9th May 2024  admin  Category :

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Lataliyaha Boqorka Sacuudiga

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta la kulmay Dr Cabdalla Rabiica oo ah la taliyaha Boqorka Sacuudiga ,ahna madaxa xarunta King Salman ee gargaarga deg-degga ah.

Kulankaan sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya Axmed Bin Muxamed al muwaladi , waxaana shirkaan looga wada hadlay sidii Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka loogala shaqayn la haa mashaariicda u adkaysiga aafooyinka , iyo in ay dadka Soomaaliyeed helaan adeegyada aas-aaska u ah xalka waara si wax looga qabto Musiibooyinka soo noq-noqda ee dalkeena ka dhaca.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ayaa masuuliyiintaan uga mahadceliyay mashaaricda wax ku oolka leh ee ay Soomaaliya ugu deeqeen taas oo maanta la saxiixay, dhanka kale Dalka Sucuudiga ayaa ballanqaaday in ay sii wedi doonaan mashaariicda nuucaas ah ee ay dalka ka fulinayaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*