “wax qabad uu horay u qabtay oo uu wax ka bedelay arimaha dhaqaalaha, siyaasadda iyo arimaha bulshada, haddii ay ahaan lahayd waxbarashada iyo caafimaadka
Musharaxiinta u tartamaya xilka madaxweynaha Puntland 2019, intooda badan waa haraagii xisbiga Jaamac Cali Jaamac, uuna hadda hormuudka ka yahay Siciid Deni.
Siciid Deni , waa wasiirkii hore ee Qorshaynta ee dawladdii madaxweyne Xasan Culusoow, marka uu xilka hayey wasaaradaas waxa ku shaqaysan jiray dhlinyaro. Hal mashruuc kama hirgdelin degaanada Puntland
Said Deni waa siyaasiga kaliya ee Puntland kasoo jeeda oo kasoo horjeeda nidaamka fadaraalka ee Soomaaliya ay qaadatay, isagoo u adeegaya Kooxda DAMUL JADIID.
Xiligii Said Deni uu ahaa wasiirka Qorshaynta, kooxda DAMUL JADIID waxay diyaariyeen mu’aamarad marin habaabin ah oo ay ku shegeen qiyaas Tirokoobeed ay Soomaaliya ka diyaariyeen, qiyaas beeneedkaas oo ay Puntland ku sheegeen in 2.2 milyan ay ku nool yihiin halka ay yiraahdeen magaalada Muqdisho waxa ku nool 3.5 milyan.
Siciid deni, Xilligii uu wasiirka ahaa iyo maanta marna afkiisa lagama maqal gobolada Sool iyo Sanaag.
Ugu danbayntii Siciid deni musharaxnimadiisu kuma salaysna wax qabad uu horay u soo qabtay, iyo balan qaad uu u samaynayo Bulshada reer Puntland. Sababta qura oo uu aaminsan iyahay in lagu dooranayo ama ay ku salaysan tahay musharaxnimadiisa inuu madaxweyne ka noqon karo Puntland ayaa waxay tahay ” Waa markii hogaanka Cismaan Maxamuud xilka qaban lahaa, mar haddii ay ugu danbaysay Allah ha u naxariistee Cade Muuse