10th May 2024  admin  Category :

Kooxo hubaysan ayaa maanta magaalada Bosaso ku dilay gudoomiye ku xigeenkii hore ee gobolka Bari Khalar Ismaaciil Cabdulle , xilli uu marayay meel aan wax badan ka fogayn Afar Idoodka oo ku taala bartamaha magaalada.

Dad goob-joogayaal ah ayaa sheegay in marxuumka lagu dhuftay dhowr xabadood ,waxaana kooxaha dilka fuliyay u suurtagashay in markiiba ay goobta ka baxsadaan ,iyadoo dilkan uu dhacay wax yar ka dib salaad-dii duhurka ee maanta.

Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka gobolka Bari ayaa goobta soo gaaray , mana jirto cid ilaa iyo hadda loo soo qabtay dilkan oo ku soo aadaya , xilli magaalada Bosaaso ay ka jiraan xiisado dhinac amniga ah iyo mudaharaadyo ka dhashay sicir bararka.

Khalar Ismaaciil Cabdulle ayaa soo noqday gudoomiye ku xigeenka gobolka Bari ,xilligii uu Puntland madaxweynaha ka ahaa C/rixmaan Faroole ,waxaana uu la soo shaqeeyay gudomiyhii hore ee gobolka Bari C/samad Maxamed Gallan. Allah ha u naxariistee marxuumka la dilay ayaa ka soo jeeda beesha Ugaar saleebaan, Majeerteen

Ma jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyad-da weerarkan ,waxaana ciidamada amniga Puntland ay bilaabeen baaritaano ku aadan dilka loo gaystay marxuum Khalar oo in muddo ah gobolka Bari ka soo shaqaynayay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*