27th March 2024  admin  Category :

Hanti dhowrka Qaranka Soomaaliyeed  oo  si sharci daro ah xilka  looga qaaday?

Hanti dhowrkii Qaranka  Soomaaliyeed Nuur Faarax, oo dhowaan ilaaladiisu dileen Allah u naxariistee Wasiirkii hore Howlaha Guud Cabaas Sheekh Cabdullahi Siraaji, ayaa xilkii waxa looga qaaday si sharci daro ah, oo lagu deg degay

Hanti dhowrka oo howshiisa Qaran si fiican u gudanayey ayeey ahayd , in marka hore lagu sameeyo shaqo ka  fariisin aan lacag la siinayn , inta baaritaanku sida wax dhaceen uu  socdo.  Markaa ka dib ayeey  haddii uu denbi galay in denbigaas  sharciga la hor geeyo, shaqadana laga eryey haddii denbiile noqday

Hanti dhowrka Soomaaliyeed Nuur Faarax, wuxuu ahaa shaqaale xilka uu Qaranka Soomaaliyeed uu  u hayey aad  u sareeyey , sidaas awgeed waxay ahayd in Guddi  baaritaan ah oo heer Qaran ah loo saaro arintiisa

Ugu danbayntii Baaritaan aan laga samayn sida shilka u dhacay iyo natiijo Booliis oo aan soo bixin in madaxda Soomaaliyeed kuwooda ugu sareeya inay xilka ka qaadaan Hanti dhowrkii Qaranka  waa sharci daro, iyo awoodda dawladda oo lagu tarki falayo

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*