16th April 2024  admin  Category :

Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka dalka oo doortay Guddoomiye iyo guddoomiye ku-xigeen

Doorashada Guddoonka Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka oo ay ku tartamayeen musharixiin gaarayay illaa Afar oo qaarkood xilal ka soo qabtay Dalka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal iyo xubno ka socday Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana ugu horeyn xubnaha codeynayay oo tiradoodu ahayd 21-ka xubnood loo sharxay sida ay wax u dooranayaan.

Doorashadan ayaa waxaa ugu horeyn ku bilaabatay tartanka xilka Guddoomiyaha oo uu ku guuleystay Mudane Cabdullaahi Abyan Nuur oo helay 14-cod, halka uu Cali Maxamuud Faarax “Cali Seeko” oo la tartamayay uu helay 7-cod. sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha KMG ee Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Dedban ee Soomaaliya, Axmed Saciid Samatar, “Shoodhe”

Xilka Guddoomiye Ku-xigeenka oo ay ku tartamayeen musharixiinta kala ah Maxamed Ibraahim Barre iyo Axmed Yuusuf Maxamuud ayaa waxaa ku guuleystay ugu dambeyn Mudane Maxamed Ibraahim Barre oo mar soo noqday Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe, isagoo helay 15-cod.

Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Dedban ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Abyan Nuur iyo Ku-xigeenkiisa Mudane Maxamed Ibraahim Barre ayaa labaduba ka hadlay sida ay u arkaan xilalka loo doortay, iyagoo balan qaaday inay si cadaalad ah ugu adeegi doonaan bulshada, ayna si hufan u gudanayaan waajibaadka loo igmaday.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*