1st May 2024  admin  Category :

Dawladda Soomaaliya oo sheegtay inuu xaaraan ahaa  heshiiskii ay wada galeen  Somalida neceb midnimada ee SNM, Itoobiya iyo Dp World

Waxaa warbaahinta lagu baahiyay in uu jiro heshiis ku saabsan maalgashiga Dekedda Berbera
kaasoo u dhaxeeya Shirkadda DP World oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta iyo
Dowladda Federaalka Itoobiya.
Sida u qeexayo heshiiska warbaahinta lala wadaagay, shirkadda DP World ayaa yeelanaysa
saami dhan 51%, Somaliland 30%, halka Dowladda Itoobiya ay yeelanayso 19%.
Wasaaradda Dakadaha iyo Gaadiidka Badda, oo wakiil uga ah arrimaha dekadaha dalka oo
dhan Xukuumnadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay caddeynaysaa;
1. In Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan qeyb ka ahayn, cidna aysan u wakiilan in
heshiiskaas lala saxiixdo Shirkadda DP World.
2. In heshiiskaas uu lid ku yahay midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed
3. In habraaca loo maray heshiiskaas uu yahay mid aan waafaqsanayn Dastuurka Ku meel
Gaarka ah iyo shuruucda kale ee uu yaalla Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Sidaas darteed, annaga oo cuskanayna qodobada kor ku xusan, waxay Wasaaradda Dekedaha
iyo Gaadiidka Badda caddeynaysaa in uu heshiiskaasi yahay mid waxba kama jiraan ah,
waxayna ka digeysaa heshiisyada noocan oo kale ah ee baal marsan shuruucda dalka iyo kuwa
caalamiga ah.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweynaysaa cid walba oo dooneysa in ay
maalgashi ku sameysato khayraadka iyo kaabayaasha dhaqaalaha dalka, hase yeeshee waxay
caddaynaysaa in haya’daha dustuuriga ee dalka oo kaliya, sida Xukuumada Federaalka iyo
Baarlamaanka Federaalka ay yihiin kuwa keliya ee ku shaqada leh go’aan ka gaarista iyo
ansixinta heshiiskan iyo kuwa noociisa ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*