27th July 2024  admin  Category :

Hilaac: Doojeeyoow ninka la yiraah Ahmed Macalin Fiqi muxuu shiikh Baaruud ku maagay?

Doojeey: oo muxuu ku yiri shiikha?

Hilaac: Markii horre shiikh Baaruud ayaa yiri ma oggolaaneeno mooshin danbe oo qaranka lagu burburinayo, cidii taas la timaadana aniga iyo shacabka ayaa ugu tagaane meelaha ay joogaan oo dabadeedna garaaceena.

Doojeey: Hadalkaas umma muuqdo mid qof gaar ah lagu weeraray ee maxaa ka hadalsiiyey ninka Fiqi la yiraahdo?

Hilaac: Ninka Fiqi la yiraahdo waa qolyaha mooshinka la sheegayo qeeybta weeyn ka ah ee ajaanibta lacagta kaga soo qaatay.

Doojeey: Sidee ku oggaatay inuu qeeyb ka yahay qolyaha mooshinleeda?

Hilaac: waxaa kuu cadeeneesa inuu mooshinle weeyn yahay sababta hadalka  sheekha  hadalkiisa uu ugga gubtay.

Doojeey: Fiqi muxuu ku jawaabay?

Hilaac: wuxuu ku jawaabay in shiikha hadalkiisa uu ahaa mid isugu jira, “kicinta, goodinta, nacayb abuurka & xaalad aan jirin abuurka kuna wajahnaa xildhibaanada labada gole ee dawladda Federaalka ah, Hadalka Sheekhu ma ahayn mid ku qotoma arin jirta, wuxuu ahaa mala-awaal iyo buunbuunin been kooxo dawladnimada diidan ay abuureen, Sh. Baaruud inuu hadalkaas aan munaasibka ahayn ee ka dhacay uu ka soo noqdo, kana cudurdaarto.”

Doojiya: Soomaalida waxeey tiraahdaa, “Farta iyo meesha bugtaa is og” tuuga qofka ah haddii dhegahiisa ay ku soo dhacdo eray ka billoowda t haddii aad tiraahdo sida Tijaabo, Taleefan, Tusbax wuxuu moodayaa in isaga laga hadlayo maadaama uu tuug yahay. Marka kuwaan mooshinleedana waa tuugaas oo kalle oo dhagareesan, marka weey dhibeeysaa kalmadda mooshin cidda wax ka sheegta.

Hillaac: Laakiin waxaa si fiican ugga jawaabay ninka la yiraah Ca/kariin Gulleed oo madaxweene ka soo noqday maamulka Galmudug.

Doojiye: oo muxuu yiri?

Hillaac: Wuxuu yiri:

Wadaadka ha laga Xishoodo isaga oo hadlkiisa sii watana wuxuu yiri Ca/kariin Guuleed:

Sheekh Nuur Baaruud oo ah Caalim Cimrigiisa ku soo dhameystay Fidinta Diinta iyo Garab istaagga Umadda hadalka uu jeediyey uma maleynayo inuu ahaa hadal uu cid gaar ah ku taageerayey cid gaar ahna uu kaga soo horjeeday sidaas markaan leeyahay waxaan eegayaa aqoonta dheer ee aan Sheekh Nuur u leeyahay iyo Mowqifyadiisii Marxaladihii la soo maray tusaale ahaan:
1.Xiligii Kacaankii Maxamed Siyaad Barre Waxuu ka mid ahaa Sheekhu dadkii hor istaagay oo si cad oo aan dhuumasho laheyn uga horyimid Siyaasadahii qaldana ee Kacaanka xili waliba aan lagu dhicin in lagu dhiirado Kacaankaas, asagoo ku muteysyay in lagu xukumo DIL TOOGASHO AH.
2. Xiligii Hogaamiye Kooxeedyada waxuu ka mid ahaa Sheekh Nuur dadkii Calanka u siday wax ka badalka Xaaladaas.

3.Xiligii Maamulkii Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf Sheekhu sidoo kale waxuu ahaa dadkii sida Cad oga hor yimid soo galinta Ciidamadii Itoobiyo gudaha Dalka Soomaaliya, waxuu ka mid ahaa Culumadii Muqaawamada iyo Kacdoonka Bulsho hogaaminaysay.
4. Xiliyadii Maamuladii Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Madaxweyne Xasan Sheekh sidoo kale Sheekhu had iyo jeer waxuu sheegi jiray waxa uu u arko inay sax tahay asagoon cidna ugu aabo yeelaynin waxaana u maleynayaa in aad loo wada xusuusto hadlkii uu Sheekhu ka yiri Madaxweyne Xasan Sheekh hortiisa oo ahaa ” Madaxweyne Doorashadaada iyo Doogaaga Masuuliinta ayaa xun “. Waxaana hubaa dad maanta Sheekha arinkan ku dhaleecaynaya inay maalintaa kale u riyaaqsanaayen hadalkiisa.

Haddaba Sheekh Nuur Baaruud waa qofkaas ee ma Shalay ayuu qaldanaa mase Maanta, waxaan u arkaa in mar kasta waxa uu sax u arko qof sheego uu ahaa, tan haddana sidaa ayey ila tahay Waxaana hubaa in haddii uu Maamulka Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu qalad ku arkana uu tilmaamayo fartana ku fiiqayo. Marka Sheekha ha laga xishoodo hana laga leexdo, mana filaayo inuu Dastuur meel oga dhacay Xildhibaanada Sharafta lehna u gafay.

Allsanaag.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*