26th July 2024  admin  Category :

Si Bulshada dhibaataysan loo badbaadiyo waa in Alag Alag  loo howl galaa.

Gobolada  Sanaag iyo Hayland, bulshaddii  ku noolayd ee reer guuraaga ahayd  maanta  waxay la il daran yihiin abaartii ugu darnayd inta la xasuusan yahay  ama sheeko lagu hayo ee  ka dhacday gudaha Soomaaliya . Iyada oo ay  taasi jirto,  ayaa goboladani waxaan ka shaqayn maamul  miisaaniyad leh oo bulshada wax tari kara .  Ha’yadihii Caalamiga ahaa ee Soomaaliya ku sugnaa  ayaa iyagana waxa laga dhaadhiciyey in goboladani yihiin dhul lagu muran san yahay oo Bahalo galeen ah. Siyaasiyiintii gobolka ka soo jeeday  ayaa iyaguna waxay noqdeen calool u shaqaystayaal. IsimaddiI IYO  Odayaashii ka soo jeeday goboladan ayaa iyaguna waxay noqdeen Siyaasiyiin ku kala biiray xisbiyada Ucud iyo Damuljadiid, Shaqana ka dhigtay doorashada soo socota xilliga ay dhacayso iyo  lacagata ka soo gelaysa

Hadaba si Qurba joogta reer Maakhir ay u badbaadiyaan Bulshadan dhibaataysan  ee dhabarka  loo wada jeediyey waa in ay ku dhaqaaqaan arintan oo ah  sida ugu dhakhsaha badan oo bulshadan gaajada iyo haraadka la il daran  loo gaarsiin karo kaalmo deg deg ah.

“ALAG ALAG”.  Alag Alag waa Erey Hindiya oo macnihiisu yahay gooni gooni.

Hadaan tusale u soo qaadano sida Alag alag u shaqayn karto waxaan tusaale u soo qaadnaynaa arintan.

Deeq Cabdiraxmaan, wuxuu ka soo jeedaa degaanada Maakhir,  sanadkii hore wuxuu sameeyey arintan. Wuxuu ururiyey dhamaan qurba joogta ku nool caalamka oo ka soo jeeda magaaladiisa . Wuxuu ku xukumay  in Qof walba uu bixiyo  boqol doolar oo biyo dhaamis ah oo la gaarsiinayey reer guuraa u hayaamay Gobolada Sool iyo Bari. Sadex cisho gudahood wuxuu ku ururiyey Deeq lacag ah oo  gaaraysay dhowr iyo tobon kun oo doolar . malintii Shaanaad Booyaddi u horaysay ayaa Biyaha gaarsiisay dadkii loogu talo galay ee ka hayaamay MAAKHIR ee  joogay duleedka magaalada Adhicadeeyue ee gobolka Sool.

Ugu danbayntii maanta oo axada haddii arintan ALAG -ALAGTA ah la bilaabo,    maalinta khamiista gobolada Sanaag iyo Hayland Iyo dadkii ka  hayaamayba waxa la gaarsiinayaa deeq inkasta ha noqotee . Wan bIilow fiican iyo isku dayasho hor leh. Wixii hadda ka danbeeya hadii lagu fiirsadaa Bulshadan dhibaataysan, waxa la sugaa  waa XABAAL WADAREED lagu ururiyo dadkii gaajada iyo haraadka u dhintay

ALLSANAAG/COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*