17th January 2022  admin  Category :

Madaxweyne Farmaajo  ayaa Markii shirkii labaad ee uu iclaamiyey  fashilmay u daawasho tegay  K ubbad lagu ciyaarayey Xaafadda Waaberi oo ka mid ah xaafadaha gobolka Banaadir oo qaybo ka mid ah dawladiisu ka shaqayso

Waxaa mar kale baaqday shirkii labaad oo uu bul gudahood ku baaqo Madaxweyne Farmaajo, iyadoo khilaafka u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada uu sabab u noqday labo shir oo Madaxweynuhu ku baaqo inay ka dhici waayaan magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa 22-kii bishan war saxaafadeed Madaxtooyada ka soo baxay lagu shaaciyay shir degdeg ah oo la isugu yeeray Madaxda is khilaafka ee Galmudug, si loo dhex dhexaadiyo, loona xaliyo khilaafka ka dhex taagan.

Shirkan oo lagu waday inuu maanta oo taariikhda tahay 24 September ka dhaco Madaxtooyada Villa Somalia ayaa waxaa diiday inuu ka qeyb galo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf, kaddib qoraal laga soo saaray xafiiskiisa ayuu ku sheegay in aanay jirin Madax Galmudug oo is khilaafsan, dhibaatadana laga soo abaabulo Madaxtooyada.

 

Madaxweyne Farmaajo ayaa 8-dii bishan September isugu yeeray Shir wadatashi ah Golaha Amniga Qaranka oo ay xubno ka yihiin Madaxda dowlad Goboleedyada, iyadoo laga duulayay war murtiyeedka ay ka soo saareen shirkoodii Kismaayo, isla markaana ku hakiyeen wada shaqeyntii dowladda Federaalka.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*