27th July 2024  admin  Category :

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta kulan la qaatay mas’uuliyiin ka socday Hay’adda Kaalmada iyo Hormarinta Caalamiga ah ee Mareykanka (USAID) oo ay hoggaaminaysay madaxa hay’adda ee Soomaaliya Sheri-Nouane Duncan-Jones.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay howsha ka hortagga leexsashada gargaarka, arrimaha u adkaysiga aafooyinka, Xasilinta deegaannada la xoreyay iyo arrimaha la xariira abaaraha soo noqnoqday.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, ayaa aad uga mahadceliyay Hay’adda USAID hawlaha gargaar iyo horumarineed ee ay ka waddo dalka, isagoo ballanqaaday dhankiisa in la sii xoojin doono ka mira dhalinta qodobbadii laga wada hadlay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*