10th November 2024 admin Category :
Inta badan beesha Cismaan Ugaaryahan ee Dubeys, ayaa isku raacday in Yuusuf Xaaji Siciid Madaxey uu noqdo Xubinta uga mid noqonaysa Baarlamaanka soo socda ee Puntland.
Aqoonyhan Yuusuf Siciid Madaxey, oo ahaa gudoomiyihiin ugu horeeyey ee Baarlamaanka Puntland, ayaa hadduu xubinta Xildhibaanimada Beeshiisa helo, waxay u badan tahay inuu noqdo gudoomiyaha soo socda ee Baarlamaanka Puntland.
Yuusuf Siciid Madaxey, oo Barbaarinta waxbarashada caruurta Soomaaliyeed iyo siyaasdda ku soo dhex jiray 55 sano ayaa kursiga Xildhibaanka beesha Cismaan Ugaaryahan waxa kula tartamayey dhalinyaro aan khibrad badan lahayn. Waana sababta keenta in hadda beesha uu ka soo jeedo intooda badani ay Yuusuf u doonayaan inay u diraan Garowe
ALLSANAAG.COM