29th March 2024  admin  Category :

Waa gabar, ka soo jeeda Degmada Dahar , hal waalid ayaa soo korsaday. Hadana waxay ka mid noqotay tobankii arday ee ugu  natiijada sareeyey  imtixaanaadkii  dugsiyada sare ee dhowaan laga qaaday dugsiyada  Puntland

Qoraalkan hoose waxa qoray Neshaa Ibaahim,  oo ka qalin jabisay dugsiga sare ee degmada  Dhahar ee gobolka Hayland, kana mid noqotay  tobonkii arday ee ugu natiijada sareeyey dugsiyada Puntland

Marka hore ilaah baa mahad oo dhan iska leh , marka xigana cidii igu soo tabacday oo isoo saartay , labadayda waalid gaar ahaan aabahay qaaliya ibrahim oo an nasiib uyeeshay in uu noqdo rafiiqayga safarkayga nolosha dhammantii , waxan naxariis ubaryaya hooyaday katagtay noloshan 9 sano kahor waxaan hubaa in ay sidaa si kadaran i garab istaagi ahahyd , iyo sidi ay isoo barbaarisay oo anan ilaawi karin marna , waayo markasta waxay kunooshahay qalbigayga talooyinkedi iyo dhambaaladii jacaylka iyo dhiirigelinta ahaa ay isiisay na waa waxay ila socon doonan inta noloshayda kadhiman.
Walaalahay dhamman asxaabtayda markasta garabkayga taagan  aanan rabin in aan magacina xuso si ilowsha darradayda aan kabaqayo in aan idin kala halmaamo , hadii aan idin xuso na waxan ogahay in ay qaadan donto waqt badan iyo space aad u ballaaran.
Guud ahaan macallimiintaydii wax isoo baray 4 sano ee udambeysay aan high schoolka ahaa
waxaan hambalyo usoo jeedin guud ahaan ardaydii dhigayga ahayd ee dhammaan iskuulada puntland gaar ahaan ardayda 11 ah ee usarreyay hambalyo kalena waxan udirin ardaydiu ila classmate ka ahaa hambalyo baan idin leeyahay , Siiba Abdikariim Siciid Shabeele,  oo kamid ahaa isna ardayda top10 ka anuna isku class ahayn afartaas sano , dadaalkagii mirihiisi maanta waanu haynaa halka kasoco walaalkay  waxaan raba in aan mahdiyo asxaabta aan aqaan iyo kuwo aanan aqoon oo isku taxalujiyay in ay isoo hambalyeyaan aad baad ugu mahadsantihiin dhammaantiin posts kiini comments kiina iyo messages kiini aad ka uqurux badnaa  Ilaah ha idin sharfo walalayaal. Dhambaalkayga an udirayo ardayda iga dambeysa , gaar ahaan gabdhaha Waxkasta waad samayn karta hadii aad aaminto keliya in aad samayn karto , Waxkastana waad qaban karta hadii aad go’aansato in aad qabato  layimaada go’aan iyo dadaal inshallah waad gaari doontan waxkasta oo aad rabtaan
Guul baan idin rajayn dhammaantiin
Q: Nashaad Ibraahim

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*