25th October 2024  admin  Category :

HAG iyo siyaasadooda fashilka ah oo ku salaysan bur bur iyo been abuur

Dhowr sano ka hor markii ololaha loogu jiray in la dhiso maamulka Jubbaland, si bulshada halkaa degani ay  u helaan maamul wanaag,  kala danbayn iyo amni. Siyaasiyiinta beesha Hawiye waxay bilaabeen oo ay ku soo qori jireen websityadooda hadalkan ” Aduunka dhow federaal ayaa ka  jira inaga kee qaadanay, iyo waa in aan ogaanaa federaalka aynu qaadanay kuu yahay ma Federaalka Maraykankaa, ma kan Cabadaa mise waa kan Talyaaniga. Hal didaysaa geed ay ku xogato ma waydee. Ujeedadau ma ahayn Federaal la kala dooranay ee waxay ahayd mucaaradnimo  ay ku diidanaayen in maamulka Jubbaland hirgalo . Maanta waan ogaanay federaalka siyaasiyiinta HAG ay doonayaan, inuu yahay  federaal aan aduunka horay u soo marinn, waa federaalka loogu tartamayo  doorashooyinka ka socda  Galmudug iyo Hirshabeele oo ku salaysan musuqmaasaq iyo isdaba marin.

Siyaasiyiinta HAG markii ay ku fashilmeen oo ku guul daraysteen  inay hor istaagaan maamulkii Jubbaland, waxay bilaabeen inay soo camiraan iyagoo kumaakun ah xafaladihii Khaatumo iyaga leh waa idin garab taaganahay. laakiinse Ujeedadoodu ahayd cid kasta oo maamulka Puntland burburinaysa waa garab taaganahay. Siyaasiyiinta HAG, federaalka ay doonayeen oo ay ku taageerayeen Khaatumo   waa kan maanata ay ku taageerayaan in Xildhibaanada Aqalka sare ee gobolada Sool iyo Sanaag loo gacan geliyo maamulka doonaya in Soomaali inteeda kale ka go’aan. Ilaa maanta ma jiro siyaasi ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya oo ka hadlay caddalad darada ka jirta waqooyiga Soomaliya.

Maanta HAG  iyo websityadoodii waxay bilaabeen inay qoraan  Gudoomiyaha Barlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa lagu bahdilay garoonka Garoowe. Waa mar kale iyo aqoon la’aanta siyaasiyiinta HAG ka haysata dawladnimada.

Gudoomiyaha baarlmaanka Puntland markii uu  soo gaaray Garowe wuxuu la socday diyaaraddii siday Ra’iswasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid, sidaas awgeed baratakoolka dawladnimo ee ka shaqeeya Caalamka oo dhan  iyo Puntlamd  waxa mudanaanta la siiya qofka uga daraja sareeya wafdiga halkaa amaraya,  wafdigii Raisawasaaraha waxay isugu jireen wasuiiro, Xildhibaano federaal iyo Puntland ah iyo gudoomiyaha baarlamaanka  Puntland Axmed Cali Xaashi. Dhamaantoodna waxa garoonka ku soo wada  dhoweeyey Mdaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas sida uu noo sheegay gudoomiyaha Baarlamaanku. Waa caadi in mudnaanta garoonka Garoowe la siiyo ninka ugu darajada sareeya wafdiga halkaa soo gaara. Halka Muqdisho “Caasimadda”  mudnaanta la siiyo Odayaasha Hawiye iyo alshabaab.

Ugu danbayntii  nin qori AK47 ah  qaran  dhan ku dumiyey ama ku burburiyey  qoraal uu qoro oo been ah kama xishoonayo ama idaacadda VOA iyo BBC oo uu been ka qulaamiyo

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*