16th January 2022  admin  Category :

Gudiga Nabadaynta iyo Isimada Daarood Oo Baaq Ka Soo Saaray Dagaalka Dhumay

Boqor Burhaan Boqor Muuse, Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaam iyo qaar ka mida isimada waaweyn ee Puntland ayaa maanta oo taariikdu tahay 22 October 2018 waxaa ay baaq nabadeed u direen Beelo walaalo ah oo saaka ay diriri ku dhex martay deegaanka Dhumay ee Gobolka Sool.

Boqor Burhaan Boqor Muuse, Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaam iyo Ismadii kale ee baaqa nabada ah dirayey ayaa waxay si shuruud la’aana ay ku dalbadeen in xabadaas loo joojiyo, Isla markaana waxa ay xuseen in aan loo baahneen inuu dhiig halkaas ku daato waxayna baaq u direen ismada gobolada Sool in ay si deg deg ah u kala dhex galaan beelahaas walaalaha ah inta ay uga imaanayaan.

Ugu danbeyn Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa ku dheeraday taariikhda ay soo martay cooladaas oo mudo daba dheeratay waxa uuna dhinacyada dagaalamay ugu baaqay in ay gogosha nabada kusoo laabtaan oo wixii khilaaf ah ee jirana lagu dhameeyo miiska korkiisa.

Gudiga Nabadaynta iyo Isimada Daarood Oo Baaq Ka Soo Saaray Dagaalka Dhumay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*