26th April 2024  admin  Category :

Gudiga Qaban Qaabada Doorashada Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya oo shaaciyey Xiliga ay dhacayso Doorashadu.

Guddiga qaban qaabada doorashada Guddoonka Baarlamaanka golaha shacabka iyo labadiisa ku xigeen ayaa shaaciyay waqtiga ay dhaceyso doorashada Afhayeenka Baarlamaanka iyo ku xigeennadiisa.

Guddiga waxaa ay sheegeen in 11 ilaa 12ka Bishan January ay dhaceyso doorashada Guddoomiyaha Golaha shacabka iyo labadiisa ku xigeen,waxaana ay maalin ka hor shaaciyeen lacagaha ay isku diiwaan gelinayaan xubnaha isu sharraxaya xilkaas.

Qofka u tartamaya Guddoomiyaha Golaha shacabka aya waxaa ay Guddiga ka qaadayaan lacag dhan $15,000 oo Doollarka Mareykanka ah halka ku xigeennada laga qaadayo $10,000 oo Doollarka Mareykanka ah.

Guddiga ayaa la filayaa in ay si rasmi ah u shaaciyaan shuruudaha kale ee laga doonayo Musharrixiinta qabanaya xilka Guddoonka Golaha shacabka iyo ku xigeennadiisa.

Guddiga ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in 3-5ta Bishan ay tahay isdiiwaan gelinta Musharrixiinta,8-9ka ay khubado jeedinayaan musharrixiinta,11ka la dooranayo guddoonka Golaha shacabka halka ku xigeennadana la dooranayo 12ka Bishan.

Doorashadan ayaa Muujinaysa hadii wakhtigeeda ay ku dhacdo iney Soo Dhawdahay Tan Madaxweyne oo Iyaduna la filayo in Isla Muddo yar un ka Hor la qabto Iyaduna.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*