28th January 2022  admin  Category :

Gudoomiyihii Baarlamaanka oo laga Barakiciyey Hoygiisii Villa Wardhiigleey,

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya  Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa ka guuray xafiiskii uu ku lahaa Vilaa Wardhiigleey

Wararka  ayaa sheegaya inuu u guuray mid kamid ah Hoteelada ku dhow garoonka diyaaradaha, gaar ahaan Hotel ku dhow Xarunta hay’adda Horumarinta Qaramada Midoobay ee UNDP.

 

Wasiirkii hore ee amniga ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka C/risaaq Cumar Maxamuud ayaa kusoo qoray Barta uu ku leeyahay Twitter-ka in guddoomiyaha baarlamaanka uu ka guurey Villa Hargeysa.

Xarunta Villa Hargeysa ayaa waxay ku adkaatay xildhibaanada ay ugu tagaan guddoomiyaha baarlamaanka, waana tan keen karta inuu ka guuro xafiiskaasi si uu fursad ugu helo la kulanka xildhibaanada mooshinka Gudbiyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*