24th December 2024 admin Category :
Hanti dhowrka Qaranka Soomaaliyeed oo si sharci daro ah xilka looga qaaday?
Hanti dhowrkii Qaranka Soomaaliyeed Nuur Faarax, oo dhowaan ilaaladiisu dileen Allah u naxariistee Wasiirkii hore Howlaha Guud Cabaas Sheekh Cabdullahi Siraaji, ayaa xilkii waxa looga qaaday si sharci daro ah, oo lagu deg degay
Hanti dhowrka oo howshiisa Qaran si fiican u gudanayey ayeey ahayd , in marka hore lagu sameeyo shaqo ka fariisin aan lacag la siinayn , inta baaritaanku sida wax dhaceen uu socdo. Markaa ka dib ayeey haddii uu denbi galay in denbigaas sharciga la hor geeyo, shaqadana laga eryey haddii denbiile noqday
Hanti dhowrka Soomaaliyeed Nuur Faarax, wuxuu ahaa shaqaale xilka uu Qaranka Soomaaliyeed uu u hayey aad u sareeyey , sidaas awgeed waxay ahayd in Guddi baaritaan ah oo heer Qaran ah loo saaro arintiisa
Ugu danbayntii Baaritaan aan laga samayn sida shilka u dhacay iyo natiijo Booliis oo aan soo bixin in madaxda Soomaaliyeed kuwooda ugu sareeya inay xilka ka qaadaan Hanti dhowrkii Qaranka waa sharci daro, iyo awoodda dawladda oo lagu tarki falayo
ALLSANAAG.COM