8th May 2024  admin  Category :

Waa maxay nacaybka Cabdiraxmaan Guulwade iyo wiilasha uu adeerka u yahay u qabaan Puntland.

Cabdiraxmaan Guulwade, Taliyihii hore ee ciidanka Guulwadayaasha Soomaaliya, oo markii danbe noqday taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed, oo u sabab u ahaa in Sodogiis madaxweynahoo hore ee Soomaaliya Allah ha u naxariistee Maxamed Siyaad Bare uu ku soo hubeeyo Mooryaan, sidaas awgeedna xukunka looga tuuray.

Cabdiraxmaan Guulwade markii laga soo wareejiyey Taliyaha Guulwadayaasha, isaga qura kama iman ciidanka Guulwadayaasha ee waxa uu horay u sii kaxaystay Ciidamadii Guulwadayaasha ee u badnaa qaxootiga beesha reer Aw xasan ee ka yimid Soomaali galbeed

Maleeshiyaadkan laga soo wareejiyey Guulwadayaasha ee ka midka noqday Booliiska ayaa loo dhiibay Saldhibyada Booliiska Muqdisho iyo Koonfurta Soomaaliya, wuxuuna amar lagu siiyey inay la shaqeeyaan jabhaddii USC

Cabdiraxmaan Guul wade oo Sodogiis ka xishoon waayey oo ku soo hubeeyeyMooryaan, markhaatina ka ahaa Daarood badan oo lagu dilay magaalada Muqdisho ayaa hadda sheegay ” Puntland dhawaan way burburaysaa oo cawaaqim xumaa udanbaynaysa “

Guulwade, wiilka uu adeerka u yahay Fahad Yaasiin isagauna warbixin uu ku qoray Wargayska Aljazeera waxa uu ku sheegay in Daaroodku Soomaaliya ka yahay Kurdiyiin

http://studies.aljazeera.net/reports/2014/11/2014112062155615209.htm

Dagaalkan Guulwade uu Sodigiis xukunka kaga tuuray kuma ekaan intaas oo qura, ee markii uu noqday Safiirka Suudaan iyo Masar, wuxuu dibadda magac Soomaaliyeed Jaamacado ugu diray dhalinyaro badan oo ka soo jeeda beesha reer Aw Xasan oo intooda badani ay yihiin kuwa maanta dalka qasaya oo aan doonayn inay doorasho ka dhacdo iyaga oo ka baqaya inay waayaan xaafad laga soo doorto

Burburka Guulwade ku sheegay inay Puntland burburayso waxbaa ka jiraan , beel ahaan Guulwade Puntland kuma bur burin karo hase ahaatee wuxuu samaystay urur diimeedyo ay madax ka yihiin oo ka jira guud ahaan Soomaaliya, kuwaas oo lagu marin habaabinayo in badan oo ka mid ah bulshada reer Puntland ee daacadda ah.

Ugu danbayntii Puntland burburi mayso, laakiinse waxa meesha ka baxaya marka ay timaado doorasho degaan kuwa u shaqeeya sida Gafanaha ee ku dul nool dhiiga Shacabka Soomaaliyeed

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*