1st February 2023  admin  Category :

Hambalyada Siyaasiyiinta Dal udug ee 18-May-2021 Oo ah Maalinta somaliland ay ka go’day Somalia ma saaqidnimo siyaasadeed baa mise waa ilbaxnimo siyaasadeed iyo talaabo hore loo qaaday?! YAA Noo sheegi kara heshiiska cusub ee ka dhex curtay puntland iyo somaliland oo aysan ogayn Agoonta ku nool SOOL IYO SANAAG!!!!?

Mar hadii Xukuumadda puntland aysan qaadi karayn talaabo ku aadan siyaasiyiinta Garoowe uga ololayneysa Somaliland, Maxaa la gudboon Ciidamada Fadhiya xuduudaha gobolka sool iyo sanaag oo caruurtoodii iyo xaasaskoodii aan arag Mudo sanado ah kuna maqan inay puntland KA difaacaan Cadawga?!

SANADKII HORE ayey ahayd Markii reer Sanaag Ay Muujiyeen Maqaamkooda siyaasadeed ee ku aadan puntland &somaliland, markii taasi dhacday Ma garawsan DOONAAN. reer sanaag in siyaasyiinta puntland u waydaartaan Halkii shalay ay ka yimaadeen Maxaase la gudboon Sool iyo sanaag Oo maanta aad moodid inay xaqooqooyin qarsoonaa indhaha saareen?.

MAR HADII GAROOWE IYO XUKUUMADDA JIRTA HADDA AYSAN DANBI KA AHAYN SOMALILAND TAAGEERADEEDA, OGAADA BADHAN, LAASQARAY, DHAHAR iyo inta Kale ee sanaag DANBI KAMA AHA SOOMALILAND DADKEEDAMA LAGUMA FAQUUQI KARO LAGUMA XIDHI KARO LAGUMA DILO KARO?

MARKA WIXII KA DHACAY 18 MAY Puntland gudedeeda laga jawaabo AYEYNU NOQONAYAA PUNTLAND HAL HADAF LEH OO HAL WAX HIGSANAYSA HADIISE AY TAASI DHICI WAYDO OGAADA KHAAYINIMO SIYAASADEED KUMA WADA NOOLAAN KARNO EE #WAA BAA #BERYEY#BILICSAN#AROORYO#SUUBAN#MAALIN#BAXSANHon.Abshir Said salah. Siyaasiga samataliska ah ee soomaaliyeed

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*