26th July 2024  admin  Category :

Shuruudda lagu xiray in Warsangeli iyo Dhulbahante ay  Xiildhibaano ka helaan  aqalka sare  waa mid aan caddalad ahayn  dastuurka Soomaaliyeedna  ka hor imanaysa

Beelaha Warsangeli iyo Dhulbahante  in Xildhibano ka helaan Aqalka sare waxa lagu xiray oo xujo looga dhigay

In Maamul goboleed kasta  uu   helo Sadxe xildhibaan oo kale

In beesha Fiqi shini oo ah beesha qura oo Hawiye ka degta waqooyiga Soomaaliya xaafad ka mid ah magaalada Adhicadeeye ee Gobolka Sool ay iyaguna ka helaan Aqalka sare  hal Xildhibaan. Maamul goboleedyada  sadexda Xildhibaan ee loogu daray  mid ka mid ah waxa loo qoondeeyey beesha Shanaad,

Hadaba Xildhibaanaddi Sool iyo Sanaag ee maqnaa  xagee la geeyey?

Sadexdii Xildhibaan ee Sool iyo Sanaag ee ka imanayey waqooyiga Soomaaliya, labo ka mid ah waxa hadda  lagu daray Puntland. Halka Dirta waqooyi sadexddii Xildhibaan oo horay ugu  maqnaa loogu daray sadex kale oo siyaado  ah, maanta waxay haystaan 14 Xildhibaan oo Hawiye iyo Raxanweyn u xalaaleeyeen, oo Irirsamaale qura u gooniya. Beesha Dhulbahante oo ugu badan gobolka Sool xildhibaanadoodii waxa lagu daray Puntland. Halka beesha Fiqi shini oo xaafad ka degan gobolka  Sool iyaga Xildhibaan Irir samaala ahaan loogu  macmalay  loogu daray waqooyiga Soomaaliya.

Hadaba yaa dhacan oo afka ciida loo daray?

Maamulka Puntland ayaa dhacan oo afka ciida loo daray, sababtuna waa

Maamulka Puntland ee ka kooban Gobolada Sool, Sanaag, Bari, Nugaal , inta badn Mudug iyo degmada Buuhoole waxay ka haystaan aqalka sare 14 Xildhibaan. Halka Nus Mudug ah, Galguduud Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe ay ka  haystaan  Aqalka sare 22 Xildhibaan. Sidoo kale sadexda gobol ee Togdheer, Waqooyi galbeed iyo Awdal ayaa isku xildhibaano ah Puntland. Waxayna haystaan 14 Xildhibaan.

Ugu danbayntii madashii horeee Soomaaliya,  gobolada waqooyi waxa loogu daray sadex Xildhibaan, si gobolada Sool iyo Sanaag saamigooda oo sadex xildhibaan ah  u siiyaan, Maanta madashu mar labaad 18 xildhibaan ayaa maamul goboleedyada loogu daray si gobolada Sool iyo Sanaag saamigooda u helaan. Madashii go’aamadan lagu go’ynayey waxa fadhiya bulshada caalamka oo Sool iyo Sanaag ku sheegta inay  dhul laysku hayso. Hadaba haddi xildhibaanaddi aqalka hoose iyo aqalka sare  ee labada gobol ee Sool iyo Sanaag ay ka soo baxeen Puntland. Waa in la sameeyaa xujo ah  ah  doorasho  Puntland ka dhicin  inta Bulshada caalamku ay ka aqoonsanayaan Sool iyo Sanaag halka ay raacsan yihiin iyo halka loo soo marinayo kaalmooyinka caalamku ugu deeqo

ALLSANAAG.COM

Allsanaag.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*