26th April 2024  admin  Category :

Aqalka Cad oo lagu cadaadinayo inuu ka jawaabo weerarkii Jordan

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sheegay inuusan dooneyn dagaal uu la galo Iran. Hadalkan oo ku soo beegmay xilli madaxweyne Biden uu wacad ku maray in Mareykanku ka jawaabayo weerar loo adeegsaday dayuurad Drone ah oo dalka Jordan ku dilay saddex askari oo Mareykan ah.

Weerarkaas ayey Washington ku eedeysay maleeshiyo ay Iran taageerto.

Aqalka Congress-ka Mareykanka ayaa ku cadaadinaya Aqalka Cad inuu weerarkaasi ka jawaabo, taasi oo ay u egtahay in xaaladda un sii murjiso, ayna sii fidiso colaadda u dhaxeysa Israel iyo Xamaas ee ka dhalatay weerarkii Xamaas ay 7-dii October ku qaaday Israel.

Wariyaha VOA-da Anita Paul ayaa warbixintan inoo diyaarisay. Waxaa soo jeedineysa Falastiin Axmed Iimaan.

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sheegay inuusan dooneyn dagaal uu la galo Iran. Hadalkan oo ku soo beegmay xilli madaxweyne Biden uu wacad ku maray in Mareykanku ka jawaabayo weerar loo adeegsaday dayuurad Drone ah oo dalka Jordan ku dilay saddex askari oo Mareykan ah.

Weerarkaas ayey Washington ku eedeysay maleeshiyo ay Iran taageerto.

Aqalka Congress-ka Mareykanka ayaa ku cadaadinaya Aqalka Cad inuu weerarkaasi ka jawaabo, taasi oo ay u egtahay in xaaladda un sii murjiso, ayna sii fidiso colaadda u dhaxeysa Israel iyo Xamaas ee ka dhalatay weerarkii Xamaas ay 7-dii October ku qaaday Israel.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*