29th March 2024  admin  Category :

Wasiir Jamaal iyo Wasiirka Waxbarashada oo kulmay Muqdisho

Waxaa mar dhoweyd si wanaagsan noogu soo dhamaaday shirkii Gudiga Sare ee Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed oo shir gudoominayey Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare. Gudigan oo ka kooban 19 xubnood oo ay ka mid yihiin 11 Wasiir iyo Raktarka Jaamacadda.

Raktarka jaamacadda ayaa warbixin dhamaystiran naga siiyey guulaha ay gaadhay jaamacaddu, shaqooyinka ay hada gacanta ku hayso iyo hiigsiga jaamacadda ee sanadaha soo socda.Marka waxaa wax aad loogu farxo ah in faraca Puntland ee Jaamacadda Umadda ee ku yaal degmadda Badhan oo ah faracii ugu dambeeyey ee jaamacadda lagu soo daro ay ka socoto shaqo wanaagsan, warbixina nala ka siiyey ardayda dhigata iyo kuliyadaha ay wax ka bartaan.

Waxaan mar kale hambalyo u dirayaa maamulka, ardayda, waalidiinta iyo shaqaalaha faraca Jaamacadda Umadda ee xarunteedu tahay magaalada Badhan, waxaana u rajaynayaa mustaqbal wanaagsan iyo in ay noqdaan xarunta aqoonta iyo horumarka dalka.Hadii Alle idmo, waa sii xoojin doonaa tayanta iyo horumarinta jaamacadda guud ahaan, gaar ahaan faracyadda ku yaal meelaha fog fog sida kan Badhan, wixii caqabad ah oo ku timaada noocey doonto ha noqotee waa u wada joognaa waana ka hortagaynaa.

3 thoughts on “Gudiga Sare ee Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed

  1. Hamsa

    Hadii xin igalo yaa iga xoog badan, hadii wasiir Jamaal uu isku dayo inuu caqabad ku noqdo wax barashada iyo horumar ka meelo ka mid ah Puntland waxaad ogaataan jaamacada Badhan in dameeraha lagu xarayndoono jidka ceeldoofaarna noqon doono mid madhalays ah walaahi reer Qardhood waa yaqaaniin sida gunta iyo waxuushta loola deal gareeyo waadna arki doontaan waxa dhaca, ini Farmaajo wuu galbaday wax badana waa laysaga daba imaan InshAllah. Cadaawada uu Warsangeli u qabo kuwii uu qaraamayay waa ka shalaayidoonaan. Haday inoo bilaabatay xumaantu ee la socda.

    Reply
  2. Jirac

    War muxuu yahay inankan xiqsan aan aduunyaba war u heyn waa ciyaalkii AARAN JAAN QARAMEEYEEN ee Sicid Deni Damuljadiid baan u fahmay. War doqonyahow hadii aad ilmo yar tahay iga raali ahow lakiin sidaas maaha. Hinaaso cid ka qabi karta horumarka puntland ma jiro period. Wasiir Saleban na raali galin uma baahna ee waad yartahaye SIYAASADA FAHAM. Wasiirkii Qorshaynta Damuljadid waa Sicid Deni wasirka qorsheynta dowlada hada waqtigeedu dhamaadayna waa wasiir SALEBAN. Waana nimanka marka hogaanka puntland majaraha u qabta waayo waxbay fahamsanyihiin. Nin ka kali ah ee DAMULJADIID IYO AARANJAAN maanta ugu neceyb yihiin oo threat ka ku ah waa wasiir jamal sababta Deni geysay in Qardho jaamacad dhagax dhigo waa taas ee ciyaalkiinaan AARANJAAN iyo DAMULJADIID is huwan waqtigiinii waa dhamaaday Garowe ayaad comentigaaga ka soo post gareysay less than 1 mile from the office of the DENI. miskiin xiligii jahwareeriska isqarinta waa laga gudbay ee saas ula soco.

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*