26th July 2024  admin  Category :

Dhulka ay Soomaalida degto waxaa iska caadi ah gudniinka ragga oo meelo kala duwan lagu sameeyo.

Waxaa muddooyiinkii hore loo sameyn jiray qaab dhaqameed , balse hadda meelo badan oo deegaanada Soomaalida iyo caalamkaba ah waxaa wiilasha lagu gudaa isbataalada.

Qaar ka mid ah isbataalada ayaa waxay gudniinka wiilasha ka hor ay ku mudaa irbadda suuxinta si aysan xanuun u dareemin.

‘Wiil 10 sano jir ah ayaa ku dhintay ka dib markii lagu sameeyay gudniin isbitaal gaar loo leeyahay oo ku yaalla magaalada Dhaka ee caasimadda Bangladesh.

Wiilkan ayaa magaciisa lagu sheegay Ahnaf Tahmeed, waxaana loo qaaday isbitaalka si loogu gudo habeenkii Talladega. Laakiin qoyska ayaa ku eedeeyay maamulka isbitaalka in ay ku dureen ‘irbad qofka lagu suuxiyo marka la qalayo ‘ iyaga oo aan wax fasax ah ka haysan qoyska.

Bil iyo bar ka hor dalka Bangaladesh, wiil kale oo lagu magacaabi jiay Ayaan Axmed waxa uu ku dhintay isagoo gudniin ku jira, waxaana sidoo kale arrintan cabasho ka muujiyay qoyska wiilkaasi.

Circumcision has been performed without anesthesia in Bangladesh for decades. But in recent times the practice of surgical circumcision by doctors has increased.

Dalka Bangladesh muddo tobanaan sano ah ayaa gudniinka lagu sameeyn jiray iyada oo aan la suuxin. Laakiin muddooyiinkii u dambeyay waxaa sii kordhayay dhaqanka gudniinka qalliinka ee dhakhaatiirta ay sameeyaan.

Suuxinta muhiim ma tahay xilliga gudniinka? mase tahay khatar?

Shah Alam oo ah Dhakhtarkii hore oo ku taqasusay irbadda suuxinta iyo qaabka ay u shaqeyso ayaa waxaa uu yiri, “Suuxinta ayaa loo baahan yahay marka qofka la gudayo laakiin waa haddii si sax ah oo badqab leh . Laakiin waxa ugu muhiimsan waa in la go’aamiyo daawooyiinka suuxinta ee loo isticmaalo kiiskan oo kale. “

Waxa uu sidoo kale sheegay in haddii suuxinta la siiyo waqti qaldan iyada oo aan loo baahnayn baaritaan jireed ay dhici karto in nafta bukaanka ay halis gasho.

Faruk iyo wiilkiisa

Dr Shah Alam wuxuu ku talinayaa in suuxinta aan la isticmaalin dadka ay hayso qandhada, hargabka, qufaca, neefsashada oo ku adkaata, xanuunada laabta ama cudurrada wadnaha.

Waxa uu sheegay in suuxinta aysan wanaagsaneyn dadka xanuunadan qaba, isla markaana qaliin lagu sameyn karo ka dib marka la daweeyo cudurka ama la xakameeyo iyada oo lala tashanayo dhakhtar ku takhasusay.

Gudniinka ragga ayaa waxaa laga sameeyaa meelo badan oo caalamka, dadka qaar waxay u sameeyaan sababo dhanka diinta, halka kuwa kale ay caado dhaqameed ka tahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*